DOORKA DHALINYARADA IYO DOORASHADA FOODA INAGU SOO HAYSA

 


Doodii Mareegta Internetka ee kooxda Somaliland Youth Group (SYG)

February 2009


Hordhac


Waa Maxay SYG?
Somaliland Youth Group (SYG) waa koox dhalinyaro reer Somaliland ah, oo ku bahoobay mareegta internet ka, sidii ay u wadaagi lahaayeen dhammaan macluumaadyada muhiimka u ah hab-nololeedkooda, kuna soo bandhigi lahaayeen aragtidooda ku waajahan mushkiladaha hadheeyey dhallinta, isla markaana u lahaan lahaayeen isku xidh iyaga u gaara oo mideeya dhallinyarada reer Somaliland ee ku kala baahsan dunida dacaladeeda.

Madashan mareegta SYG waxaa ku kulma oo warka iyo weedha ku kala qaata ku dhawaad kun (1000) qof oo dhalinyar oo dunida dacaladeeda kala jooga, guud ahaanba dhalinyaradan waxaa ka go’an inay ka qayb qaataan hanaanka hogaamineed ee dalka iyo dadkaba.

Guud ahaan dhalinyarada mareegtan ku bahawday waxay awood u leeyihiin inay si hufan uga talin karaan dhamaan arimaha dhaqan dhaqaale, siyaasadeed, cilmiyeed iyo diineed ee dalkan J. S. L.
Madashan mareegta SYG waxay leedahay nidaam maamul oo kala sareeya oo masuul iyo damiinba ka ah wixii khalad iyo qadaf ka dhaca dhamaan hawlaha ay dhalinyaradani ku wadaan mareegtoodan dhexdeeda.

Himilada SYG waxay tahay in la arko dhallinyarta Somaliland oo leh hal cod, islamarkaana si midaysan fikirkooda ugu gudbin kara bulshada inteeda kale isla markaana ka qayb-qaadanaya go’aannada waaweyn ee dalka.

Ujeedooyinka guud ee madashan SYG waxay yihiin:
 In laga doodo waxkasta oo nolosha iyo mustaqbalka dhalinyarta saamayn ku leh,
lana soo saaro talooyin iyo go'aammo wax ka taraya baahiyaha dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee ku dhaqan gudo iyo debedba.

 In la jiheeyo lana qaabeeyo afkaaraha iyo aragtiyaha dhallinyarta Somaliland si ay saamayn mugleh ugu yeelan karaan hanaan socodka dhaqan dhaqaale ee bulsho waynta reer somaliland.
 In la isku waydaarsado macluumaadka muhiimka ah sida : buugaagta, maqaalada, madadaalooyinka, suugaanta, ogaysiisyada, arrimaha diiniga ah iyo arimaha kale ee ka qayb qaadanaya isku xidhka dhalinyarada iwm.

Barnaamijyada Mareeg kooxeedka SYG
SYG waxa ay soo bandhigtaa barnaamijyo ay ka mid yihiin doodo ku aadan baahiyaha dhaqandhaqaale, cilmiyeed iyo siyaasadeed ee dalka iyo dadkaba, sidoo kale waxaa la isku waydaarsadaa macluumaadyo, ogaysiisyo, sugaan iyo barnaamijyo diiniya intaba.

Doodii Bishii February 2009
SYG markii ay aragtay in dhalin yartu tahay udub-dhexaadka bulshada somaliland isla markaana saamayn togan iyo mid tabanba ku yeelan kara hawlaha qaranka gaar ahaan doorashooyinka madaxtooyada ee kaabiga inagu soo haya.

SYG waxay muhiimada saartay in dhalinyaradu ka wada hadlaan oo meel la saaro doorka dhaliyaradu ay ku ayeelan karto doorashooyinka fooda inagu soo haya si looga hortago in dhalinyarta loo adeegsan karo khalkhal iyo kacdoon kaasi oo lagu hurin karo waxna lagu yeeli karo hanaan socodka dumuqraadiyada dalka ka hanaqaaday. .
Hadaba si loogu jiheeyo dhalinyarta dhabada toosan ee hurumarka bishii February ee inasoo dhaaftay, SYG waxay qabatay dood ay ku gorfaynaysay doorka dhalinyarta iyo doorashada inagu soo foodleh. Dooddan waxaa ka qayb qaatay ku dhawaad 1000 dhalin yar ah oo jooga dunida dacaladeeda oo qaar ka mid ahna afkaarahooda ku soo darsadeen inta kalena ay akhriska ku kaabayeen, doodani waxay socotay mudo bil ah.

Doodda waxaa gundhig u ahaa in la faaleeyo lana fahmo sida ugu haboon ee dhalinyarada SYG uga qayb qaadan lahaayeen habsami u socodka doorashooyinka dalka ka dhaci doona 29-03-2009, iyo doorka ay ciyaari lahaayeen hadii ay doorashadu dhici waydo xiligii loogu talo galay iyo kaalintay ka qaban lahaayeen, dhinaca kale hadii la isku khilaafo natiijada doorashooyinka sidii ugu haboonayd ee dhalinyaradu uga qayb qaadan lahaayeen, sidoo kale waxaa doodan lagu lafaguray goldaloolooyinka ugu waawayn ee la is leeyahay doorashada ayay caqab ku noqon karaan ugu danbayn waxay dhalinyaradu wadaageen shaqsi ahaan taladii uu qof kastaa ku talin lahaa si ay doorashadu ugu dhacdo si xaq iyo xalaal ah. Aragtiyo kala duway ayay ka bixiyeen ka qayb galayaashu waxaanan kusoo koobnay Faalada hoos ku qoran.

Mudadii bisha ahayd ee ay doodani socotay xubnaha kun ku dhawaadka ah ee SYG waxay si guud iskula waafaqeen sida ay dhalinyaradu uga qayb qaadan lahaayeen habsami u socodka doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkan 2009, faalo iyo falanqo dheer ka dib waxaa meel la isla gartay inay muhim tahay in:

• In dhalinyarada la siiyo macluumaad badan oo ku saabsan waxa ay tahay doorasho xor ah iyo siyaabaha ay ku dhici karto doorasho fayawi si ay u kabto habka go’aan qaadashada qofka dhalinyarada ah.
• In ay dhalinyardu ka hortagaan dhamaan cida ay u arkaan in ay nabada carqalad ku keeni karaan isla markaana dawlada ku dhiiri galiyaan in lagama maarmaan tahay in doorasho mudaysan laqabto.
• In dhalinyaradu dhexdeeda is dajiyaan iskuna baraarujiyaan in ay door muhiima ka cayaaraaan qabsoomida doorashooyinka dalka oo dhan.
 In ay dhalinyaradu si mugleh uga qayb qaataan wacyigalinta bulshada kale sida qoysaskooda, asxaabtooda iyo cidii kale ee ay macluumaad sax ah ku kordhin karaan xili kasta iyo meel kasta oo ay joogaanba.
 Dhalin yartu waa in ay soo bandhigaan dareenkooda iyo sida ay uga xunyihiin dib u dhac kasta oo ku yimada haanka dimoqraadiyadeed ee kalka iyo guud ahaanba daganaanshaha dalka iyo dadka...waxaanay dareenkooda ku soo bandhigi karaan mudaharaadyo nabadeed iyo qaybaha kala duwan ee saxaafada.

 Xubnaha madashan mareegta SYG waxay si guud iyo si gaaraba u rogrogeen waxa ay ka qaban karaan hadii ay doorashadu xiligii loogu talogalay dhici waydo, waxaana si talo guud lagu gudoonsaday

 In Dhalinyartu u midoobaan aragtiyaha ku aadan doorashada iyo waqtigeeda wixii dhibaato ahna waa in ay si wadajir ah uga hortagaan, isla markaana diyaariyaan qoraallo xanbaarsan dareenka dhallinyarada Somaliland oo ee ku aadan hanaansocodka doorashooyinka dalka iyo siday uga xun yihiin dib u dhac kasta oo ku yimaada mudaynta doorashooyinka taasi oon sababo waa wayn loo adeegsan.
 In qof kasta oo dhalin yaro ah oo ka tirsan mareegtani marka uu arko sababaynta musuuliyiinta gudida doorashooyinka iyo aragtiyaha xisbiyada uu masuul ka yahay inuu taageero xalka dalka iyo dadka u danta ah.

 In dhalinyarada guud ahaanba xil ka saaran yahay, dhiiri galinta in doorashadu xiliga loo mudeeyay lagu qabto, si looga hortago cawaaqib xumo ka dhalata murano siyaasadeed oo dhaawici kara koritaanka guud ee qaranka.

Xubnaha mareegtani waxay wadaageen oo is dareensiiyeen xilkii ka saarnaa hadii la isku khilaafo natiijada doorashooyinka iyo talaabooyinkii ay ka qaadi lahaa yeen hadii taladu faraha ka baxdo, ugu danbayntii xubnaha mareegtu waxay gudoonsadeen:

 In ay Dhalinyartu ka dhawrysanaadaan wax ala wixii sii kordhin kara khilaafaadka u dhaxeeya siyaasiyiinta iyo bulshadaba, isla markaana ka fogaadaan in ay ka qayb qaataan khilaafyada taagan ama ay ka qayb qaataan sii hurinta khilaafka siyaasadeed.

 In dhalinyaradu ay isku daydo in ayna ku milmin xisbiyada ee aanay noqon Xaabadii dabka lagu Hurinayay ee ay noqdaan dhex dhexaad bulshada udhex ah oo saxa khaladaadka jira.

 In ay bilaabaan sulux iyo isku soo dhawaynta dhinacyada kala fog iyo dejinta shucuurta dadwaynaha ee kacsan.
 In qofkasta oo dhalinyaro ahi inuu dadka inta uu ka waanin karo oo uu is leeyahay waxbay kaa maqlayaan uu iyadana uga digo dhibtaada ay leedahay khilaafka iyo in la sii kordhiyaa ha noqoto qoyskooda ama saaxiibadii.

 Waxa kale oo iyadana muhiim loo arkay in ururada dhalinyarta ay qabtaan barnaamijyo ay dadka ku wacyi galinayaan iyaga oo adeegsanaya hab kasta oo ay dadka wax ku gaadhsiin karayaan ugana digaya dhibaatada khilaafyada.

Dhinaca kale xubnaha SYG waxay lafagureen oo rogrogeen goldaloolooyinka ugu waawayn ee ay is leeyihiin doorashada ayay caqab ku noqon karaan, dhamaan qodobadan hoos ku qarana waxay xubnaha SYG u arkeen inay yihiin galdaloolooyin muhim ah oo hadii aan la gufayn saamayntooda yeelanaya

 Diiwaan gelinta codbixiyeyaasha oo wali muran badan ka oogan yahay una baahan in xal loo helo doorashada ka hor, si la iskula meel dhigo tirada guud ee la filayo inay codaynayso.
 Dad badan ayaa ilaa hada haysan waraaqii codaynta/wadaninimada iyo dad badan oo aan u dhalan dalka oo si sharci daro ah u qaatay kaadhka wadaninimada.

 Guddiga doorashooyinka oo noqday kuwo aan kalsooni buurani ka muuqan dhexdooda, taas oo marar badan dadka iyo dalkaba warwar ku abuurta.

 Diyaar garaw fiican oo loogu talo galay doorashada oo aan meesha oolin.

 Kaalmadii dhaqaale ee loogu talagalay in doorashada lagu fuliyo oo aan ilaa hada aan gacanta lagu hayn.
 Hufnaanta xisaabeed iyo hawleed ee gudida doorashooyinka iyo diwaan galinta oo aan cadayn ilaa hada isla markaana deeq bixiyeyaashu ay dareen taban ka bixiyeen.

 Xuukuumada oo moodo in ayna daba ka riixay gudida doorasha si ay doorasha mudaysan u dalka uga qabsoonto.
 Xisbiyada, xukuumada, goleyaasha qaranka iyo gudida doorashooyinka oo ixtiraami waaya dastuurka, xeerarka iyo hab-u-socodka doorashooyinka.

 Fasirka kala duwan ee la saaro ama siyaabaha kala duwan ee loo kala macnaysto xeerarka qaran ee quseeya doorashooyinka iyo hogaaminta dalka.

 shacabka oo aan eegin danta guud oo ku mashquula dan siyaasiyi kaliyi leeyahay iyo dawlada oo ku shubata labaduab waxay khatar galin karaan dimoqraadiyada aynu ku taano ilaa maanta.
• Axsaabta mucaaradka oo samir u yeelan waaya hanaan u socod ka doorashooyinka faragalin ku sameeya gudiga doorashooyinka kana gaabsada gabi ahaanba doorkoodii taageero.

• Meelaha qaranku u jilicsanyey waxaa ka mid ah komiishanka oo aan lahayn khibrad ku filan oo ah dhanka maamulida doorashooyinka taasina waxa ay noqon kartaa dhaliisha ugu wayn ee keeni karta fashilaad ku timaada doorashooyinka.

Xubin kasta oo ka tirsan mareegtan SYG waxaa uu talo shaqsi ah ka gaystay sidii loo heli lahaa doorasho xaq, xor iyo xalaal ah, waxaanay soo jeediyeen talooyin kala duwan oo quseeya hay’adaha ku shaqada leh dhamaystirka hawlaha doorashooyinka ee qaranka, qodobadii ugu muhimsanaa ee ay dhalinyaradu isku waafaqeen waxaa ugu muhimsanaa:

Axsaabta
• Ha la siiyo kalsooni buuxda Komishanka hana lagu taageero wixii khibrad lagu kordhin karo.
• Ha la muujiyo dareeno sabaale iyo isku tanaasul badan oo loogu danaynayo dalka iyo dadka.

• Ha ka dhawrsanadeen wixii khilaafaad ku keeni kara habsami u socodka doorasha kaabiga inagu soo haysa.


Dawaladda

• Waxaanu ku talinaa in dawladu ay noqoto mid aan ku milmin komiishanka oo ay siisaa kalsoonida fulineed ee hawlaha doorashada.
• Waxaan u soo jeedinaynaa xukuumada imika haysa talada in ayna u isticmaalin agabka qaran tartanka doorashooyinka ee xisbiyada dhex maraya.
• Xukuumada imika joogtaa waxaa looga fadhiyaa inay fududayso dhamaan hawlaha ku sahabsan doorashooyinka ee iyaga ku xidhan.
Gudida Doorashooyinka
• Waxaan kula talinaynaa in ay koomiishanku noqdaan qaar ilaahay ka cabsada oo dhex u noqda xusbiyada loolamaya.
• Waxaan ku talinaynaa in guddida doorashooyinku si daacad ah ugu shaqeeyaan waddanka ayna muujiyaan in ay cidkasta uga lexajeclo badan yihiin, sababta oo ah iyaga ayaa maanta masayrkii umada gacanta ugu jiraa.

• Gudida komiishanku ha noqdeen qaar dadka inta badani ku ku qanci karto oo macquul ah.


Cid kasta

• Waa in mucaarad, muxaafad iyo shacba la baraarujiyaa si ay ugu diyaar garoobaan doorashada , iyada oo la bilaabo olalihii doorashada iyo sidii dhalinta looga dhaadhicin lahaa in doorasha ay ka qayb qaataan ayna doortaan cida ayrabaan iyaga oo eegaya agendihiisa iyo barnaamijka waxqadeed ee uuna eegin cida uu yahay iyo danta uu ka helayo.

Gabagabo:

Ugu danbayn xubnaha ku bahoobay mareegtan SYG waxay ku talinayaa in loo dhago nuglaado dhamaan talooyinkankan ay cududan dhalinyaradu ku baaqeen.

Maamulka mareegtan SYG waxaa uu diyaar u yahay dhamaan wixii dhaliil ka soo baxda guud ahaan mareegtan SYG gaar ahaan qoraalkan sida kooban u taabanaya xaalada dalka iyo doorashooyinka kaabiga inagu soo haya.

Dhinaca kale waxa dhawaan mareegta la soo dhex dhigi doonaa mawduucii bishan soo socota kaas oo aan ka soo xuli doono mawduucyadii aad horaantii sanadkan soo gudbiseen.
Baaqani marka ugu danbaysa ee uu mareegta ka soo baxo, waxaa uu maamulka groupku balan qaaday inuu u gudbin doono saxaafada gudaha iyo dibadaba kolba intii suuro gal ah, waxaana filaynaa inuu gaadhi doono dhamaan dadka iyo xafiisyada uu sida gaarka ah u khuseeyo.


Mahadsanid
 

 


SYG Management Team