WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo
waxa uu Dig reeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3758/012016
uu ku magaca abay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Ku
xigeenkiisa. Halka Taliyihii hore iyo Ta liye ku xigeenkiisiina la
bedelay.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u
leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka
Ilaalada Madaxtooyada JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In G/Dhexe, Axmed Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda
Somaliland.
2. In Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos), laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Somaliland.
UJEEDDO: BEDDEL
Ku: G/sare, Axmed Cali Maygaag
Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL
Og: Taliyaha Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Dhamme, Cabdi Cismaan Ducaale
Taliye Ku-xigeenkii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL
Og: Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland
Mudaneyaal,Waxaan idinku mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilalka
Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka beddelo xilalka Taliyaha
iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda
Somaliland.
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu
wareejisaan xilalka aad hayseen G/dhexe, Axmed Daahir Cali oo aan
xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos)
oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Booliiska Jamhuuriyadda
Somaliland inay mas'uuliyiintaa u magacaaban xilal ku habboon
darajadooda.
ALLAA MAHAD LEH
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo
waxa uu Digr eeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3757/012016
uu xilkii kaga qa aday Agaasimihii guud ee madaxtooyada sidoo kalena
waxa uu magacaabay Agaasime Cusub.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u
leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Madaxtooyada ee JSL;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karto, aqoon iyo kartina u leedahay
jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh), laga bilaabo
taariikhda maanta ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
Ku: Mudane, Xasan Cabdi Madar Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda
Madaxtooyada
Mudane,
Waxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Agaasimaha
Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed
tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud
ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso
xilka aad haysay Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh)
oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
ALLAA MAHAD LEH
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
|