dood furan(maxaa hortaagan dowladnimada jsl?saameynse intee le eeg bey ku leehdahey cabashooyinka belaha gabooye ?

 

DOOD FURAN ,(MAXAA HORTAAGAN ICTIRAAFKA DOWLADA JSLD)SAAMEYN INTEE LE EEGBEYSE KU YEELANEYSA ,XAQDARIDA & CABASHOOYINKA BEELAHA GABOOYE ?

jsld tan & intii ay ku dhawaaqdey gooni isku taaga jsld ,ee ka madaxa banan jsomaliya , waxey hada gu tirsanaysaa ,gugii ,19, mudadaas ,19 jirsaneysaba masuuliyiinta & madaxda jsld waxey geed dheer & mid gaabanba u gashey siddi ay u hananlaheyd hanankii dowlad nimo ee ay aqoonsi & ictiraafba u helilaheyd una noqon laheyd dowlad qaraan oo lamida dowladaha aduunka ka jira ,balse nasiib daro waxeynu wada ogsoonahey inaan marnaba lagu guuleysan aqoonsiga & ictiraafka jsld ,

hadaba bal akhristoow ma jiranbaa laga yaaba dad isweydiiyye ,su aalaha ay ka mid yihiin ,

1: maxaa hortaagan hananka dowladnimo in loo ictiraafo jsld?

2:malaga yaaba iney jiraan qaladaaad dhexdeena ah hadey tahey xaga mamul xumaan & daacad dari, aanba daacad laga aheyn ,oo inagu aynu sabab u noqoney aqoonsiga ictiraaf laanta jsld?

3:malaga yaaba ,xaqdaro & duudsi aynu inagu isku geysaneyno in ay jiraan , taasina ayba inaga hortaagantahey hananka dowladnimo ee aqoonsiga ictiraafka ,jsld?

4:ma shacabka umadeena reer sld , ayan u qalmiin in dowlad nimo loo aqoonsado, mise , madaxda & masuuliyiinteena jsld,ayaan u qalmiin in lagu aamino xilka dowladnimo?

5:ma sharciga & qawaaniinta caalamiga ah ee u yaala jimciyada quruumaha ka dhaxeysa,shuruudaha looga baahanyahey ,marka uu doonayo dal in lo aqoonsado ,dawlad madaxbanan ?ayeynaan oofiin kariin ama aynaan buuxin kariin sharuudaha?

6: mala oraanka raacaa ,saameyn weyn ayey ku leehdahey ,aqoonsiga & ictiraaf la aanta dowlad nimada jsld,waxyaabaha hortaagan , iney ka mid yihiin ,cabashooyinka & xaqdarada ay tirsanayaan mudada 19 jirsatey muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer sld?


hadaba aniga oo ka mida umada & shacbiga muwaadiniinta jsld ee loo raadinayo ictiraafka dowladnimo ayaa waxaan mudadan ,19 jirsatey ,aan isweydiiyey su aalahas & kuwa lamida iney jiran oo ay hortaaganyihiin hananka dowlad nimo ee jsld,
haddii aan anigu su aalahas an kor ku xusey maskaxdeyda gaban & rayigeyga kooban aan ku cabiro waxaan aaminsanahey iney jiran su aalahasi & kuwo ka badanba kuwasina ay yihiin kuwa hortaagan aqoonsiga & ictirafka gooni isku taaga hananka dowlad nimo ee jsld,sababtoo ah ,

hadaba haddii an qaar kood ka jawaabo aragtideyda & rayigeyga sidey ila tahey ,su aalahas ,waxaan qabaa ,
s-1;jawaabteeda, waxaa hortaagan sinaan & xaq sooriid la aan, cadaalad darni,xaqa & xaquuqda muwaadiniinta qaarkood oo laga duusinayo,tasina ay tahey qodobka ugu horeeya ee sameyn weyn ku leh ictiraafla aanta jsld,

s-2:jawabteda,waa haa sabatoo ah dadkeena ama madaxdeena mahan kuwa wada daacad ah ama wada wanaagsan ee ay jiran ,qaar badan oo danta guud ee umada ka hor marinaya ,danahooda gaarka ah ,taasina ay sababto daacad dari & maamul xuman , saameyna ku yeesha,hanashada hanaanka dowladnimo ee jsld,,

s-3:jawaabteeda,, waa haa ,sababtoo ah waxaa jira dulmi & xaqdaro loogeysanayo ,muwadiniinta qaarkood oo laga duusinayo xaq & xaquuqdey dalkooda & ciidooda xaga ugu lahayeen sida muwadiniinta beesha gabooye & danyarta & agoonta reer sld,

s-4:A: jawaabteeda ,waa maya ,sababtoo ah shacabkeena & umada reer sld ,wa midey u qalmaan hanaanka dowladnimo ,karti & wax qabsina ay awood u leehyahiin ,waxaana cadeyneysa taas ,dalka jsld waxa harumarka dalka ka socda ,haddey tahey ,xaga ganacsiga dhaqaalaha , horumarka xaga aqoonta waxbarashad ,caafimaadka ,& dibu dhiska bilicda magalooyinka & nabada 7 amanka aynu ku faaneyno laguna amaano mamulku dowlada jsld ,waxaa iska leeh una hurey naftooda & maalkoda wa shacbi weynaha & umada reer lsd ,hadey tahey kuwa dalka jooga & kuwa qurba joogtaba ,

B: madaxda & masuuliyiinta jsld ,wey kujiran dad u qalma mamulka dowladnimo ,aqoon siyasadeed & mid waayo aragnimo dowladeed na u leeh ,karti xilkasnimo & gudasho xilkoodaba oo ay ku hagaan dalkooda & dadkodaba nidaamka dowladnimo aqoon fiicana u leh,balse waxaa la orankara si ayaan wax loo wada arkeynin ama aaney isku wada mooqif aheyn ,

s-5:waa laga yaba ineynaan wada dhameystiri kariin shuruuda & qawaaniinta leynooga wada baahanyahey laakiin waxaan qabaa ineynu intooda badan sharciga & qawaaniinta shuruudaha aynu buuxinkarno, marka saddex qeybood loo qeybiyo ,laba ama laba & badh aynu buuxiinkarno,

s-6:jawaabtu waa haa ,sababtoo ah ,wadan ama dal, wax yaabaha ugu horeeya ee lagu qiimeeyo wanaagooda & xumantoodaba ,ayey ka mid yihiin ,dadka laga tirada badanyahey ama monirty ah , dimuqraadiyada & sinaanta cadaalada dhabta ahna waa halka aduunweynuhu ka qiimeynayo & hadba sida loola dhaqmo sharftooda & tixgaliinba , hadaba waxaan hubaa iney meelkastaba gaartey ,xaqdarada & xaquuqdarida & cabshooyinka beellaha gbooye ,markaa miyaaney saameyn weyn ku laheyn kana mid aheyn qodobada hortaagan aqoonsiga dowladnimo e e jsld?

hadaba waxeynu wada ogsoonahey ,tan & intii ay jirtey ,19jirkan ,ay tirsaneyso jsld iney tahey dowlad madaxbanan ,ayey muwaadiniinta beesha gabooye iyaguna ,19 .gu,tirsaneysaa cabashooyinkooda & xaqdarida ay ka tirsanayaan madaxdooda & masuuliyiintooda jsld , taasoo ah kuwa iskugu jira ,cadaalad dari ,sinaan la.aan, xaqsoorid la .aan, tix galiid li i,xaqii & xaquuqdey ku lahayeen xubnihii maamulka & golayaashaba in lagu tuntay ,sharaftoodii & karaamadoodiina la dhaawacey ,

markaa miyeyna aheyn ,xaqdarada & xaquuq la aanta ay tirsanayaan beelaha gabooye ee reer sld & cabashooyinkooda isa soo taraya maalinba malinta ka danbeysa ,

s:waa mid saameyn weyn ku leeh ,aqoonsi la. aanta & ictiraaf la aanta hanaanka dowlad nimo ee jsld ?

s: danta jsld miyaney kujiriin xaqa & xaquuqda ka maqan muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer sld in la siiyo xaqooda ?

jawaabtana waxaan u dhaafayaa akhristaha ka xoroobey jahliga & caadifada , ee aragtida & aqliga caaafimaadka qaba ,waana dood furan cidii ka qeyb qadaneysaba waa mid u furan ,

tankale


allah,sw. wuxuu yiri adoomadeydu marka ay i baryayaan ee ay wax i weydiisanayaan ,anigu ma eego kaliya waxey iga baryaan iyo gacmaha ay kor u tagan ee ay i gu baryayaan oo kaliyee ,waxan eega ,quluubtooda daahirnimada & daacadnimada ay wax igu weydiisanayan ,waxaanan u aqbaalaa ducadooda & waxey i weydiistan markan arko quluub daahira oo ka daahirowbey, xaqdaro & dulmi, cadaalad dari ,sinaan la ,aaan,xaq sooriid la .aan, danbi & xumaan la ,aan,,

hadaba akhriistow ,ma idiinla tahey iney intaasi qaluubteena ka maqantahey waa maya ,markaa sidee wax leynooga aqbalii ,,

guntii & gaba gabadii waxaan anigu kula talinlahaa waa in umada muwaadiniinta xaqooda & xaquuqdooda ka maqan la siiya laguna daraa ,madaxda & masuuliyiinta u hayamaya aqoonsiga & ictirafka gooni isku taaga dowladnimo ee jlsd muwadiniinta beelaha gabooye ,oo ay hormood ka noqdaan qadiyada aqoonsi & ictiraf raadinta hanaanka dowlad nimo ,haddii kale shekadu waa ,ha fadhido faroow maantana ,,

wabilaahi toowfiiq ,

 



Qore :Barkhad Xaaji Cabdi ,Mr Gaboye

Ontario Canada
email:abokoriye1@hotmail.com
email:mrgaboye@hotmail.com