Digniin ku waajahan dhammaan wasiirada ee Caanbaxay Burburka Xisbiga KULMIYE
 



Aniga ka mid ah Xisbiga KULMIYE waxa aan Digniin u diraayaa wasiirada Xukuumada  Madaxwey na Siiraayo ee Baryahan danbe soo shaacbaxdey khilaafka oo shirweynihii Xisbigu ka Qabsoomi waayey kaas oo Aabo iyo hooyo u yihiin wasiirada Qoodha ah oo aan shaki ku jirin in ay iyagu ay ka danbeeyaan khilaafka Ragaadiyey Xisbiga maanta talada haya Aniga qayrkayba wey ogyihiin sidaas darteed waxaan dhawaaq dheer ugu yeedhayaa wasiisada maanta nagu heysta Lafahii aanu ku hadhney markii la kala saarey Xisbiga iyo Xukuumada Raga laga tagey waxa ka mid ahaa Gudoomiye Gobol,Degmo,Gudomiye Laamaha Gudaha,Debada maaha wax halka ku soo koobikaro sida shacabka Somaliland ee xorta ahi la socto sidaas darteed uma dul qaadan karno haday sii socotana waxay keeni kartaa isku dhac maxaa yeelay marbaa dulqaadku lumaa ee ogaada.Aniga Dawladan tacab badan baa iga galey oo anaa cid kasta uga lexejeclo badan laakiin ma jecli gardarada ama damaca xun ee maanta (shaley) war baahinta arkeyseen iyada oo Gudoomiyihii Xisbiga KULMIYE uu sheegtey Madaxweyne ku xigeenka Mudane C/raxmaan Saylici haba miyaaney lumin kala danbeyntii ama Dastuurkii Xisbiga waxa kale oo lumey in hoos loo tashado.

Anigu waxaan odhan lahaa (Geela Duqdiisu Durdurisay Aarankiisa maxaad mooddaa? ) Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in aanay jirin haba yaraatee cid gaar ah oo murrashax xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah oo uu wato ama uu taageersan yahay, isla markaana waxa uu qalad ku tilmaamay in wax olole siyaasadeed ah la dhexgeliyo hawsha qabanqaabada shirweynaha xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in aanay hadda jirin cid murrashax ah laakiin ciddii is sharraxaysa ay u furan tahay marka shirweynaha la gaadho inay dhexdiisa iska sharraxdo.
Kulan maanta oo taariikhdu tahay 02/11/2013 ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE ayaa lagaga wadahadlay khilaafka ka dhashay xubnaha Guddiga Qabanqaabada oo koox ka mid ahi si gaar ahi sifo aan sharciga xisbiga waafaqsanayn u doortay hoggaan iyo hawlaha u diyaargarowga shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE oo ku muddaysan 25-ka bisha December ee soo socota.

2. Madaxweynuhu wuxuu kulanka ka sheegay in haddii la keeno caddaymo ka markhaati kacaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirradu ay ku lug leeyihiin eedaymaha olole ee dhaliyey in guddiga qabanqaabadu kala qaybsanto inuu tallaabo ka qaadi doono.

3. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu caddeeyey, la islana qaatay in Guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ay u madaxbannaan yihiin hawshooda maamulka xisbiga, iyadoo Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi uu halkaasi ka ballanqaaday in arrinta ku saabsan kala jabka guddiga qabanqaabada iyo go’aankii xubno ka mid ahi ay gooni ugu doorteen hoggaan uu isagoo guddanaya masuuliyaddiisa gelayo xallinteeda, isla markaana uu go’aan ka soo saari doono.

4. Waxa kaloo la isku afgartay in khilaafka iyo xasaasiyadda ka dhashay kala jabka Guddiga Qabanqaabada ay turxaan-bixinteeda dib isugu noqdaan oo ay ka wadahawlgalaan hoggaanka iyo Guddiga Fulinta ee xisbigu si aan wax carqalad ahi ugu iman habsami-u-socodka hawlaha qabanqaabada shirweynaha.
5. Ugu dambayn waxa la isla qaatay in dhammaan xisbiga iyo xukuumadduba ay si wadajir ah gacmaha isku qabsadaan, ugana midho-dhaliyaan sidii shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE ugu qabsoomi lahaa si qurux badan oo aan khilaaf lahayn, si wadajir ahna looga dhawro wax kasta oo carqalad ku keeni karaya. Madaxweynu maka dhabeeyey? Waa maya ee waxaa ila tahay Gaymka ninka wadaa uu Madaxweyna yahay.

Rag sabaan ka sabaan baan,
2. Samaantuun badiyaa.
3. Haduu saakimi waayo,
4. Sariiraan u dhigaa,
5. Iska seexo idhaa.
6. Haduu saakimi waayo na,
7. Caanihii hasha Suub baan,
8. Saddex goor u lisaa,
9. Ku sarriigo idhaa.
10.Haduu saakimi waayo,
11. Sumalkii rugta joogay iyo,

12. Sogobkaan u qalaa,

13. Haduu saakimi waayo,
14. Siirigii Cadmeed baan,
15. Subaggawga badshaa,
16. Haduu saakimi waayo,
17. Gabadh suurad wanaagsan baan,
18. Surrada ugu dhisaa.
19. Haduu saakimi waayo,
20. Xoolo gooni u soofiyo,
21. Sadadaan ku ladhaa,

22. Haduu saakimi waayo,
23. Seeddow, mood iyo mood iyo,
24. Salaantaan badiyaa.

25. Haduu saakimi waayo
26. Salaadaan lallabaa yoo
27. Meydal seedo madow iyo
28. Salligaan cuskadaa yoo
29. Sulub eebo ku joogtaan
30. Sarartaa ku dhuftaa
31. Sambabkaan ka baxshaa
32. Markaasuu sellimaa

Axmed Jimce