DOOD WADAAGA LABA XISBI QARAN SOO JEEDIYEEN WAA ARIN DASTUURIYA LAMANA DIIDI KARO



Qaabka qarannimada iyo hannaanka dawladnimo ee JSL, waxa aasaas u ah Dastuurka Qaranka. Tiir dhexaadka diimoqraadiyaduna waa wada tashi iyo talo wadaag in lagu maamulo arrimaha dawladee d, isla markaana lagu maareeyo lagagana doodo marxalada dalku maraayo. Waxaa mudooyinkan da mbe xisbiga kulmiye ee talada wadanka hayaa mar walba ku doodaan taladu waxay ka go’daa oo k eliya Madaxwaynaha. Arinta wasiirka arimaha guduhu ku laalay baaqa dood qaran oo soo jeediyeen labada xisbi ee mucaaradka waa arin dastuurka ka baxsan. Waa arin madaxwaynaha looga fadhiyo inuu ogolaado ama diido. Waa in xisbiyada mucaaradku aanay ogolaanin shir wasiir u fidiyey, waayo maaha arin dastuurka wafaqsan.

Gudoomiyaha golaha Guurtida Mudane Saleebaan wuxuu sheegay in xisbiyadu soo jeediyaan dood q aran inay tahay waxaan sharci ahayn.Guddomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan xilka madax waynaha ka saran mid la mid ah ayaa isagana ka saran. Waxaan gudoomiyaha Mudane Saleebaan leenahay ma Xilkii golaha ayaad wareejisay marka arinka aad ku riixayso Madaxwaynaha oo keliya. Mudane Saleebaan Xil la mid ah kan madaxwaynaha ayaa wadanka kaa saran dadka reer Soomalilan d na kugu aaminayn.Waxaad si buuxda u diiday in la wada yeesho wada tashi dood wadaag uu dast uurku ku tilmaamayo qodobkiisa 9aad kaas oo odhanaya nidaamka siyaasadeed ee JSL waxaa saldhi g u ah : Nabad, talo wadaag, dimoqoraadiyad iyo hanaanka xisbiyada badan. Labada xisbi qaran ee Wadani iyo Ucid waa laba xisbi qaran oo shacabka Somaliland soo doortay, Waxayna u taagan yihiin kobcinta iyo dhismaha Jamhuuriyada Somaliland. Waxaa kale oo ay u taaganyihiin inay indhaha ku hayaan hanaan socodka caafimaadka qaba ee wadanka lagu horuumarinaayo,isla markaana ka had laan meelaha xukuumadu fadhiidka ku tahay iyo dhaliilaha jira.Waxaa gudoomiyaha leeyahay dood qaran xisbiyadu way soo jeedin karaan, waa arin dastuuriya, adiga ayaa lagaaga baahan yahay ina ad mowqifkaaga cadayso.

Inaad diidan tahay dood qaran oo la yeesho iyo inaad ka soo qaybgaylso. Madaxwayne Ahmed Ma hamed Siiraanyo waxaa leeyahay Astaamaha hogaanka qaran kasta waxa aasaas iyo bud-dhig u ah marka loo soo jeediyo dood wadaag lagu lafaguraayo dhaliilaha xukuumadiisa inuu hogaamiyuhu is ka xil saaro sidii xal looga gaadhi lahaa wada tashina looga yeelan lahaa, hogaamiyaha noocaas oo kale ahi waaka leh isku kalsoonaanta iyo ku shaqaynta wada tashiga; hasa yeeshee sifaha ka muuq ata Mudane Ahmed Siiraanyo waa mid aad uga fog astaamaha hogaaminta aanu kor ku tilmaanay, astaanta qudha ee ka muuqatana ay tahay amusnaan muujinaysa inuu ka baxay wixii ummada Som aliland uu u balanqaaday saldhigeeduna noqon karo, ballan la’aan, run sheeg la’aan iyo daacad la’a an, isagoo xilka madaxweynanimo ka yaqaan aniga ayey iga go’daa ee wasiir hebel ha ka jawaabo. Kuwa sidii guulwadayaashii siyaad Bare arin Dastuuri ah ka dhiga mid shakhsi una macneeya in cidi dangaara kuwadato madaxwayne ma ahayn inaad raali ka noqoto inaad dhagaysato kuwa sidaa da lacaad iyo amaan kaaga raba. Waxaa fiican inaad ka hormariso oo aad dhagaysato kuwa shaqado oda si kalsooniya uga soo baxa ee nacamlayntu ka maqan tahay.

Waxaa maanta ku hor yaala qodob dastuuri ah oo xisbiyada mucaaridku xaq u leeyihiin. Ummada S oomaliland dibad iyo gudaba waxay kaaga fadhiyaan inaad Dastuurka raacdo iyo inaad qodob kale oo Dastuuriya aad jebiso oo aad ku dhagarowdo.

 



ALLAA MAHADLEH

MAHDI JAMA

GUDOOMIYAHA SAXAAFADA EE WADANI UK