Diwaan galintii gobolka Hargaysa oo dib loo dhigay

 


Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaranka Somaliland mudane Kabaweyne ayaa shaaca ka qaaday in hawshii diwaan galinta gobolka Hargaysa dib loo dhigay mudo Toban cisho ah, arintaasi oo ka danbaysay kadib markii ay sadxe qarax oo is miidaamin ah ay caasimada Hargaysa la soo beegsadeen macangagiinta argagixasda ah, kuwaasi oo qarxyadaasi ku laayay kuna dhaawacay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Hawlaha diwaan galinta oo ka soo dhamaday gobolka Awdal si nabad qabtana u soo gabo gaboobay ayaa ay ahayd in in ay ka bilaabmaan gobolka Hargaysa 31/10/08, taasi oo hada dib loogu riixay 13/11/08, xiligani ayaa xukumada iyo laamaha ay khusayso baadhistii waxii dhacay 29/11/08, ay wali ka socdaan magaalada Hargaysa iyada oo baadhistaasi ay xukumadu sheegtay in ay baadhitaanadii ay waday ay hayso raadad wax ku ool ah, isla markaasina loo qab qabtay arintaasi dad dhawr ah oo hada la hayo.

Dhanka kalena wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa ugu baaqay shicibka reer Somaliland, siiba kuwa caasimada in ayna wax dhib ah u gaysanin dadka ka soo jeeda Somalia ee ku sugan dalka siiba caasimada, wasiirku waxa uu shicibka ugu booriyay oo u sheegay in ay dhawraan sharciga oo aanu qofna qof kale aanu waxba gaadhsiinin, dadkuna is dajiyaan, xukumaduna ay baadhitankeedii wado, waxa uu sheegay qofka rer Somaliland ah ee qofkale waxyeelo u gaysta in uu qofkaasi yahay danbiile, oo lagala xisaabtami doono.
Sideedaba waxa aad u kacsan dareenka shicibka caasimada oo ka xanaaqsan waxii dhacay iyada oo qaraxyadaasi argagaxisada ah raga gaystay ay ka yimaadeen magaalada Muqdisho, xiligani ayaa waxa magaalada Hargaysa ku sugan qaxooti badan oo ka yimid magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u badan dumar iyo caruur iyo dad jilicsan, kuwaasi oo si fiican loogu soo dhaweeyay magaalada Hargaysa, taasi oo ay dadka reer Hargaysa ku odhanyan mar marka qaarkood dadkii aanu maatidooda u soo dhawaynay ayaa anaga maatidayadii iyo dadkayagii isu qarxinaaya oo na gumaadaaya taasina ma aha wax loo dul qaadan doono, arintaasi oo ka wal walisay xukumada isla markaasna sababtay in uu wasiirka arimaha guduhu uu kala hadlay shacabka, sidoo kale madaxdakale ee xukumada ayaa iyaguna ku booriyay in aan dadka Somaliya ka yimid aan la taabanin.

Dhanka kalena waxa maanta magaalada Hargaysa soo gaadhay diyaarad sida daawooyina fara badan oo loogu soo deeqay cisbatalka Hargaysa, daawooyinkaasi oo ay soo bixisay laanqayrta cas
 

 

 


Source:Qarannews