diiwaangalintii la laalay oo xaladu cirka isku shareertay (dad ku waa ogolyahay in loo taliyo ee wax u taliya ma hayo)

 


Sidaan qabo umada SOMALILAND waa umad loo talin karo ee waxay wayday wax u taliya waxa u m ada ku haya hagardaamo waa dadka isku sheega siyaasi ama aqoon yahan
ama masuul ama cuqaal ama salaadiin dadkaas oo aan u bixin lahaa [waxma-garato]

Hadaba wax-magaratada ayaa maanta dadkii u gacan galay waxaanay umadu leedahay
ilaah ka badbaadiya oo meeluun faraj khayr qaba uga fura.
ninkastoo maanta dalka jooga oo ka mida wax-magaratada waxa uu ogyahay in ay qalad tahay
in sharciga dalka u yaalay hal mar qashinka lagu rido.
sida diiwaan-galintii sharciga ahayd oo wax-magaratadu ku dhawaaqeen inay kudaafada ku rideen

Wax-magatadu way ogyihiin inay qaldan yihiin waanay fahmayaan in kaliya loo baahan yahay
in la saxo wixii ka qaldan doorashada, waxa kaloo ay ogyihiin in kaliya la diiwaan galiyo
dadka tirada yar ee aan waqtiga u helin diiwaan galintii hore.
wax-magaratada comishanka iyo waxmagaratada golayaasha ee ansixiyay in qashinka lagu rido
diiwaangalintii la haystay waa rag aan aqoon badan u lahayn masuuliyada ay qaadeen .

Dadka ayuunbaa u haysta ragani inay aqoon leeyihiin ama ay siyaasad wax ka ogyihiin balse
ragani geeridii nabiga ma oga csw. waa rag maankooda ay ka buuxdo caadifad iyo hebel ku xumee
kaliya waxay ficil iyo aqoon ka yaqaanaan waa hebel muxuu yidhi iyo mucaarid ku noqo hebel kale
waa rag kaliya u taagan sumada is khilaafka, burburinta, musuqmaasuqa. isku dirka iwm

Hadaba waxa dadku u baahan yahay wax lagu qanciyo oo la qaadan karo in umada la horkeeno
1. waa maxay sababta loo diidayo diiwaan-galintii dalka taalay?
. su,aashana jawaabteedu maaha waa loo codeeyay waxaana laysku raacay in la tuuro diiwaan-galintii
. su,aashan jawaabteedu maaha waxbaa ka qaldanaa diiwaan-galintii hore [ miyaan lasixi karin ]
. su,aashan jawaabteedu maaha dadbaa laba card qaatay [haday qaateen miyaan la hagaajin karin
kharash yar oo la galiyo ayuunbay rabtaa oo dib loo shandheeyo serverkii]
balse hadii ay jirto jawaab aan kuwaa ahayn oo la qaadan karo waa waxaan aan fahmi karo mamcnaheeda

2. hadii lagu galo bilaa diiwaan galin saw qas abuurbi maayo marka ku shubasho timaado?
3. aduunka ma jirtaa wadan shalay doorashda ku galay diiwaan galin tii degaanakana maanta yidhaa lagu galimaayo?
hadii marka aad haysaan wax umada qanciya waa la idiinka fadhiyaa waana soo bandhigi kartaan.

Gabagabadii

Nimanka WAXMA-GARATADA ee dadku u yaqaano siyaasi ama aqoon yahay ama masuuliyiin
waxaan leeyahay ka noqda go,aanka aad qaadateen ee sharciga ku duminaysaan
dadkana raali galin siiya iyo cafis aad waydiisataan DIIWAAN GALINTII SHARCIGA AHANA KU DHAQ MA taa hadaydaan yeelayn waa idinla dhawraynaa waqtiga iyo waayaha ee ila suga giraanta  wareega ysa


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London