Diiwaan-gelinta iyo
codbixintu waa awoodda dhabta ah ee muwaadinka
Ramadaan kariim ayaan leeyahay dhamaan Shacabka Jumhuuriyadda
Somaliland ee Muslimiinta ah. Waxa kale oo aan salaan u dirayaa
dhamaan muwaadiniyiinta heeganka u ah horumarka dalka iyo la
dagaalanka caddaalad darrada JSL. By: H Badmaax
Qormadan gaaban waxan ku taaban doonaa xaaladaha ku xeeran diiwaan
gelinta, qorma labaad ayaan iyadana ku eegi doonaa codbixinta,insha
allaah.
Muwaadinow qoraalkan gaabani waa farriin adiga kugu socota, kuuna
iftiiminaysa labada goorood ee aad awooda u leedahay hagidda,
dhawrida habsocodka horumarka dimuqraadiyada gacantaada ku jira.
Hadaan ku horeeyo awoodaada hore maanta ayay taagan tahay, waana
diiwaan gelinta haatan ka bilaabantay goboladii ugu horeeyay, adiga
ayay gacantaada ku jirtaa, go'aankeedana adigaa iska leh. Awooda ugu
horaysa ee lagaa filayaa waxay tahay, kala soocidda muwaadinka iyo
soo-galaaga dalku la ciirciiraayo.
Muwaadin, sidaad ogtahay, kaadhka ugu horeeya ee aad xaqiijintiisa
leedahay, waa kaa aad isu diyaarinaysid inaad kaga dhabayso
ogaanshaha muwaadinka u dhashay Dalkan J. Somaliland iyo dadayawga
soo-galaaga ah, kana mid yihiin kuwa ka soo baro kacay Somaliya iyo
Ethopia, waana xadhigga aad ku xakamayn karto dadyawga iyagana laga
soo daad gureeyo Dalka Djabouti waqtiyada ay soo dhowaato doorashada
madaxweynahu.
Waxaynu ognahay maanta inay qaxoonti badan oo aan la aqoon inta ay
tiradoodu tahay, balse dawladu tidhaa waa 20,000 inta aanu ognahay
inay dalka joogaan, kana soo baro kacay Dalka Somaliya. Waxa se
hubaal ah inay intaa ku laban-laab mayaan ama kaba badanyihiin.
Waayo dawladu way ku guul daraysatay inay nidaam lagu ogaado u
dejiso. Waxa kale oo iyana jira qaxoonti fara badan oo ka soo baro
kacay dalka ethopia, muddo dheerna dalka ku noolaa, qaarkoodna kuba
yeesheen dalka ganacsi, tii oo aanay jirin sharci ay ku kala
duwanyihiin muwaadinka, ganacsiguna u simanyihay, kuwaas oo aan
tiradooda haba yaraatee dawladu aanay u samayn tiro koob.
Muwaadinow, adiga ayaa maanta xilkaasi dusha kaa saaranyahay sidaad
u kala sooci lahayd muwaadinka iyo soo-galaaga, adiga ayaa garan
kara cidda aan u dhalan Somaliland ee isku dayda inay ka qayb galaan
diiwaan gelinta, ama kooxda, beesha, xisbiga iyo ciddii kale ee isku
dayda sad buursi, ka feejignaada kuwa iyagu aan dalka lexi-jeclo ka
hayn ee danahooda u gaarka ah ku lumiya danaha guud. Waa dhab inuu
arrinka diiwaan gelintu dalka ku yahay ugub, balse muwaadinow adiga
ayaa xididada u dhidbi kara, waana maalinta talada iyo go'aanka
hagidda iyo jihaynta kala sooca muwaadinka iyo soo-galaaga aad
xididada u dhidbaysid ee yaanay ku seegin, si aanad hadhaw farta
dhexda iskaga qaniinin.
Muwaadinow, diiwaan gelintu waxay jidka u sii xaadhaysaa codkaaga
inaad si xalaal ah ugu dooratid madaxweyne khayr qaba, kana
xakamaysid inay ma naxayaashu ka faa'iidaystaan diiwaan gelinta
dadayawga soo-galaaga ah.
Waxan ku soo gabagabaynayaa,diiwaan gelinta iyo codbixintu waa
awoodda muwaadinka ee u hawl gala, kana feejignaada xaaladaha ku
xeeran kala sooca
muwaadinka iyo soo-galaaga.
La soco qaybta 2aad .......
Hussein Badmah
Köln/Germany
hargeysawi2001@yahoo.de
|