Doorasho laga hirgaliyo somaliland bisha june waa BADBAADADA umada iyo dalkaba

 

Abwaan:Siciid Cabdi Dheen

Hadii dhawr jeer ay inoo qabsoomi wayday ina la qabto doorasho xalaala waxay ila  tah ay in maanta XILWAYN la iska saaro sidii aanay mardanbe qabyo u galin.Waxa xaqiiqa hadii maanta la ilduufo mar kale ama taladu inaga xumaato in dulqaadku yaraan doono.
Kursiga madaxtooyadu wuxuu sharaf ku leeyahay ayadoo lagu helo cod kalsooniya oo shacabku kuu HIBEEYO.


Xoog iyo awood iyo qasab iyo khiyaamo waxba kuma hagaagi karaan dadka iyo dalkuna waa ku baaba,ayaa doorasahadan la sugayo bisha june 2010 waxay noqnaysaa mid aad caalamku indhaha ugu eegayo inay ka hirgasho SOMALILAND.Waxa kale oo ay guul u noqnaysaa nidaamkeena dimuquraadiya aynu caalamka ka iibinayno inaynu nahay umad sinaan iyo cadaalad ku dhaqanta .SHacbiga somaliland ee masaakiinta ah ee hadba  dhin ac loo wado sidii xoolo la iibgaynaayo ama adhidamaan ee ayagu wax kasta HAYE  HAW RAARSAN ku jawaaba miyaanay haboonayn in maanta LOO TUDHO .miyaanay ahayn in daacad loo noqdo oo wanaag loogu badalo dulqaadkooda.

Waxaan aad isu waydiiyaa sababta raga siyaasiyiinta gaar ahaan xisbiga udub ay  lexe jeclo dalka iyo dadka ugu yeelan waayeen.UDUB iyo maamulka talada haya waa kooxda kaliya ee maanta dalka doorasho ka qaban kara.Ma jirto awood aan ayaga ahayn oo doorashadan hirgalin karta.Waxaan aad uga codsanayaa in maamulka talada hayaa uu fahmo inay yihiin cida kaliya ee looga fadhiyo inay DOORASHADANI QABSOONTO.mudane MADAXWAYNE DAAHIR RIYAALE KAAHIN waa awooda ugu saraysa ee taladu ka godo.
Waa hubaal in uu yahay qofka kaliya ee doorashadan hirgalin kara inay dalka ka dhacdo.
Waxay noqonaysaa taariikh aan waligii ka hadhayn hadii mar kale doorashadani hakato.
DHamaan shacbiga somaliland meel kastoo uu joogo waxa maanta guul gaadhsiin kara una hiilin kara waa MUDANE MADAXWAYNAHA SOMALILAND DAAHIR RIYAALE KAAHIN.
Asxaabta mucaaridka waxa ku waajiba inay ayidaan qabsoomida doorashadan wax carq aladana aanay gelin.Waxa muhiima in dhamaan daldaloolada banaan ee wax xayiri kara in hada laga tabaabushaysto oo si dhaqso ah LOO WADA DABOOLO.

Doorasho dhamaan sadexda xisbi ka go,an oo daacad loo yahay khiyaamana laga  dheer aado waa RAJADA KALIYA EE MAANTA SOMALILAND hortaagan.Dalkan loo kala tagi  ma ayo nina gaar uma yeelanaayo inuu mustaqbalka kaligii ku noolaado.Ilaahay sxw ayaa inagu beeray dhamaanteen siyaasi iyo muxaafid iyo mucaarid iyo shacbiwaynaba.Dalka ni haduuu horumar gaadho waa mid aynu guushiisa intifaacsanaynoHadii qas ka dhac ana waa mid dhamaanteen inoo wada daran oon nina wanaag gaara ka lisayn.

Hadaba miyaanay ahayn in ilaahay sxw laga cabsado oo maanta la badbaadiyo  somalila nd shacabkeeda in aan wax dhiba loo horseedin.MISE TOLOW SIYAASIYIINTU HADII AY XUMAATO WAXOOGA LACAGANA WAY HAYSTAAN OO WAXAY QORSHAYSTEEN SIDA  AF RICANKA CAQLIGA GAABAN INAY MARKAY QASANTO YURUB QAXOOTI KA DALBADAAN IYO MAGANGALYO SIYAASAEED.?
SHacabkuna haday is dilaan iyo haday gaajoodaan wax dana kama laha?

GABAGABDII


Nin la tumay taladu joogtaa waxa looga fadhiyaa MUDANE madaxwayne daahir riyaale kaahin iyo taageerayaashiisa udub inay dalka ka qabtaan DOORASHO XAQA OO XAL AALA OO LAGU MEELMARO.

Sadex arimood ayaa dawlada taageeraya inay doorashadani qabsoonto

1, komishan daacada oo xilkooda u hagar baxa cadaaladna sameeya
2, mucaarid daacada labada xisbi ee ucid iyo kulmiye OO taageero buuxda siiya qabsoomida doorashadan.
3, shacbi daacada oo halakay dan moodaan si habsamiya IYO nabadgalyo ah codkooda u siiyaaan.

midh afraad oo aan ku daraa ma jirto , uma baahnin outside worldku inay gacan inaga siiyaan doorashadan.uma baahnin yurub iyo africa inay wax taagulo inaga siiyaan  door ashadan.Waxa taageero siin kara doorashadan waa gudaheena iyo midnimadeena oo isku duuban loona dareero in codka lagu rido sanaaduuqda loo qorsheeyay foodka ee yaala goobaha kala duwan.

DOORASHO LA HEL WAA AYADOO SOMALILAND LA AQOONSADAY DADKUNA KALA BAD BAADAY.

HADII MAANTA LA WAAYANA WAA RAJO XUMO IYO DHIB DALKA IYO DADKA U SOO HOYOTAY.

XADHIGA GUUSHU WAA HORTEENA EE YAAN XADHIG KALE LAGU DARIN IN HEESTA LAGA TUMO.


WABILAAHI TAWFIIQ

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk