Diwaangelinta Codbixiyayaasha
 

 



BISNILLAAHI RAXMAANI RAXIIM

WASALIM WABAARIK CALAA MUXAMADIL AMIIN WA AALIHI WASAXBIHII AJMACIIN
Waxaan guud ahaan ummada Islaamka ee ku nool daafaha dunida soona soontey bishii ramadaan ee barakeysneyd waxaan EEBE SWT uga baryayaa inuu RABBI ka aqbalo Cibaadadii kala duwaneyd ee ay soo guteen sawaabkoodana RABBI siiyo. Iyadoo lagu gudo jiro Shuwaalkii waxaan si gaara ugu ducaynayaa Ummada Reer Somaaliland ee 23ka sano u majiirneyd xaqiijinta qarannimadeeda & madaxbanaanideeda in ILLAAHEY waafajiyo talo & tawfiiq ay ku meelmariyaan himiladooda iyo hanaankooda gobani mo.

Intaa kadib ka sheekayn mayo sooyaalka taariikheed ee ummadani leedahey ee laga wada dheregsan yahey, waxaanse is dul taagayaa arrin sanadkan u dambeeyay ka socdey JSL, arinkaasi oo ah Diwaan gelinta ay gadhwadeenka ka tahey xukuumadu & doorashooyin dalkan ka dhaca, ma is dabaqi karaan doorashooyinkii ka dhacey dalkan sanadihii 2003, 2005 &, 2010kii, iyo doorashadii Golayaasha deegaanka ee u dambeysey maxaase laga bartey tan ugu dambeysey? Maxaa loola jeedaa hanaan doorasho oo
dimuqraadiya? Maxaase halbeeg u ah? Jawaabaha su'aalahan waxaan u dhaafayaa Bulshada Reer Somaliland.

1. Marka hore dalkani wuxuu leeyahey distoor si cad u muujinaya, nidaamka doorasho & hanaanka Xisbiyada badan, sida ku cad qodobka 128aad ee distoorka qaranka JSL. Xeer kasta oo aan ku san banaaneeyn qodob distoori ah ama ka hor imanaya Shareecada Islaamka waa waxba kama jiraan, sidaa daeteed xeerka doorasho wuxuu u baahan yahey ka baaraan deg aan ka baxsaneyn xayndaabka distoorka, talo wadaag axsaabta qaranka. & Deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ee daneeya arrimaha doorashooyinka JSL, kaas oo looga jeedo iney ka marag kacaan hanaan fadhiya oo horseeda doorasho xor iyo xalaal ah (Fare & free election)
.
2. Waa Marag kac Caalami ah in caalamku ogaado siduu u dabaqey qarankan soo koray aa hanaanka dimuqraadiyadeed ee caalamiga ah oo ka mid ah waxyaabaha kugu xidhi kara aduunka ama aad ku kasban karto garawshiiyo aad ka hesho Bulsho weynta caal amka, ee dhinaca Ictiraafka.

3. Waxey u baahantahey gudi doorasho oo ka madaxbanaan dhamaan xisbiyada & xuk uumada lehna xil & waajibaad ay ku garsoori karaan kuna cad xeer, isla markaana dheel i tiran, gudidaa doorashada oo iskaashi cad la leh beesha caalamka gaar ahaan qaadhaa n bixiyayaasha.

4. Waxey iyaga & beesha caalamku wada falkiyaan documentiga sirta ah ee ilaaliya xuq uuqda codbixiyayaasha, inaanu lumin, la kala boobin, daabacaad siyaado ah yeelan, seri al nombarkiisu cad yahey, tiro sugan oo layaqaano leh.

5. Daabacaada documentiga cod bixiyayaashu wuxuu ka iman karaa oo laga daabacan karaa shirkad dhowrsoonaan & caymis caalami ah leh, oo sadex xagalka xisbiyada gudig a doora shooyinka & Beesha caalamku isla ogolaadeen.

6. Waxey qabtaan tabobarada hawl wadeenada doorashooyinka, diyaarinta goobaha, xeerka anshaxa doorashooyinka, isgaadhsiinta, agabka doorashooyinka. & arrinkasta oo la xidhiidha doorashooyinka.

7. Waxey cayimaan xiliga iyo waqtiga ugu haboon ee doorashadu ku qabsoomi karto.

8. Waxey fuliyaan diwaan gelinta codbixiyeyaasha iyagoo farsama yaqaanada u sareey a ay imtixaan International ah ka qaadayaan beesha caalamku lana kaashanayaan gudi da doorashooyinka.

9. Waxey si madaxbanaan ugu kaantaroolaan dhamaan axsaabta tartameysa & xukuu madaba shuruucda doorashooyinka .

10. Waxa xeerkan iska leh oo aan lagu labeyn sida ku cad qodobka 53aad, golaha sharci dejinta ee koowaad ( Golaha Wakiilada) sida xeerarka maaliyada ay khaaska ugu yihiin golaha wakiilada. Sida uu dhigayo Dastuurkeenuna shaqada sherci dejinta looma war eejin karo cid kale.

11. Waxey sameysan karaan gudida xalinta khilaafaadka oo ka madaxbanaan xukuumad a & asxaabta intaba.

12. Waxey awoodoodu gaadh siisantahey iney bixiyaan qandaraas kasta oo la xidhiidha agabka & hawsha doorashooyinka, mana jirto meel ay ka soo geli karto gudida qandar aasyada qaranku . iyadoo aan maalmahan maqleyney shirkad wadaniya oo layidhaahdo sahal ayaa la siiyey diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taasi oo aan axsaabta qaranka, gu diga doorashooyinka qaranka & beesha caalamka (Qaadhaan bixiyeyaasha),midkoodna waxba kala socon, ee ay xukuumadu kaligeed u sacab tumeyso.

13. Waxey ku dhawaaqi karaan natiijada doorashada ee hordhaca ah heer Gobol & heer Qaran.

14. Waxey hubiyaan sanduuq kasta codadka ku jira iyo mugooda islahaantooda.

15. Waxey goobta ilaa heer qaran qanciyaan wixii cabashooyin ka soo baxa.

16. Waa garsoor aan lagu labeyn awooda cidina aaney ku faro gelin Karin.

Muwaadin waxaan jecelahey ineynu wada guuleysano, taas oo macnaheedu yahey iney nu arrin kasta oo qaran u raacno sida distoorka qaranku dhigayo, waana mida ay ku jirt o karaamada ummadii u codeysey dastuurka JSL 97.70% , bulshadani uma baahna jaah wareer & dibu dhac sida ka muuqata maanta dalka intii xukuumadani talada dalka qaba tey, waxaan si dareen wayn leh uga digayaa in aan dalkan la gelin khilaaf & qalalaa se siyaasadeed oo hor leh, doorashooyinkana lagu dabaqin waxaan xeer iyo qaynuun jidey naya midna aanu jirin.

Xeerka ay mudada soo daadihineysey wasaarada daakhiligu meelnaba kalama xidhiidhi karo diwaan gelin, waxeyse awood u leedahey xukuumadu meelmarinta xeerkii jinsiyada muwaadinka ee dhaqangalka ahaa, waxaan sidoo kale ka digayaa ha dambeyso hantida luntey eek u duugani in aaney sharci aheyn gudida Diwaangelinta ee waqtigeedii tagey golaha wakiiladuna ku laaley aqlabiyad dhan 59 mudane iyada iyo dhaqaalaheedaba ine y sii ahaadaan buste qoyan oo lagu dedo doorashooyinka & axsaabta qaranka sidii loo gu adeegsadey xisbigii kulmiye.

Ugu dambeyntii waxaan fariin xantasho leh halkan uga dirayaa qaadhaan bixiyeyaasha daneeya doorashooyinka JSL, & Beesha caalamkaba iney gacantii ay ku lahaayeen doo rashooyinka JSL ay si hagarl'aan ah uga qeyb qaataan, isla markaana waxaan walaac weyn ka muujinayaa hanaanka is daba marsan ee xukuumadu rabto iney ku majare hab aabiso geedi socodkii dimuqraadiyada. Sidaa darted wasaan wax la aqbali karo aheyn
diwaangelinta jujuubka ah ee ay wado Xukuumadu taas oo noqoneysa jar iska xoornimo iyo indha adeyg loola badheedhayo bulshada reer Somaaliland, waxaana taa cadeyn u ah kharashka lagu bixiyey diwaangelintaas khalkhal gelinta ah oo aan ku cadeeyn kuna jirin miisaaniyadii qaranka ee 2014, arrintan oo ah fadeexad hadheysey xukuumada, wa xaana ay cay ku tahey garaadka caafimaadka qaba, Sidaa Awgeed waxaan halkan bul sho weynta JSL ugu cadeynayaa in Diwaangelinta cod bixiyayaasha ee xukuumadu wad aa ay tahey mid aan sharciga meelna ka soo galeyn.


Ummada reer Somaalilandna waxaan kula dardaarmayaa iney adkeystaan
midnimadooda , qarannimadooda, & Madaxbanaanidooda.
 


WA BILLAAHI TAWFIIQ
Xildhibaan : Maxamed Faarax Qabile
Hargeisa
Somaliland