Doorashada
Lixda May ayay dhacaysaa
London (TNN)-Ra'iisal Wasaaraha dalkan Britian ayaa ku dhawaaqay in
doorashada guud ee Britain la qaban doono lixda bisha may ee soo
socota.
Waxaa uu ka hadlayay dulleedka dhismaha uu degan yahay ee ku yaala
iyadoo ay ku reeraysan yihiin wasiiradiisa Downing Street, wax yar
uun kadib markii uu ka soo laabtay qasriga boqorada ee Buckingham
Palace halkaasi oo ku weydiistay Boqora da Queen Elizabeth inay kala
dirto baarlamaanka,
Kala dirida Paarlamaanka ayaa u gogol xaareysa, doorasho guud ee
waddankan ka dhacacaysa bisha May.
Xisbigiisa talada haya ee Labour Party ayaa isku dayaya in ay ku
guuleeystaan do orashada markii afraad, taasi oo noqoneysa
markii ugu horeysay taariikhda xisbiga Labour inay afar jeer ku
guulaystaan doorashada.
Mr Brown ayaa sheegay in Britain ay ku socoto jidkii uu dhaqaalaha
ku soo kaban lahaa, oo aanan la ogolaan in qatar la galiyo.
Gordon Brown wuxuu sheegay inuu waydiisanayo dadka Britishka inay
siiyaan awo od uu ku siii wado hawsha lagu hubinayo in
dhaqaalaha uu soo kabto.
Xisbigiisa talada haya ee Labour Party ayaa isku dayaya in ay ku
guuleeystaan doorashada markii afraad, taasi oo noqoneysa markii ugu
horeysay taariikhda xisbiga Labour inay afar jeer ku guulaystaan
doorashada.
Daqiiqado ka hor hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Conservative,
David Camar on, ayaa la hadlay taageerayaashiisa meel u dhow
Baarlamaanka, wuxuuna ugu baaqay dad waynaha inay doortaan rajo,
isbadal iyo rajo wanaagsan.
Source:BBC
|