Doorshooyinku dhib iyo dheefba waa u leeyihiin Shacabka Somaliland
Qaybtii 4aad

 

Mar kasta waxaad ogaataan in howlaha Doorashooyinku ay yihiin howlo aad iyo aad u dhib badan,marka laga hadlayo qarasha ku baxaya iyo howsha la qabanayo lafteeda,waxaad markasta maskaxda ku haysaa Doorashooyin ka dhacay wadan yar oo aan la AQOONSAN dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba,kuna yaala qaarada Afrika sida ay ugu dhib badan tahay howshaasi.Waxaa iyana muhiim ah in aad ogaato in Doorashooyinkii Somaliland hore u soo maray ,aan cidina ku dhiman cidina ku dhaawacmin.
Mar laga hadlayo bilowga Doorashooyin Somaliland waxaa muhiim ah in la helo amase la xaqiijiyo in ay jiraa arimo dhowr armood oo ay qeexayaan shuruucda kala duwan ee ay leedahay Somaliland ,wixii ka baxsan shurrucda inoo yaala waxay u muuqanayaan sharci daro, wixii sharci darana ahina dalka iyo dadka dani uguma jirto.
Talaabooyinka ugu horeeya ee la odhan karo waa albaabka laga galo Doorashooyinka waxaa ugu muhiimsan in la helo:-
Xisbiga:-“Waa in uu jiraa Xisbi”. Sida aynu wada ognahay ee Dastuurka dalka Somaliland uu qeexayo waxaa ka jira dalka 3 Xisbi,oo kala ah UDUB-Kulmiye-UCID,mana jiro Xisbi kale oo ka qayb galaya Doorashooyinka Somaliland ee xiligan,wixii ka baxsan saddexdaa Xisbi-na waa sharci daro,sharci daro waxaan ula jeedaa “shuruucda dalka ayaan ogoleyn”.

Shirweynaha heer Qaran ee Xisbi (Shirweynaha Xisbiga):- Shirweynaha Xisbiga waxaa loola jeedaa in la qabto shirweye u gaar ah Xisbiga,mudada uu ku qabsoomo shirweynaha Xisbiga waxaa qeexaya xeerka Xisbi kasta u gaarka ah. Inta badan shirweynaha waxaa ka qayb gala ERGOOYIN,oo ah dad Xisbigu ka soo xushay Gobolada dalka, shuruudaha lagu soo xulana waxaa ka mid ah in ay Xisbiga taageeraan,u shaqeeyaan,aqoon,masuulnimo,firfircoonaan iyo sharafta uu ku leeyahay bulshada uu ku dhex nool yahay. Ergooyinka shirweynaha ka qayb gelaya waxaa tiradooda lagu qiyasaa inta badan 400 ilaa 600,waana ka badan karaan,kana yaraan karaan,markastana waxay ku xidhan tahay baaxada Xisbiga,dhaqaalaha Xisbiga iyo tirada taageerayaasha Xisbiga.Ugu danbayntana shirweynaha Qaran ee Xisbiga waxaa ka soo dhex baxa oo laga dhex doortaa Golaha Dhexe ee Xisbiga.

Shirka golaha dhexe:- Golaha dhexe ee Xisbiga waxaa laga soo dhex doortaa shirweynaha Xisbiga ee heer Qaran, qaabka uu u dhisan yahay,tirada Golaha dhexe ee Xisbiga waxaa qeexaya Xeerka Xisbiga u gaarka ah.tiro ahaan-na Xisbiyadu way ku kala duwan yihiin ,waxaana laga yaabaa in ay noqdaan inta badan inta u dhaxaysa 150 ilaa 250 laakiin mar kasta waa arin u gaar ah Xisbiga iyadoo la eegayo Siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.Fadhiyada Golaha dhexe ee Xisbiga sidoo kale waxaa inta badan lagu cadeeyaa xeerka Xisbiga u gaar ah :
Guddida fulinta ee Xisbiga:- Guddida fulinta ee Xisbiga waxaa laga dhex doortaa Golaha dhexe ee Xisbiga. Xubnaha guddida fulinta waxaa ka mid ah:-
• Gudoomiyaha Xisbiga.
• Gudoomiye ku xigeenka.
• Xoghayaha guud ee Xisbiga.
• Ku xig. Xog.guud
• Xoghayayaasha Xisbiga.
• Xubno kale oo laga soo dhex xulo golaha dhexe ee Xisbiga.
• Tirada Guddida fulinta ee Xisbiyadu way kala duwan yihiin.

Shaqada Guddida fulinta waxaa ka mid ah:
• Waxay fulinayaan go’aamada iyo talooyinka Shirweynaha Qaran iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga.
• Waxay socodsiiyaan hawlmaal-meedka Xisbiga.
• Shaqada guddida fulinta waxaa ugu muhiimsa Waxay hubiyaan in Goballada iyo Degmooyinku ay u fuliyeen go’aamada Xisbiga sidii loogu talo galay.
• Waxay siiyaan kal-fadhiga Golaha Dhexe warbixinno la xidhiidha hawlaha Xisbiga.
• Waxay go,aan ka gaadhaan dhamaan wixii howlo deg deg ah ee Xisbiga ka dhex aloosma inta u dhaxaysa laba shirweyne.


Musharaxiin:- Mar la qabto shirweynaha Xisbiga ee la doorto ama la dhiso Golaha dhexe ee Xisbiga,ayaa waxaa loo gudbayaa Musharaxiinta.Musharaxiintu waa in ay iska soo dhex sharaxaan Golaha dhexe ee Xisbiga ay ka tirsan yihiin, shuruudahana waxaa si cad u qeexaya Xeerka Xisbiga u gaarka ah,saddexda Xisbi ee Somaliland-na way ku kala duwan yihiin qaabka laysu sharaxayo(fadlan eeg Xeerarka Xisbiyada haddii aad doonayso in aad fahanto waxa ay ku kala duwan yihiin). Tusaalle ahaan Shuruudaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah “shaqsiga is sharaxaysaa waa in uu ka mid yahay Golaha dhexe ee Xisbiga, waxaanan filayaa in saddexda Xisbi-ba ka siman yihiin qodobkaas. “
F.G: shuruudaha laga rabo qofka musharax u noqonaya jagada Madaxweyne iyo Madax weyne ku xigeenka waxaynu ku eegi doonaa Q.5 ee maqaaladan taxana ah.

Akhristoow waa hubaal in doorashooyinku dhib iyo dheefba u leeyihiin shacabka Somaliland haddii aan tusaale gaaban kaa siiyo dhibta ay leeyihiin Doorashooyinka isdaba jooga ah waxaa ka mid ah,“dhaqaale aad iyo aad u badan oo ku baxa,kaas oo loo isticmaali lahaa adeega bushada IWM.

Dhinaca faaiidooyinkana waxaa ka mid ah “waxaynu raacaynaa tubtii Dimuqraatiyada,oo waxaynu kaga gudbaynaa habka “keli talisnimada iyo habkii Qabiilkaba,weliba caalamkana waxaynu kaga doonaynaa taageero buuxda.


Hadal iyo dhamaan Somaliland uma baahna buuq iyo qalalaase balse waxay u baahan tahay NABAD IYO HORUMAR.


------ La soco qaybaha dambe ----

 

 



mahadsanidin
Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com