Dilkii
Labada Ruux oo Sababay Mudaharaad Balaadhan oo Gaystay Khasaare
Burburiyay Saldhiga iyo Dawlada hoose Degmada Wajaale:
Dadwayne
Gadoodsan ayaa ilaa saaka hor tunaa Saldhiga Booliska Degmada
wajaale iyo Xarunta Dawlada hoose
Hargeisa (TNN)-Wararka Naga soo Gaadhaya Magaalada Wajaale ee
Xarunta Degmada Wajaale ayaa Sheegaya in Mudaharaad Balaadhan oo
Saacado Socday ka dhacay Deg mada wajaale kaasi oo lagaga soo
horjeeday Dhacdadii Foosha xamayd ee Xalay Ciidan ka Booliska
Somaliland ku Dileen Marxuum Yacquub Seeraar iyo Raxma Maxamed
Ismaa ciil, mudaharaadkaasi oo ilaa saaka waabarigii ayaa joogsaday
Goor dhawayd ilaa abaa ro salaadii Casar.
Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Timacade News ee Magaalada
Wajaale C/rasaaq Maxamuud Aw Daahir (C/risaaq Dhago), labada Marxuum
ayaa Goor wakhti danbe ah oo ay ka soo rawaxay shaqo lagu dilay
iyaga oo hortaagan Guriga Marxuumadda oo u dhaw suuqa wayn ee
magaalada Wajaale.
Marxuumad Raxma Maxamed ismaaciil
oo suuqa ku iibin jirtay Jaad iyo Marxuum Yaquub Seeraar oo ahaa
Dirawal wata Gaadhi rakaab ah ayaa waxay wararku intaasi ku
daray aan in maydkoodu yaalo Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeisa.
Maydka Marxuum Yacquub seeraar ayaa waxaa ka muuqday Xabaddo badan
halka mid ka mid ah Askartii Rasaasta ku Riday labada Marxuum uu
dhaawac ka soo gaadhay rasaas loo malaynayo in daawaha Gaadhigu ku
soo celiyay kaasi oo lagu daawaynayo Magaalada wajaale.
Dadwayne gadoodsan ayaa ilaa saaka hor tunaa Saldhiga Booliska
Degmada wajaale iyo Xarunta Dawlada hoose kuwaasi oo ku weeraray
dhagaxaan ay ku tuurayeen Ciidanka Booliska iyo Shaqaalaha Dawlada
hoose.
Dhinaca kale waxa aan ilaa hadda wax war ka soo saarin Xukuumada
Somaliland arinta asi shaqaaqada keenta, Xukuumada ayaa
todobaakii ugu danbeeyay soo dhoobtay degmada wajaale ciidan
dheeraad ah tan iyo intii la qabtay qaar ka mid ah dadkii lagu
tuhunsanaa inay ka danbeeyeen Dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday
inta u dhaxaysa Dilla iyo kalabaydh.
Warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay dadwayne ku sugan Degmada
wajaale ay aa sheegaya in habeenkii saacadaha danbe ay
gaafwareegaan ciidan tirro badan oo a an hore loogu arki jirin
Degmada Wajaale, halka dadka qaarkood sheegayaan in dhibaa tooyin ay
u gaystaan Muwaadiniinta Reer Somaliland eek u dhaqan degmada
wajaale.
Dhakhtarka wayn ee magaalada Hargeisa oo ay yaalaan Labada ruux ee
la dilay ayaa ilaa saaka la buux dhaafiyay iyada oo dadwaynuhu ka
sii badanayaa marba marka ka sii danbaysa, dadkuna aad u kacsan
yihiin oo laga soo horjeedo in la aaso.
Timacade News Desk
Hargeisa/Somaliland
timacadenews@hotmail.com
|