Dimuquraadiyad: Dawlad Masuul Ah Oo Dadka Matasha Q5
Ahmed Arwo

Maqaalkan waxaan qoray 10 January 2008, waxaynu ku beegnayd Muxaram
01, 1429.Waxa aan mar labaad u soo qaatay inaynu eegno aragtidii
aanu mucaaraaaidka kolkaan ahayn qab nay oo aynu xusuusano, si aynu
ugu hawl galno inta qabsoontay mooyee inta kale. Maqaalka ni intiisa
badan waxuu khuseeya taariikhda iyo kaalinta Islaamku kaga jiro
dimuqura adiyadda.
Waxa xus mudan in Distoorka Soomaaliland qodabadiisa ugu horreeyaa
ay si cad ugu tuunt uun sanayaan islaamnimada, waxaana ka mid ah
qodobka faqradda oo odhanaaya in taariikh da dalku tahay tan
islaamka ugu horreyn lana raacinaayo tan miilaadiga. Weli cidi meys
weydiisay waxa qodobkaas iyo kuwa weheliyaa ay u dhaqan geli waayeen.
Waa su’aal ka baxsan mowduuca aan u ambabaxay bal se bogaadinta
sanadku igu hoggaamisay ee aan isweydiintaas ku dhaafo.
Waxa aan si badheedh ah u abaari doonaa mawduuca si gaar ah dhinaca
hawlgalka iyo dhaqa ngelinta (Practical and effective process).
Waxa aynu qaybtii matalaada ku furnay sida Islaamku u arko, anigoo
si kooban u soo maang uuriyey qudbadii taariikiga ahayd ee Abuubakar
Alsadiiq RC akhriyey kolkii xilka ummadda islaamaka loo cumaamaday.
Waxa qudbadaas laga soo qaadi karaa dhinaca mas’uuliyadda…Kolka
Abuubakar ka hadlaayey inuu hiil u yahay xaqa, isagoon eegeyn cidda
xaqdarada sameysay itaalkeeda, reerkeeda, iyo kan la dhacay
itaalkiisa iyo nasabkiisa toona. Taas waxa laga soo qadanayaa in
mas’uuliyadda dawlad looga baahan yahay cadaalad, iyo sinaan loola
dhaqmo muwaadiniinta oon ab iyo isir, maal iyo muuq midna loo eegin.
Tan labaad een Islaamaka ka soo qaadanaynaa waa qudbadii uu akhriyey
asxaabiga weyn ee JACFAR BINU ABU DAALIB ( oo la dhashay Cali Abu
Daalib ) isagoo la hadlaaya Boqorkii Abaasiiniya, Hijradii kowaad ee
asxaabta. Intaanan taas gelin, waxa aan jecelay inaan iftiimiyo
qalad weyn oo taariikhda Soomalida laga galey, weliba inta ugu badan
Soomaalidu lafteedu ka gashay. Waxa si hawlyar loo yidhahdaa in
xijradii asxaabtu ahayd mid ay ku yimaadeen Itoobiya, oo weliba raga
qaar yidhahdaan nabigaa u duceeyey Itoobiya. Taas oo been cad ah.
Magaca Itoobiya iyo dalkeedu kama horreyn qarnigii 19naad. Dalka
nabigu u soo diray hijrada waxa la odhan jiray Abaasiiniya af
carabigana Xabash. Waxuuna ahaa dalka ka bilaabma Suudaan ilaa Badda
Cas iyo ilaa Badweynta Hindiya. Waxa ku jiray dalalka Suudaan,
Itoobiya, Eriteriya, Soomaaliya, Soomaliland, iyo Jabuuti.
Itoobiya xeeb ma leh, asxaabtuna xeeb ayey ka soo degeen, waxaana la
caddaynaya inay ahayd xeebta Saylac oo xiligaas ka tirsanayd Ardal
Xabash. Waxaana u daliil ah in fidinta diintu ka bilaabantay
xeebahaas ilaa Eriteriya iyo gudhaha Saldanadii Harar. Waa dhulkaas
kan hijradu ka dhacday waana dalka ay Soomalidu degto, marna dal
Itoobiya la yidhaahdo iyo daltoona laguma xusin hijardii kowaad ee
Islaamka, waayo mabay jirin xiligaas.
Aan ku laabto xukmadii asxaabiga oo la hadlaaya Boqorka ka dib
markii gaaladii qurayshtu ergo dacwad wada ka dabo direen, iyagoo ku
eedeeyey in Islaamku la yimid diin ku lid ah tii Ciise. Boqorkana ka
dalbeen in amba la caydhiyo amba la xidhaba axsaabtan magan doonka
ah. Boqorka oo lagu yaqeen cadaalad iyo xukun wanaag, waxuu siiyey
fursad asxaabtii rasuulku isku daafacdo.
Haddaba saxaabiga weyn ee Jacfar Binu Abu Daalib waxuu yidhi ;
” Boqorow waxaanu ku sugneen jahli, dhaqan iyo akhlaaq xumo. Waxaanu
caabudi jirney dhagaxa iyo sanamada, waxaanu cuni jirney xoolaha
dhinta, waxaanu ku kici jirney nooc kasta oo cadaalad darro ah,
waxaanu jari jirney xidhiidhka dabeeciga ah ee aadmiga. Waxaanu si
xun ula dhaqmi jirney martida, kaayaga xooga weynina, ka noogu
tamarta yar ayuu duudsiyi jirey.
Kolkaas ayuu Illaahay noo soo diray nabi dadkayaga ka tirsan, mid
abtirsigiisa, run sheegiisa, ammaanadiisa aanu si wacan u naqaan.
Waxuu noogu yeedhay inaanu Illaahay keli ahaantiisa caabudno oo aan
joojino dhagaxa iyo sanamada anaga iyo awoowyaashaba caabudi jireen.
Waxuu na faray inaanu run ku hadalno, inaanu balanka oofino, inaanu
caawino ehelkayaga, inaanu u samaano jaarka, inaanu joojino oon ka
dheeraano dilka iyo dhiig daadiska iyo inaan ka waantowno sinnada.
Waxuu na amray oo uu nooga digaya innaanu la nimaadno markhaati been
ah, innaanu ku tagrifalno maalka agoonta iyo innaanu qadaf iyo ceeb
been ah u samayno haweeney la qabo.Waxuu na amray inaanu Illaahay
keli caabudno oon cid kale lagu labeen.
Waxuu na faray inaanu salaada oogno, inaanu soono, sakadana
bixino.Waanu rumeysanay oon aaminay fariinta uu Illaahay nooga
keenay. Waxaanu falnay waxuu noo tilmaamay, waxaanan ka dheeraanay
wauu noo diiday. Kolkaas ayey dadkayagu na weerareen oy si xun noola
dhaqmeen. Waxayna isku da’yeen inay dib noogu celiyaan anshax
xumaantii iyo sanam caabudkii.. Waxay ka dhigay nolashayada Makka
dhexdeeda cadaab iyo cadaadis.Waxaanu dalkaaga u nimid inaanu nabad
iyo cadaalad ku noolaano. ”
Haddaba inagoo ujeeddad maqaalka ku salaynayna dhacdadan, oo qisada
inteeda kale dhaafayna, bal qudbadan nuxurkeeda iyo tii aynu
maqaalkii kowaad ka soo xiganay khaliifkii kowaad Abuubakar markuu
xilka la wareegay is ag dhig oo qiimee waxa dawlad wanaageedu dhalin
karo. Waaba isla ammuurtaas tan salka u ah dhismaha dawlad mas’uul
ahi.
Waxa hubaal ah in ereyga caddaalad, gargaarka inta itaalka yar,
naxariista bulsho, adkeynta xidhiidhka bulsho, xaq-dhowrka jaarka,
martida iyo agoonta, nabadda iyo ammaanku yihiin arrimaha
mataaneeyey labada qudbadood. Waxay isla markaas fure ka dhigeen
run-sheeg, been ka fogaan, ka-caaganaan anshax xumada dhaqaan iyo
jinsiba. Waxa weheliya dhismaha maskaxda iyo jidhka lagu ababiyo
waajibaadka diinta sida salaada, soonka iyo sakada oo dhammaan ah
tababarka nafta, cidda si dhab ah u fulisaana ka foogaan doonto
caddaalad darrada, dhaca iyo dilka la fududeystay.
Dawlad mas’uul ihi waa ta u gurmata marba meesha ugu liidata, waa
tan badhitaarka danyarta, waa ta u guntata horumarka dadka dhinac
bulsho iyo dhaqaalaba. Waa ta dhegeysata dadkeeda si gaar ahna u
dareenta inta dulman ee cabanaysa. Waa tan sharciga ku fulisa si
siman, oo ka ugu maalka badan iyo ka jeebka madhani sinaan sharcigu
u qabto, sidoo kale kan xukunka haya iyo kan suuqa joogo. Taas ayaa
dhalinaysa in la helo nabad iyo horumar. Waxa aadmigu tamariyaa
marka uu ka xoroobo cabsida. Ma aha oo keliya cabsidu tan colaada
dagaal, waxa ugu daran tan ka dhalata cadaalad darrada iyo sharciga
oon loo sinneyn. Waa cabsi si toos ah u taabata qalbiga iyo maskaxda
qofka, oo mu’waadinku waayo fursad uu ku hanto midho-dhalinta
maankiisa iyo aqoontiisa, isagoo ka baqaaya inay u jiido dhinaca
xabsiga.
Arrimaha aan soo jeediyey waxa lagu hirgelin kara kolka maanka iyo
muruqu midoobo, oo mucaarid iyo muxaafidba lahu tartamo danta guud.
Ma aha in mucaaridku ka faa'ideysto dhaliilo aan lahayn daaweyn. Waa
in ay garab qabtaan xukuumadda si bulshada looga saaro xanuunada
bulsha.Waxa taas ka dhalanaya in xukuumadda iyo mucaaridku soo
bandhigaan barnaamajyo lagu kala doorto. Dhaliil qaawan oon wadan
qorshe wata daaweyn iyo toosini, waa mid aan ummadda dani ugu jirin.
Maqaalada soo socda ayeynu ku eegi falsafadaha iyo aragtida lagu
kabay dhismaha dawlad mas’uul ah.
Waa inoo maqaal kale iyo fakir aan idinla wadaago Insha Allah.
Ahmed Hassa Arwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha
Hargeysa
https://www.facebook.com/aharwo
samotalis@gmail.com
|