Doorashadii Ka Dhacday Somaliland Waxay Ka Meeqaam Sareysay Kuwa Ka
Dhaca Dalal Badan Oo African Ah

Bujumbura (Reuters)-“Somaliland
ayaa labada dal ee (Guinea iyo Burundi) ka ayaan iyo nasiib bad
naatay markii ay aqbaleen saddexdii xisbiba natiijadii hordhaca
ahayd ee komishanka doorashooy inka qaranku soo saaray, taas
oo amaan iyo bogaadin laxaad leh ka heshay beesha caalamka, hal ka
la filayo in Somaliland ay cashar ugu filnaanto dalka Ruwanda oo
isna bishan gali doona dooras ho”.
Sidaa waxa lagu daabacay wakaaladda wararka ee Ruaters warbixin uu
qoray wariye Matt Brown, oo ka hawl gala hay’ada wararka, ABC News.
Warbixntu waxay xustay, in Somaliland doorashadii madaxtooyada ee ka
dhacday 26 June bishii in a dhaaftay ee ay ka soo qayb galeen
goob-joogayaashii caalamiga ahaa ahayd doorasho xor iyo xalaal u
dhacday, islamarkaana doorashadaasi ahayd mid Somaliland ay kaga
horayso dalal faraba dan oo aduunka ah, ahaan dalalka Africa.
Warbixintu waxay intaa ku dartay, bishii hore ee June in saddexda
dal ee Somaliland, Guine iyo Bu rundi ay ka dhaceen
doorashooyin, balse ay wajiyo kala duwan lahaayeen, taasoo
warbixintu hoo sta ka xariiqday, in doorashadasi Somaliland ka
dhacday marka la eego labadaasi dal ee kale ay w e yn uga
qiimo badnayd, islamarkaana ay qireen goobjoogayaashii caalamka ee
ka soo qayb galay doorashadii Somaliland, taasoo warbixintu sheegtay
in dalalka Guine iyo Brundi ay meeqaam hoose taagnayeen
doorashooyinka ka dhacay oo aan la barbar dhigi karayn ta Somaliland
ka dhacday.
Jamhuuriyda Somaliland oo dhawr jeer oo hore doorashada madaxtooyadu
dib u dhacday ayaa bi shii hore ee June 26-keedii uga
qabsoontay doorashadu, taas oo si heer sare ah uga dhacday,
isl amarkaana ay ka soo qaybgaleen goobjoogaayaashii caalamiga ahaa,
goobjoogaashaashaasi wax ay qireen inay ahayd doorasho xor iyo
xalaal u qabsoontay, taas oo ay guushu ku raacday muras haxii
xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),
halka madaxweyn e Daahir Rayaale Kaahin uu aqbalay kuna
hambalyeeyay guusha ay gaadheen xisbiga mucaaradka ahi, taasi oo ah
mid fajiciso iyo amakaag sida milgaha leh ee madaxweyne Rayaale
yeelay. Halka dalka Guinea oo ku yaala galbeedka qaarada Afrika oo
doorasho ka qabsoontay bishii June 27-ke edii ay soo gabagabaysay
muddo nus qarni ku dhaw oo rijiim kalitalis ahi uu ku amar ku
taaglayna yay, taasoo wareegii hore ee doorashadana lagu kala adkaan
waayay loona balamay bishan 18-keeda in lagu kala calafqaado wareeg
labaad.
Hadaba Wareegaas oo ay iskugu soo hadheen ra’iisal-wasaarahii hore
ee dalkaas Cellou Dalein Di allo, kaas oo helay codadkii ugu
tirada badnaa, balse ku guuldaraystay inuu helo in ka badan 50%
codadka la dhiibtay, waxaanu wareeg labaad gorada is-dari doonaan
mid ka mid ah mucaaradka oo dadka ugu caansan dalkaasi ka mid ah oo
lagu magacaabo Apha Conde. Dalka Guinea ayaa doora shadani ay
tahay tii ugu horaysay ee nooceeda ah tan iyo intii sanadkii 2008
dii uu ka geeriyooday kalidii taliyahii muddada dheer xilka hayay
Lansana Conte, kaas oo ka dib markii uu dhintay oo dal ku isku
diyaarinayay nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyin in la gallo,
hadana mar labaad uu afganbi ku qabsaday Gen. Mousa Camara, kaas oo
isna qaar ka tirsan ilaaladiisu ay toogteen, kadi bna
dhaawaciisii loola cararay dalka ay jaarka yihiin ee Burkina-faso,
waxyar ka dibna uu tala da la wareegay Gen. Sekouba Konate oo
xayiraad ku saaray inuu dib dalka ugu soo laabto. Sakouba Ko
nate wuxuu xilligaa sheegay inuu qabanayo doorashooyin isaga iyo
ciidamaduna aanay ka qayb qaadan doonin ee ay xisbiyo soo
dhistaan dadka rayidka ahi.
Taas oo keentay in bisha June 27 keedii doorashadii ugu horaysay ee
dimuqraadi ahi ay halkaas ka dhacdo,.oo ay goobjoogayaashii caalamka
ku tilmaameen inay
ahayd mid xor oo xalaal ah, marka laga laga reebo waayo-aragnimo
la’aan xoogan oo dalkaas ka jirtay.
natiijadii wareega koowaad ee doorashadaasi ayaa la soo saaray 2-dii
July, iyadoo idaacadaha da lkaasi ay si weyn ugu mahadnaqayeen
ciidamada, uguna bushaareeyeen ciidamada in askari kasta hal darajo
la dalacin doono, halka taliyahooda Sekouba Konte la siin doono
darajo gaar ah oo lagu sharfayo go’aanka geesinimada leh ee uu
qaatay, dalkiisana u horseeday inay doorasho xor oo xalaal ahi ka
qabsoonto, markii ugu horaysay taariikhda. Dalka Guinea wuxuu
tusaale u noqday dalalka galbeedka Afrika oo uu tusay in muddo dheer
oo ay shacabku ku jiraan gacanta birta ah ee kalitalisnimada ay si
degdeg ah u noqan karaan dalal dimuqraadiyadu si wacan uga hirgasho,
balse lama garanayo ilaa hadda wax ay ku dhamaan doonto iyo sida
laga yeeli doono natiijada kama danbaysta ah.
Sidoo kale Dalka Burundi ee aadka u yar ee dhaca badhtamaha qaarada
Afrika waxa ka qabsooma ysa doorasho ay dhamaantood ka
muquurteen murashaxiintii xisbiyada mucaaradka ah oo ku eed
eeyay madaxweynaha talada haya Mr. Pierre Nkurunziza inuu ku shubtay
doorashadii dawladaha hoose, islamarkaana doorashadana uu ku shuban
doono.
Waxaanu shacabka ugu baaqayay madaxweyne Nkurunziza inay doorashada
u soo dareeraan, ha ddii aanay doonayn inay codka siiyaana u
cadeeyaan inaanu xilka u qalmin hadii kalana ay siiyaan
kalsoonidooda, balse aanay ka aamusin, isla markaana aanay dhegaysan
qolyaha mucaaradka ah ee ku baaqaya inaan la coday.
Dhanka kale, xisbiyada mucaaradka ayaa uga digay shacabku inay
codeeyaan, waxaanay ugu han jabeen in qofkii codeeya ay faraha
ka goyn doonaan, waxaanay sheegeen goobjoogayaashu inay arkayeen
dadweynaha safafka dhaadheer ugu jira sidii ay khadka iskaga maydhi
lahaayeen inta aanay goobta codbixinta ka bixin.
Isku soo wada duuboo dalka Somaliland ayaa labadaa dal ee kalaba ka
ayaan iyo nasiib badnaaday markii ay aqbaleen saddexdii xisbiba
natiijadii hordhaca ahayd ee komishanka qaranka doorashoo
yinku soo saaray, taas oo amaan iyo bogaadin laxaad leh ka heshay
beesha caalamka, halka la fila yo in Somaliland ay cashar ugu
filnaanto dalka Ruwanda oo isna bishan gali doona doorasho, taas oo
ilaa hadda la kala garanayn marka laga eego weerarada
banbo-gacmeedka ee lagu weerarayo goobaha dawlada iyo siyaasiyiinta
sida joogtada jeelka loogu taxaabo inay mari doonto jidkii
Soma liland iyo inay qaado dhabadii uu qaaday dalka Burundi ee la
jaarka ah.
Source:Haatuf
|