Digreetada Ogolaanshiyaha
Rayaale Iyo Carqaladaynta Qabso omida Doorashada ee uu Wadaa Ma Wax
Isqabtaa?
Khamiistii toddobaadkii hore ayaa inta badan gobolada iyo
degmooyinka Somaliland waxa si rasmi ah uga bilaabmay bedelaada
kaadhadhkii diiwaangelintii hore iyo qaadashada kaadhadhka cusub ee
cod bixinta doorashada Madaxtooyada ee Komishanka Doorashooyinka
Qaranku u cayimeen isla markaana uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin
digreeto ku ogolaaday wakhtigaasi.
Iyadoo maanta ay tahay maalintii
shanaad ee ay socoto bedelaada kaadhadhka iyo qaadashada kuwa cusub
ayaa Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka waxa laga soo
sheegayaa inay aad u hoose yso tirada dadweynaha u soo baxaya
goobaha lagu qaadanayo kaadhadhka cusub.
haddaba waxaynu la soconaa dhacdadii ay Ciidanka Ammaanku Albaabada
ugu xidheen laba goobood oo ku yaalla Hargeysa oo ay ka socotay
hawsha bedelaada kaadhadhkii hore ee diiwaangelinta cod
bixiyayaasha doorashooyinka, waxaynu sidoo kale aynu ka warqabnaa
sababta ay u cuskadeen carq aladaynta hordhaca ah , waa
dariiqa xukuumadda Rayaale damacsan tahay inay ku khalkhaliso
hanaa nka kaadhadh bedelka iyo qabsoomidda doorashada , si shacabka
loo seexiyana waxa uu madaxwey nuhu soo saaray qoraal degreeto
ogolaanshiyo ku aadan wakhtiga doorashada loo qoondeeyey, bal u
dhug-yeesha shacabyahaow ninka leh doorashada waanu galaynaa waa
Daahir Rayaale e dhanka kal ena adeegayaashii dhagaha fududaa
waxay ku guda jiraan afcaashaa aynu soo xusnay ee ah curyaa
minta dimoqoraadiyada , cabudhinta shacabka, burburinta
dawladnimadda , abuurida qas iyo qalala ase , kala fogaynta
bulsho isku xidhan. Bal shacab yahow, hab-dhaqankaa uu Daahir
Rayaale faraha kula jiraa ee uu isleeyahay kursiga kusii adkayso
miyeynu ka yeelnaa ? shacabiyahow qabsoomida do orashadu ma
waxay dan u tahay seddexda hogaamiye xisbi ee musharaxiinta ah mise
waxay dan u tahay mustaqbalka dalka iyo shacabka guud ahaan? Daahir
Rayaale haddii uu isleeyahay musuq kursi ga ku hanti mar
labaad miyeynu ka aqbalnaa? “Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma
dhasho” .
gabagabadii; maanta wax hadal ah oo aan usoo jeedinaayo cida ay
arintani khusaysaa iima hadhin, ba lse kelmeda u dambaysa ama
marxaladan hadda taagan waa mid khusaysa shacbiweynaha Somaliland oo
kali ah , tallo iyo tusaalayn hogaamiyaasha asxaabtu hore ayaynu
inbadan usoo nidhi , haddase cida aan xusuusinayaa markale shacbi
weynaha muwaadiniinta guda iyo dibedba weeyi, waxaanan leeyahay
shacbiyow dhagartaa udub gacanta ku maleegayso cida ay saameynaysaa
waa idinka waa shacabka gudaha iyo dibedaba guud ahaa waa
muwaadiniinta reer Somaliland. Haddaba sidee ayaynu uga hortagi
karnaa mastaqbalkeena iyo masiirka qarankeena rag qorshaystay inay
jar ka tuuraan wixii lagu soo tabcay labaatanka sanno? Anigu
waxaan odhan. Aynu indha kusoo wada jeedino oo ya an laga jeesan oo
indhaha halagu hayo carqaladaha iyo mushkiladaha ay maleegayaan kuwa
dalka si deeda sanno soo silcinaayey ee haddana raba inay shan
sanno oo dambe leeleeliyaan, waxay ka dhi gan yihiin habartii
“ xaabada qaadi kariweyday ee tidhi ii kordhiya”
wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Sh Cali
Askar
Hargeisa. Somaliland |
|