Dimuqoraadiyadii Gabalbaa U Dhacay,Hgaankii KULMIYE-NA Wux uu Noqday Saddexdii Dibi Ee Kala Ahaa Casaanka,Cadaanka iyo Madawga Ee Marba Mid Daaqada laga Tuuray

 



Kulmiye Doorasho kama dhicin ee waxaa ka dhacay af gambi waxana jirta maah maah sooma aliyeed oo tidhaahda lax waliba shilalkay is dhigtaabaa lagu qalaa,hadaba Muuse Biixi, waxa an Xasuusin lahaa Qisadan soo socota:

Waxaa Jiray Nin Nacas ahaa ninkana marka duqoniimo lagu ogyahay inta la dilo ayaa wixiisa laga qaadaa marka muraadkii laga lahaa laga fushadana waxaa loo sasabtaa sida caruurta oo kale ,hadba waxa jiray nin nacas ahaan jiray maalintii danbe ayuu nin ay ilmaadeer ahaa yeen dhanged la dhacay ujeedo kastaba ha ka la haadee ,waxa uu gaadhsiiyay nabaro,Hada ba mudo kooban ka dib markii uu ninkii dhan geda la dhacay ninka nacaska ah muraadkiisiina ka fushaday, ayuu u yimid ninkii uu dhangedda la dhacay waxana uu ku yidhi aynu heshiino waxaynu nahay ilmaadeer cid isku keen dhaantaana ma jirto ,Cadaw badana waynu leenah ay ,hadaba ninkii nacaska ahaa ninkii ay ilmaadeerka ahaayeen ee dhangedda la dhacay wa xa uu tusay Nabaradii uu ku dhuftay oo Raadkoodii qoyan yahay, waxana uu ku yidhi hadii ay nu ilmaadeer nahay, oo cid isku keen dhaantaa aysan jirin ,maxaad nabarkaa iyo nabarkaa kale iigu dhufatay .

Hadaba Muuse Biixi ,waxaan weydiin lahaa hadii aad tahay Gudoomiyihii KULMIYE ,maxaa lag uugu diiday inaad gasho Madaxtooyada Somaliland, ee lagaaga celiyay Albaabka Hore ee la ga soo galo Madaxtoyada ,ee laguugu hor ka shifay Saxaafada iyo dadweynihii marayay jid ka hormara MADAXTOYADA ,halka uu Maxamed Kaahin ,uu habeen iyo maalinba cid ka celisa a aysan jirin.

Hadaba Muuse Biixi , waxa uu ka darajo liitaa ninkaa nacaska ahaa ee aan soo sheegay,hada ba Muuse maalinta lagu guurayana waa Gudoomiyihii KULMIYE, marka muraadka laga leeyaha yna lagu fushadana ,waxa laga celinayaa Albaabka hore ee Madaxtooyada oo weliba loogu darayaa Af Xumo iyon Gacan ka hadal .

Waxaa hubaal ah marka warqada Xilka lagaga qaaday C/raxmaan C/qaadir, uu qoray Muuse Biixi, in Warqada Xilka lagaga qaadi doono Muuse Biixina, uu qori doono Maxamed Kaahin , ma antaana arintaa laga sii ansaxiyay ,hadaba markii uu Maxamed Siyaad Barre uu Afganbiga Mi latari ku Qabsaday Dalka 21/10/1969 KII AYUU Golihii sare ee kacaanka oo ka koobnaa 25 xu bnood oo uu siyaad Barre-na ku jiro uu ka ansaxiyay xeer Qabanaya qof kasta oo loo arko in aanu daacad u ahayn kacaanka in lagu xukumi kar xukun dil ah laguna fulin karo hadba xeerk aasi numberkiisu wuxuu ahaa 69 waxayna Golihii sarre ee kacaanku ansaxiyeen 10/9/1970-kii laba sano ka dib oo ahayd 1972-kii sadex nin oo ka mid ahaa ragi xeerkan saxeexay ayaa lagu soo eedeeyay inaysan kacaanka daaacad u ahayn waxa lagu xukumay xukun dil ah, wa ana lagu fuliyay iyada oo la raacayo xeerkii ay saxeexeen waxayna sadexdaa nin kala ahaa yeen



1 : Maxamed Caynaanshe Guulleed

2: Salaad Gabayre

3: C/qaadir Dheel



Hadaba Madaxda KULIMIYE ee maanta sacabka tumaysa ,ha ogaadaan Xeerka ay maanta saxeexeen oo uu ka badbaadi doono Maxamed Kaahin Axmed ,oo ah Gudoomiyaha Rasmiga ah ee KULMIYE ,maantana noqday Xisiga KULMIYE ,oo hab Beeleed Meesha lagu keenay wax ana uu ahaa ninkii Daahir Rayaale ku odhan jiray dhanged ayaa Madaxtooyada kaga soo sa arayaa , hadaba Muuse Biixi , waa Waraabe u taag ee dhibaatada soo gaadhay C/raxman C/qaadir , waxa loo haystaa oo la gala Xisaabtamayaa Siilanyo iyo Maxamed Kaahin Axmed waxana laga hayaa Dhalin illeeye, Wallaahi iyo Tii Xilood hadii aan karintaa laga guurin in Gor ayo Heeryaysani iska soo kalwin doonto, aniguna waxaan leeyahay caryaan la arkin Muuse Biixi , oo loo soo Xidhay Diraysikii Maxaabiista oo lagu soo e edeeyay in uu yahay Qaran Dum is ,hadii uu soo baxo KULIMIYE oo uu yidhaahdo waxaan ahay Musharax Madaxweyne. Waxa lagu odhan doonaa Kursiga reerbaa lehe ,miyaad reerkii tahay,hadaba isku so wada duuboo Dimuqoraadiyadii gabalbaa u dhacay,Hogaankii KULMIYE-NA wuxuu noqday Saddexdii Dibi ee kala ahaa Casaanka,Cadaanka iyo Madawga ee marba mid Daaqada laga tuuray.
 

 

 

 

Qalinkii C/risaaq Suudi Nuur
Tel :4425243
Hargeysa/Somaliland