Djibouti Oo Sheegtay In Aqoonsiga Somaliland ka dhex guuxayo

 

Masuul ka tirsan dawladda Djibouti, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu dawladooda ka dhex guuxayo aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Hargeysa(Geeska)-Masuul ka tirsan dawladda Djibouti, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu dawladooda ka dhex guuxayo aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

La taliyaha Madaxweynaha Djibouti Md. Xaashi Cabdillaahi, oo ka mid ahaa weftigii uu hoggaaminayay wasiirka maaliyada ee Djibouti oo doraad ku laabtay dalkooda, ayaa kulan qado ah oo ay xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland ugu sameeyeen magaalada Hargeysa ka hor intii aanay bixin, waxa uu ka sheegay in dawladda Djibouti hadda ka fikirayso sidii ay wax ula qaban lahayd dawladda iyo shacabka Somaliland, “Laba dal [Somaliland iyo Djibouti] waa laba dal oo walaalo ah oo ay ooddu u kala rogantahay, wixii taas qabsadaana tana way qabsanayaan.” Ayuu yidhi la taliyaha Madaxweynaha Djibouti, waxaanu intaas raaciyay, “Annagu waanu ogayn in aanu walaalo nahay, idinkuna waad ogtihiin, Madaxweynihiinii, wasiiradiinii, madaxdiinii waanu wada aragnay, waanay ka muuqataa, maanta labadii gacmood ee is diidanaa ayaa is waafaqay, waa midigtii iyo bidixdii uun.”

La taliyaha Madaxweynaha Djibouti, waxa uu kulankaas ka sheegay inuu xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti sii socon doono, isaga oo ku dhawaaqay in aqoonsiga Somaliland ka dhex guuxayo dawladooda, “Intan inooguma joogayso ee waa la is arakayaa, waanu ka fikiraynaa imika, awal kamaanu fikiri jirine, bal Somali sidaanu isla yeelaynaba, Somaliland iyo ictiraafkeeda, ammuurahaasina way naga dhex guuxayaan, wax noo bilaabmay weeyaan, way biyo dhigi, in ubaxaasi dilaaci doono dhawaan ayaan filayaa, rajadaasi maaha rajo xun maante, waanu idiin sii qadimaynaaye idinkuna intaa ku seexda.” Ayuu yidhi la taliyaha Madaxweynaha Djibouti.

Hadalkan yididiilada geliyay shacabka Somaliland, ayaa ah kii u horeeyay ee noociisa ah ee uu ku dhawaaqo masuul ka tirsan dawlad Afrikaan ah oo weliba ka mid ah dawladaha gobolka Geeska Afrika, waxaanu dhawaaqani ka turjumayaa xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti, oo muddooyinkii u dambeeyay soo kobcayay.

Dhinaca kale intii aanay weftigu ka baqoolin Hargeysa, waxa ay kulan xarunta Madaxtooyada kula yeesheen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, waxa ay kawada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada Nabad gelyada , Dhaqaalaha , waxana Wasiirka Maaliyada ee Jabuuti uu Madaxweynaha iyo shacbiga reer Somaliland gaadhsiiyay dhambaal taageero iyo tacsi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu kaga tacsiyadaynayay dhacdadii waxshinimada ee argagaxisadu ay ka fulisay caasimada Hargeysa.

 

 



Source:Wargeyska Geeska Afrika