Diyaarad Siday Somali laga soo Mastaafuruyey Sucuudiga oo loo Diiday inay Fadhisato Garonka Hargeysa

 


Diyaarad ka soo duushay wadanka Sacuudi Arabia oo siday dad Soomaali ah oo laga soo Mastaafuriyey dalkaasi ayaa la sheegay shalay in loo diiday inay fadhiisato garoonka Diyaaradaha ee Hargaysa

Sida la sheegay diyaaradan oo markii hore iskudayday inay caga dhigato garoonka magaalada Muqdisho, ayaa dib uga soo laabatay, markii loo sheegay in Amaanka garoonka magaalada Muqdisho uuna wanaagsaneyn, waxaanay damacday inay soo fadhiisato garoonka Hargaysa oo ay ku dajiso dadka ay sido, waxaase ku gacansaydhay masuuliyiinta garoonka, taasoo keentay inay dib ugu laabato wadanka Sucuudiga.

Diyaaradan ayaa waxay siday dad Soomaali ah oo laga soo Tarxiilay wadanka Sucuudi Arabia, waxaanay wararku sheegeen in diyaaradaasi loo sheegay in ayna kasoo dagi karin garoonka Muqdisho sababo Ammaan darteed, kadib markii la ogaaday diyaaradu in ay wado dad Soomaali ah oo laga soo mastaafuriyey dalka Sucuudiga.

Dadka Soomaalida ee ku dhaqan wadanka Sucuudi Arabia ayaa badankooda dib loogu soo celiyaa gudaha dalka Somalia, ka dib marka ciidamada Booliska wadankaasi ay gacanta kusoo dhigaan,
Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in Xabsiyada magaalada Jeddah ee wadanka Sucuudiga ay buux dhaafiyeen Soomaali Tarxiil ah, iyadoo aanay suurta gal noqon in dib loogu soo celiyo dalka Somaliya.

Tani ayaa waxa ay ku soo beegantay xili ay kusii qulqulayaan dalkaasi Boqortooyada Sacuudi Arabia kumanaan qof oo Somali ah oo tahriib Naftooda ugu biimeeya bada u dhaxeysa Yemen iyo Somalia iydoo ay ku dhamaadaan boqolaal qof sanad walba.
Dhanka kale marka la eego xabsiyada dalkaasi Sacuudiga ayaa waxay la ciirciirayaan kumanaan qof oo tarxiil ah oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Jawaasaadka Dalka Sacuudi Arabia,
Ciidamadani ayaa iyagu inta badan marka ay soo qabqabanayaan dadka sida sharci darada ah kujooga dalkaasi sacuudiga ayaa waxa ay xidhan yihiin dhar caadi ah halka Booliskuna ay ka xidhan yihiin dhar lagu yaqaano taasi oo keentay in ay soo qabqabtaan Ciidamada Jawaasaadka dalkaasi Sacuudiga kumanaan qof oo si sharci daro ah ku jooga Dalkaasi Sacuudiga.
 

 



Waaheen