Doorashada madaxtinimo
ee soo socota waa tii ugu adkayn ee ina soo
marta
Doorashada madaxtinimada ee fooda
inagu soo haysaa waa marxaladii (the toughest challenge Somaliland
ever faced) ugu adkayd ee Somaliland soo marta (do or die time).
Maqaalkan akhristow wuxuu ku sawirayaa xaalada Somaliland (SL)
marayso iyo duruufaha adag e siyaasadeed iyo dhaqaale iyo bulshaba
ee adag ee wadanka soo wajahay. Hadaba anigoo ah madaxda xisbiga
UCID ee qurbo jooga oo dalkana soo joogay 20/07/08 ilaa 01/09/2008
islamarkaan booqda dalka ugu yaraan mar ama laba jeer sanadkiiba,
ayaan maanta jecelahay inaan dhamaan shacbiga reer Somaliland ku
baraarujiyo xaalada siyaasadeed ee adag ee maanta wadanku marayo si
bal qof waliba uu caqli u keeno SL kaga samatabixi karto duruufani
kor ku xiusay ee adag. Somaalidaa tidhaa daadku intaanu ku soo
gaadhin ayaa la iska moosa.
Hadaba hadaan ku horeeyo hogaaminta Siyaasadeed ee Madaxwayne Daahir
Riyaale mudadii lixda sano ahayid ee uu dalkan hogaaminayey waxay
ahayid mid Somaliland aan habayaraate wax horumar ah wadanka ay ku
soo kordhisay aanay jirin. Balse wadanka ay galisay khilaaf hore leh
oon aan ka jirijirin intaanu hooganaka dalka aanu dhaxlin.
Haseyeesha lagu xususan doona nasiibdarada uu wadankan dhaxalsiiyey
ee ah burburinta sharciyaadi SL ku kala dambeeysay oo ahaa kuwii
isaga surtogaliyey inuu hogaanka wadanka hanto.
Madaxwaynaha hadu wax uu ku tuntay shuruucdii dalaka, waxa uu
baabiyey, golahii guurtida oo uu isagu yahay manta gudoomiyaha
gurtida taladu ka godo, maxkamadii distooriga oon gaadhikarin talo
aan madaxwaynaha raali galin Karin. Golahii wakiilada oo noqday gole
qaybsan islamarkaan goaankasat iyo talo kasata ooy goyaan ay dib u
soo celiyaan golaha guurtidu. Sidaasi daraaded hadii bari la isku
khilaafo doorashada soo soosocota gole sharciyeed oo distooriya oo
ka garniqi karaa majiro.
Waxaa nasiib daro ah in maanta sida Hargeeysa oo ah caasimadii dalka
aanay biyo lahayn Foostada biyahu ay marayso shilin SL 10,000 oo ku
adag reerkasta iska ilow wax dhari la saare anay awoodi Karin inay
foosta biyah ah dhaqaalahoodu ka badiso.
Markaa intaasi la isku soo xooriyo dawaladu waxay ku caanbaxday oo
ay noqotay qawlaysato ku hawlan boobka hantida qaranka iyo dilaalida
khayraadka dalku leeyahay (ka xoolayso ayaama ku hadhaye xaalkeedi
noqday).
Waxaan intaasi sii dheer iyadoo dawlada hadu tahay (manta) tii
halkay dalkan ictiraaf u raadin lahay is hortaagtay iyadoo ka
duulaysa inay iyada icitiraaf la’aantu ugu badinayso. Labadan
tusaale ay taasi daalili cad u ah:
1. Muda kordhintii halkan sano ee guurtidu ay ku sababeyeen in SL
tahay dal aan nabadi ka jirin. Arintani waxay guul u ahayid (golden
opportunity) dawlada Imabagaati iyo cadawga SL mar ay Saxiibada
Somaliland doonayeen in golaha Security Council ku uu mawqif ka soo
saaro arinta citiraafka SL. Balse Cabdillahi Yusuuf u sababayntii
mudo kordhinta halka sano uu kaga faiidaysaty inuu UN kaga doodo in
Somaaliya meel nabad ahi anay jirin, kuna daray intaa bal in aanay
golaha Security Council ku aanay fududaysan warbixinta muda
kordhinta ee Golaha Guurtida ku sababeenyeen ee ah Somaliland nabdi
kama jirto, laguna faafiyey warbaahinta adunka (sida BBC monitoring
oo English ku turjumtay sababayntii Gurtidu ee muda kordhinta halka
sano ee madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa). Taasi waxay fajac iyo
amakaak ku riday saxiibadii Somaliland ee u hormoodka ka ahayeen
wadamada Marykanka iyo Ingriisku iyo South Africa.
2. Dawlada hada iyadoo si badheedh ah u la dagaalamaysa citiraaf SL
hesho waati tidhi si badheedh ah u tidhi SL waxaa ka jira argagixiso
markay xidhay gudoomiye ku xigeenkii hore ee gudiga koomishanka
doorashooyinka qaranka Xirsi Cali Xaaji Xasan lana xidhiidhisay
kooxda Alshabaab oo liska argagixisada gacan saarka la leh Alqaacida
uu Marykanku ku daray . Arintan oo warbaahinta caalamka oo dhan lagu
faafiyey ma ahayin kumana koobnayn shakhsi qudhee waxay ahayid mid
lagu xumanyey aqoonsiga Somaliland. Maantana xagal daacisay
aqoonsigii Somaliland ilaa inta la ina soo badhayo ee la odhanyo
Somaliland waa dal aan argagixiso anay ka jirin dawladaha Maraykanka
iyo Europe inagu soo deg degimayaan ilayn inaagaa xadhigeeni isku
dabnay oo nidhi argagixiso ayaa dalkayaga ka hawlgasha e
Labadaa arimood waxay tusaale cad u yihiin in dawlada hadu tahay ta
hortaagan ictiraaf inuu dalkani helo oo wakhtigan aduunyadu rabatay
inay meel iskadhigto arinta ictiraafka SL oo caalamka ku ahayid laf
hunguri gashay.
Hadaba waxaa manata cad hadiiba doorasho xor ahi wadankan ka dhacdo
in cidina vote siinayn dawlda hada oo dadkii uu oomanyihiin isbedel
siyaasadeed oo Somaliland loogu soo dabaalo wadadii cadayd. Qofkasta
oo xisbiga UDUB u codayaan u noqon doono qof danaysate ah ama
Somaliland ku burburinaya. Bal caqli keeno maant ma ku badbaadi
doonaa shan sano oo dambe oo rajo beel ah iyo maamul xumo ah.
Jaawaabtu waa maya oo UDUB oo soo noqotaa waa rajo beel iyo
Somaliland oo beel beel loo kala guuro ama qaran jab.
Hadaba xisbiga Kulmiye iyo mudane Maxamed Axmed Maxamuud (Siilanyo)
dhidibada ma u tagi karaan oo ma dhamaystiri doonaan mashruuci SL ee
noqday cidina uma maqna ceelna uma qodna mise xalku wuxuu ku jiraa
Xisbiga UCID iyo Mudane Faysal Cali Waraabe.
Hadaba hadaan ku horeeyo ka hore (kulmiye). Waxaa cad in kulmiye uu
ahaa xisbi shacbigu markasata u arkayeen inuu 100% uu dhaami doono
UDUB wadankana laxel jeclo ka leeyahay. Shacbiga Somaliland tageero
iyo abaal wayna u hayeen marku xisbigaasi 80 cod oo xaaran ah oo
boob ah iyo hantidii qaranka loo isticmaalaya uga hadhay dawlada si
nabadgalyda dalka iyo SL u badbaado.
Xisbiga Kulmiye waa ka dawlada hada jirta eedaymo iyo xadhig kula
kacday madaxdiisa si nabadgalyada loogu xumeeyo balse xisbigani
markasta mujiyey dulqaad iyo wadanimo isagoo eegay danta shacbiga
iyo nabadgalyada Somaliland.
Ku darso xisbiga Kulmiye wuxuu soo bandhigay dimoqraadiyadii ugu
waynayid ee xisbi siyaasadeed dhexdiisa ka dhacda. Nasiib darose
taasi si qiirtay kadib markii xubnihii golaha dhex lagu soo xulay
beelo ama habkii shirbeeledkii aynu ka soo digo roganay.
Isku soo duubo, manta xisbigii Kulmiye waxaa ku yimid kalajab iyo
burbur dhexdiisi ah.
Si walab haw dhacdee xisbiga kulmiye burburkaasi ku yimid awgeed
maanta waxaa loo arkaa mid aan talada dalka hanan Karin una kala
qaybsan:
1. Kooxo iska soo wada horjeeda
kuna midaysan kaliya inay kursiguun gacantu u soo gasho,
islamarkaana aan lahayn siyaasad hogaamineed oo cad;
2. Garbyada kulmiye oo loo arko
hadii maamulka wadanku gacanta u galo in iyaga dhexdooda dagaal hor
lihi ka dhex dhici karo nabadgalyada dalkana khalkhal galin karta;
3. Xisbiga kulmiye sida UDUB
waxaa aad looga shaki qabaa in aanu daacad ka ahayn gooni isutaaga
iyo aqoosi buuxda ooy SL hesho balse sida UDUB ay qabaan muqif
qarsoon. Fikirkan waxaa sii xoojiyey tageerada u gudoomiyaha xisbiga
siyey Cabdiraxmaan Saylic ee lagu foogaynayey Mujaahid Cabdiraxmaan
Aw Cali oon isgau marna aan ogalayn in qadiyada Somaliland la galiyo
gogortan; iyo
4. Dad ku dooda oo qaba in
siyaasad mustaqbalka ee Kulmiye ay tahay gacan uur ku jirta oon
cidina saadalin karin jihada siyaasadeed eey qaadi doonaa (Somali
wayn ama Somaliland) hadii xukunku gacanta u galo Kulmiye.
****Hadaba marka duurufahaasi miisankooda la eego kor ku xusan
kulmiye Somaliland xal u ma ah.
Hadaba mannta xalka SL wax uu ku jiraa UCID iyo Mudane Faysal Cali
Waraabe oo hogaanka dalku gacanta uu galo keeni doonan waa cusub oo
u barya SL iyo dabayl caafimaad oo markale soo dhacda.
Bal hada eeg kaliya waxqabadka iyo wadaninimada xisbigu ku si foobay
mudadii todobada sano ee u jiray:
1. UCID waa xisbiga ugu horeeyey ee horseeday hananka xisbiyada
badan ama xisbiga xalaaleeyey Distoorka SL ee UDUB iyo Riyaale ku
tunteen imika;
2. waa xisbigii la dagaalamay salaadiintii qaran dumiska ahaa ee ka
soo horjeestay dawladii marxuun Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal;
3. waa xisbigii dantiisa ka horumariya danta dalka, gudoomiyaha
xisbiguna waa gudoomiyihii kaliya ee saddexda xisbi qaran ee
wakhtigii maxkamadaha yidhi “SL oo maxkamadaha ku biirta waxaan ka
xigaa anigoo Somaliland ka haa jira. halka Madaxwaynaha iyo
gudoomiyaha Kulmiye anay wakhtigaa mawqifkooda aanay cadayn.
4. waa xisbiga kaliya ee shacbiga
Somaliland isku raacsan yihiin hadii uu talada wadanka qabto ay
Somaliland nimdu ka goan tahay gorgortana aan galin doonin;
5. Waa xisbi balan qaaday hadii
talada wadanka gacanta u soo gasho inay mudo sanad ah aqoonsi
Somaliland beesha caalamka uga keeni doono;
6. Waa xisbiga ku balan qaaday
inay abuuri doonaan shanta sano ee ugu horeeysa 1 million oo shaqo
ah (one million job creation)
7. waa xisbiga sida magaciisa ka
muuqata daryeel (welefare benefit) dadka u dan yare ee halgankii dib
xoreynta dadkoodu ku shihideen u fidin doona dhaqaale joogta ah;
8. Waa xisbig kalsooni wayn ka
haysta labada xisbi qaran ee kale iyo shacbiga Somaliland oo manta
natiijao kasta oo doorasho oo dalka ka dhacad hadii xisbigu hal cod
dheeri ku soo baxo aanay wax dhibaata ahi ka dhacayn dalka.
9. Sida wadaniyada iyo lexel
jeceleda leh ee xisbigani uga damqado dhibka SL waxaay soo jiidatay
sheekh ka mid ah sheekhyada magaalada Hargeeysa. Sida Sheekh Siira
oo ah sheekha masaajidka Xawaadle ayaa maalin salaadii u tukineyey
ee Jimcaha o isagoo ka marag furaya wadanimada Gudoomiye Faysal Cali
waraabe yidhi. Ilahayow guusha Faysal sii wuu naga farxiyey xalay (wakhtigii
mudo kordhinta la iskuhaystay). Sheeku waxa uu yidhi anagoo ka
warwarsan alow maxaa dhici shirka ma ku heshiin doonan oo Ilaahay
danta shacbiga ma garansin doonaa ayaa isagoon gurigiisi tagin oo
meel kale ku baydhin ayuu TV toos u tagay Faysal si u umadan oo
waran warwar ahi ku tagnaa oo uu naga farxiyey markuu TV ga ka yidhi
waanu heshiinay oo wax dhacayaa ma jirto. Taasinay waxay ku tusaysaa
ayuu sheekhu ku daray sida uu Faysal u dareemayo ama u og yahay
caloosha dadkiisa alow guusha sii..
Markaasi muwaadin caqliga wanaagsani wuxuu odhanayaa hadaad rabto
Somaliland oo dhakhso aqoonsi u hesha, Somaliland oo nabada iyo
barwaaqo ku naalata, SL oo daryeesha qoysaskii mujaahidiinta dalkan
u soo shihiiday iyo SL tu qof waliba rabay inuu arko e shacbigeeduna
u daryeeli buuxda ku haysto waxay ku jirtaa Xisbiga UCID iyo Mudane
Faysal Cali Waraabe oo hooganka wadanka rabi gacanta u galiyo.
Waa Qalinkii Mr Ahmed Abdi Isse BSc (hons)
Gudoomiyah Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga UCID ahan Xubin Gudiga
Fulinta ah.
Email Please email your view and opinion to this article to:
isseahmed@hotmail.com
|