DILKA FOOSHA XUN IYO GEFKA LAGU SAGOOTIYEY
LABADA SARKAA
 


 


Marka hore waxaan halkan ka tacsiyadeynayaa ummadda Somaliland, eheladii, qoysaskii, qaraabadii, iyo Ciidanka dhammaanba dilka arxandarada ah ee lagu fuliyey labada sarkaa. Ilaahay labada marxuum jannaatul firdows ha ka waraabiyo ummadday ka baxeena ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Marka xigana labadada sarkaal ee ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland ee sifaha fooxhsa xun ee qorsheysan qudha looga jaray iyagaan waxban galabsan oo difaaca dalkooda heegan ugu jira waa buro iyo boog aan abid ka hadhayn xukuumad ku sheegta uu gadhwadeenka ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud.

Waxa kale oo aan la illoobi doonin garaad xumada ka dambeysey in meydadka labada sarkaal eheladoodii laga horjoogsado; waa sheeko ugub ah oo dunida hore loogu arag waxana looga fadhiyaa wasaaradda gaashaandhiga iyo taliyaha Ciidanka Qaranku in ay ummadda reer Somaliland u caddeeyaan sababta goob cidla ah labada sarkaal loogu aasay. Waxa kale oo xukuumadda Md. Axmed Siiraanyo iyo Taliyaha Ciidanka looga fadhiya sababta labada sarkaal loogu quudhiwaayey in lagu sagootiyo maamuuskii qaran ee ay ummadda ka muteysteen.

In sifaaha ummadda qadafka ku aha labada sarkaal lagu sagootiyp waa jahliga iyo garasho xumada dadka talada dalka haya oo aan u qalmin in ay biniaadam iska daayoo duurjoog lagu aamin. Ma aha duul maanta laga quustay waa dar abidkoodba quus ahaa.

Waxa kale oo ummaddii reer Somaliland ka degi la' in xukuumaddii ay doortaan haba yaraatee soo hadal qaadiweydey dilkaa naxdinta leh. Waxa madaxweynaha looga fadhiyey in uu ummadda warbaahinta kala hadlo oo qoysaskii labada sarkaal tacsiyadeedo ballanna ku qaado in qacan-ku-dhiiglaha iyo kooxda soo abaabushayba gacan bira lagu qabandoona sharciga la hor keenidoono. Kama aha garasho la`aane waa gef badheedh ah.

Ehelada labada sarkaal ee ka gadooday sida loo maamulay dhacdadan iyaguna ma geyaan in xabad lala dhexqaado oo dil iyo dhaawac intii hore ka badan iyo mashaqo kale soo korodh. Kasgaabnimada iyo garaad xumada kaaderiyiinta u guulwadaysa xukuumadda Axmed Siiraanyo waa ta geyeysiisey in ay Gobolka Gabiley kula jarmaadaan laba dugi ayaanu deyrkooda dhagax dhigaynaa; waa qown aad mood in kii lagu guurayeyba Ilaahay ku abuurin.

Gebo gebadii xadiis shariif ah ay odhana: ``Masiibo huruda ciddii toosisa Ilaahayba nacdala.`` Markaa qowmkan dalka lagu aaminay waxaan leeyahay:
``CALAYKUM LACNATU LAAHI AXYAA A`KUM WA AMWAATAKUM ILAA YOWM UL XASHAR.``
 

 


Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
September 21, 2014