Djibouti Oo Culimo Reer Somaliland Ah Ku Deeqday Basaboro

 

Dawladda Djibouti ayaa dhawaan baasabooro Djiboutian ah ugu deeqday qaar ka mid ah culimada magaca leh ee Somaliland, ka dib markii ay dawladaas ka codsadeen in la siiyo baasaabooro ay ku socdaalaan, marka ay safarada u baxayaan ee ay umadda dibadaha ku nool u soo jeedinayaan muxaadarooyinka diiniga ah.

Culimadaas oo ay tiradoodu tahay lix Sheekh oo magac ku leh dalka Somaliland iyo guud ahaan gobalka Geeska Afrika, waxa ay toddobaadkii hore safar ku tageen magaalada Djibouti, marka laga reebo mid ka mid ah culimadaas [Aadan-Siiro] oo isagu xanuunsanaya, balse ay culimadu u soo qaadeen, waxaana markii ay soo qaateen baasaabooradaas ay dib ugu soo laabteen magaalada Hargeysa. Culimadaas u dhalatay Somaliland ee ay dawladda Djibouti ku deeqday baasaaboorada, ayaa waxa ay kala yihiin:

1. Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir

2. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-Siiro)

3. Sheekh Maxamed Aadan Muxumed

4. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre

5. Sheekh Xasan Cabdisalaam

6. Sheekh Khadar Cabdi

Mudadii koobnayd ee ay culimadaasi safarka ku joogeen Djibouti, waxa soo baxay warar dacaayad ah oo lagaga been abuuray safarkooda, kuwaas oo sheegayay inay magaalada Djibouti kula kulmeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ay dhawaan Baarlamaanka Imbigaati u doorteen madaxweyne. Hase yeeshe Wargeyska Geeska Afrika waxa uu gudaha magaalada Djibouti iyo qaar ka mid ah culimadanba ka xaqiijiyay inaanay jirin wax kulamo ah oo ay culimadu la yeesheen Sheekh Shariif, waxaanu Wargeyska Geeska Afrika soo ogaaday in culimadu intii aanay Djibouti u socdaalin ay safarkooda iyo ujeedadiisa ku wargeliyeen Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo weliba Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro).

Wararkaas been abuurka ah ee lagu dacaayadeeyay culimada karaamada ku leh dalka, ayaa waxa la sheegay inay faafiyeen dad doonaya inay dilaan magaca iyo sharafta lixdan Sheekh ay ku dhex leeyihiin bulshada Somaliland ee ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan. Marka laga tago warkaas dacaayadda ah mudadii koobnayd ee ay culimadu joogeen halkaas, waxa ay umadda Djibouti u qabteen muxaaradooyin diini ah oo ay dadka deegaanadaasi aad uga heleen si weyna uga qayb galleen, waxaana culimada safarkooda ku weheliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil, oo isagu haysta baasaaboor reer Yurub ah balse culimada ka raacay magaalada Hargeysa kalana qayb galay muxaadarooyinkaas ay shacabka Djibouti u jeediyeen.

Marka si guud loo eego culimadan iyo guud ahaan culimada Somaliland waxa ay kaalin mug leh ka soo qaateen horumarka dalka iyo xoojinta nabadgelyada, iyagoo Somaliland ka horna laga warqabay doorkii ay culimadu ka qaadatay xorayntii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland. Sidaas daraadeed waxa waajib ah in dadka karaamada ku leh wadanka laga ilaaliyo wararka dacaayadda iyo been abuurka ah ee lagu sharaf dilayo laguna dhaawacayo karaaamada ay umadooda ku dhex leeyihiin.

 

 


Wargeyska Geeska Afrika