Sh.
Aadan-siiro oo ku Baaqay In Tallaabo laga
Qaado Wasiirka Khaarajiga Somaliland
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud
“ Aad baynu uga xunahay maanta
maamulka joogaa inuu yidhaahdo oo afar ama shan goor ku celceliyo
distoorkayagu waa Cilmaani
”
“ In badan baad ummadda dagaal ugu
baaqdeen oo amarkiina la qaatay, idinka (KULMIYE)
oo toban ah in aad meel cidlo ah ku murantaan waanu ka xunahay
”
Sheekh Aadan-siiro
Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro)
oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Somaliland, ayaa si kulul u
naqdiyey hadal dhawaan ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda oo
isaga oo socdaal dibadda ku maraya sheegay in Somaliland tahay dal
cilmaani ah oo aanay diintu saamayn ku lahayn. Waxaannu sheekhu ugu
baaqay xukuumadda inay tallaabo ka qaado wasiirkaasi.
Sheekh Aadan-siiro waxa uu hadalkan ku sheegay khudbad dheer oo uu
ka jeediyey salaaddii munaasibadda Ciidal-fidriga oo uu shalay
dadweyne kumanaan ka badan ku tukiyey Garoonka Xawaadle ee magaalada
Hargeysa, taas oo uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin
hadal Wasiirka Khaarajigu ku sheegay in Somaliland tahay dal
cilmaani ah, musuqmaasuqa iyo qaybinta hantida ummadda, duruufaha
nololeed ee bulshada, khilaafka xisbiga KULMIYE iyo safarkii
Madaxweyne Rayaale dhawaan ka soo laabtay.
Sheekhu waxa uu sheegay in ummadda reer Somaliland ee dalkeeda ku
hantay dhiigii dhallinyaradooda ceeb ay ku tahay inay aqbasho in
masuul sidaas u dhaqmayaa uu haddana cod ka doono. Isaga oo
tilmaamay in shacbiga ay ceeb ku tahay inay isdabataagaan, doortaan
ama dib u soo celiyaan qof laga shakisan yahay inuu fulinayo wixii
Somaliland ku heshiisay.
“Waxyaabaha ugu sarreeya ee dadkani ay ku heshiiyeen waxa ka mid ah
kelmadda Tawxiidka (Shahaadada), hoggaankii SNM ee dalkan xorreeyey
ee nabadda maanta aynu ku joogno keenay way ka suurtogeliweyday in
kelmadda Tawxiidka calanka laga masaxo iyaga oo dalka ay aynu
ognahay dhexjoogay (Itoobiya), way ku adkaysteen sharreecadu inay
tahay ta ummadda lagu hoggaaminayo iyaga oo gaalo hoos jooga. Aad
baynu uga xunahay maanta maamulka joogaa inuu yidhaahdo oo afar ama
shan goor ku celceliyo distoorkayagu waa Cilmaani, haddii ay dhab
tahay xeerkii aynu ku heshiinay 1991-kii Burco, haddii ay dhab
yihiin heshiisyadii lagu galay Ceerigaabo, Sheekh, Boorama, waxay
tahay maamulka maanta jiraa inuu go’aan ka gaadho Wasiirka (Wasiirka
Arrimaha Dibadda) in badan ku celceliyey distoorkayagu waa Cilmaani,
ummad ma nihin jirta haddii lagu dhaqmi waayo dastuurka dalka u
yaala. Qodobka 5aad ee dastuurka waxa ku yaala wax kasta oo
Sharreecada Islaamka ka horyimaadaa waa shay la tuurayo,” ayuu yidhi
Sheekhu, waxaanu intaa ku daray, “Wasiirka Arrimaha Dibadda afkayga
ayaan ula tagay oo waxaan ku idhi waar kelmadaasi mar dambe yaan
lagaa maqlin, dad badan ayaa dalkan cadaw u ah, waxyaabaha ay ku
bannaysanayaan dumintiisa waxa ka mid ah dalka lagama ogola in
sharreecada la fuliyo, waxaannu leenahay Somaliland sharreecadda
Islaamka ayaa u asal ah oo laga fulinayaa, maaha si khasab ah iyo si
qori loo sito toona ee waa si qunyarqunyar ah oo caqli iyo xikmad ku
dhisan intay doonto ha qaadatee. Ummaddu kumay heshiin hadalo nin
yidhi, afar ama shan yidhaahdeen. Waxaannu ka xunahay in bogga hore
ee jaraa’idkeena lagu soo qoro oo uu maanta ku faano hoggaan ummadda
ka mid ahi inuu yidhaahdo distoorkayagu waa Cilmaani, kuwiina
hoggaanka hayaa haddii aydaan go’aan ka soo saarin ummaddu waa mid
nool oo diinteeda ilaashanaysa oo ku kalsoon.”
Sh. Aadan-siiro waxa kale oo uu dawladda ugu baaqay inay si sinaan
iyo xalaal ah hantida ummadda loogu qaybiyo, isla markaana marka
shaqooyin soo baxaan imtixaan xalaal ah ugu kala baxaan oo
caddaaladda la ilaaliyo.
“Dal wuxuu ku burburaa marka hantida cid gaar ah loo xidho, marka
tiro koobani sad bursato, marka koox keliyi ay tidhaahdo aannu
noolaano, dawladda waxaannu u tilmaamaynaa shaqaalahan midna $5000
uu cunayo askarigii Ceerigaabo joogayna 260 kun oo shilin la siinayo
isaga oo reerkiisii uu degan yahay koonaha kale ee Somaliland halaga
daayo oo ciidammada nabadda ilaalinaya ha loogu horreysiiyo oo nin
Hargeysa iska fadhiya oo gaadhi cad saran, guri 30 miter oo isku
wareegana ku jira ceebay dalkan ku tahay arrintaasi, musuqmaasuquna
joogsan maayo haddii aynaan shaqaalaheena waxa ina soo gala si
miisaan leh loo siin. Ciidammaddu si ay wax u hiigsadaan billadaha
yaryar ee darajooyinka ah hala siiyo oo waxay u kala qalmaan hala
siiyo. Waxaannu aad uga digaynaa baddeena ay isticmaalayaan
maraakiibta axmaqa ah ee Masaarida oo dhagaxaanta samaysma 500 sanno
ee kalluunku ku noolaado ayuu maanta inan yar oo Masri ah oo aan
ogolayn Somaliland uu qaataa, xukuumadda waxaannu leenahay
maraakiibtaas hala joojiyo Ilaahay khayr ha idin siiyee beri baad ka
tagaysaan ee ummadda ayaa lehe halaga gaadho.”
Sheekhu waxa uu ka dayriyey nolosha qalafsan ee ka jirta waqtigan
dalka oo uu tilmaamay in dad aad u badani saddexda waqti mar ay wax
cunaan ama aanay helinba. Sidaa daraadeed waxa uu dawladda u soo
jeediyey inay samayso laba kooxood oo guddi ka kooban dadka
aqoonyahanka ah ee dunida wax ka dhaadhicin kara, kuwaas oo midna u
tago waddamada deeqaha bixiya ka kelina dalalka carabta ee muslimka
oo ay ummaddu waxay xaq u leedahay loo weydiiyo, si looga badbaado
halis ku soo wajahan ummadda Somaliland ee sicir-bararka, shaqo
la’aanta iyo faqrigu iskugu darsameen. Waxaannu shacbiga ugu baaqay
inay gargaaraan qoysaska danyarta ah ee ku dhex gaajoonaya.
Sheekh Aadan-siiro, waxa kale oo uu qudbadiisa kaga hadlay khilaafka
xisbiga KULMIYE ka dhex jiray beryahan oo uu sheegay inuu yahay wax
aad looga xumaado. Waxaannu kula taliyey inay murankooda xallistaan
oo ay is ixtiraamaan.
“In badan baad ummadda dagaal ugu baaqdeen oo waatii la dagaalamay,
Hargeysa dumiya ayaad tidhaahdeen waa la dumiyey, Burco dumiya ayaad
tidhaahdeen waa la dumiyey, Ceerigaabo dumiya ayaad tidhaahdeen waa
la dumiye, kumanaan kun oo inan ayaa taladiina qaatay oo ku
dagaalamay, aad baanu uga xunahay indinka oo toban ah maanta in aad
meel cidlo ah ku murantaan, iyada oo kumaankumkii taladiina
naafoobay maanta ay dibada taagan yihiin, maxay kuwaasi idinka
sugayaan marka idinka oo cidla jooga oo aan talo qaban aad
murmaysaan. Waxaannu leenahay murankiina odayaashii Waddanka ayaad
tihiine si caddaalad ah u soo afjara oo distoorkiina raaca.”
Sidoo kale waxa uu Sheekh Aadan ku tilmaamay wax laga xumaado
safarkii wefigii Madaxweynaha ee dhawaan tagay dalal ka mid ah
Qaaradda Yurub, kaas oo uu sheegay inay ku baxday boqolaal kun oo
doolar xilli dadku bakhtiyayo baahi darted.
“Waxaannu aad uga xunahay safarkii Madaxweynaha ee boqolaalka doolar
ku baxeen, waxaannu aad u jeclayn in aad dib u yara dhigto, waayo
haddaad tidhaahdo may keega cunaan dee dhibaatadeeda ayey leedahay,
iyada oo roodhidii loogu jiro kuyuu. Safarkaasi runtii waxaanu
leenahay shaabad buu ku noqday xisbiga talada dalka haya, waqti
dadkeenu bakhtiyayaan,” ayuu yidhi Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray
(Aadan-siiro).
Jamhuuriya Online
|