DIWAANGALINTII DALKA OO LA SOO GABABEEYAY CAAWA IYO SAADAASHA TIRADA ISKA DIWAANGELINSAY DEGMADA ALLAYBADAY EE GOBOLKA GABILEY

 


Waxa caawa markay saacada ahay 8 fiidnimo la xidhay dhamaan 337 goobood ee laga Diwaangalinta Gobolka Maroodi jeex, hadaba waxaan caawa soo maray 4 goobood ee la iska diiwaangelin magaalada Allaybaday, meelkasa waxaa horjooday dad gaadhay 400 ilaa 600 boqol oon nasiib u helin in ay is diwaangeliyaan, mar aan la xidhiidhay dhamaan tuulooyinka Degmada waxaa la ii sheegay in meelo badan hore loo xidhay, taas oo dad badani aanay jaanis u helin in is diwaangeliyaan.

Waxaan xidhiidh la sameeyay masuulinta koomishkan doorashada ee u qaabilsan Degmada Allaybaday, waxay ii sheegeen in Tirada ilaa hada la tiray ee diwaanta gashay in ay tahay qiyaasta 17 000 ilaa 20 000 (laban kun ) qof, balse Tirada Dadka iska Diwaangaliaya oo Rasmiya waxa aan kusoo sheegi doonaa marka ay Diwaangalinta Degmada iyo Gobolka la shaaciyo maalmaha soo socda.

Dhanka kale waxa iyana lixdan maalmood ee Diwaangalintu kasocoto Degmada Allaybaday iyana kusugan Masuuliyiinta Degmada kasoo jeeda oo siweyn ula shaqaynaayay koomishka qaran, waxay kala ahayeen :

MudaneC/casiis Maxamed Samaale, Gudoomiyekuxigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada ee JSL

MudaneAxmed Cumar Cagadable, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Duulista iyo Hawada ee JSL

Mudane C/risaaq sh Aadan Cali, Badhasaab ku xigeen Gobolka Gabiley

Marwo Khadra X Gaydh, Gudoomiye kuxigeenka Degmada Gabiley.

Mudane Muxumed aw Cabdi Ismaaciil, Xildhibaankii hore Degmada

Mudane Ibraahin Carab Ceelaabe, Wasiir hore ee Beeraha .

Mudane Maxamed Odwaa Cigaal

Mudane Sh C/raxmaan Xasan

Mudane Mohamed Aw Daahir, Wakiil UHWA - Qurbo joog.

Suldan Axmed-Nuur C/Lahi Samaale, Suldanka Degmada.


Xubnahaa oo dhamaantood la shaqaynaa koomishan qaran ee gobolka.

Hadaba waxaa Magaalada Allaybaday maanta ka Muuqatay Dhaqdhaaq kabadan kii hore oo aad moodaysayba in ay maanta kow tahay Diwaangalintu safafkuna aanay isdhimin hal maridh ilaa saacadii ugu danbayse ee 8 habeenimo ka jiray, waxaan la kulmay dad faro badanoo hawda sarre iyo dhul fogfog ka yimid oo aan jaanis u helin in qaataan, maadaam ayay safafku dhaadheeraayaan.
Hadaba mar aan maanta kula kulmay Wasiir kuxigeenka Duulista iyo Hawada Axmed Cumar Cagadable isaga oo kusugan Goob ka mid ah Goobaha Magaalada Allaybaday oo aan waydiiyay sidda uu arko sidda ay usocoto Diwaangalintu iyo sidda uu yahay Dareenkiisa shaqsinimo waxa uu iigu jawaabay, Marka hore waxa aan Dareemayaa Farxad dheeraad ah waxaanan hawshan ku ugu hambalayaynayaa guud ahaan dadka Degmadan Allaybaday oo xilwayn iska saaray siddii ay u dhamaystiri lahaayeen Muwaadinnimadooda ee ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka kala ah ka jinsiyada iyo ka codaynta, waxaanan leeyahay halkaasi kasii wada wakhtiga idiin hadhay oo ka daalin safafkan aad ugu jirtaan in aad heshaan wixii aad xaq u lahaydeen, Diwaangalintuna sifiican oo habsamiya ayay uga socotaan Guud ahaan Degmada walow ay ku yar yihiin Goobuhu iyo wakhtiguba ayuu yidhi Mr. Axmed Cumar Cagadable.

Guud ahaan Diiwaangelin ka dhacday gobolka Maroodi jeex waxay u dhacday si fiican oo nabad ah, gaar Degmada Allaybaday waxay ugu dhacday si fiican, culuska qudhaatee la dareemay waa wakhtiga iyo goobaha oo yaraaday.
 

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)
DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Telefon: + 2522357702
(Telecom, Allaybaday)
Email: hilqadm@hotmail.com
Website: www.allaybaday.com