Digniin: Yaynaan is Dagin!!! Prof. Cabdisalaam Yaasiin

 



SALAANomalidu waxay ku maahmaahdaa, “Mar i dage Alla ha dago; laba jiir i dagena aanaa is dagay.” Dawalad baynu ahayn Ingriiska madaxbanaani ka qaadatay 26 Juun 1960 oo Somalila nd loo yaaqaano oo xuduud caalami ah leh. Iyaga oo dareen shan Somali oo la mideeyaa wada (oo xiise xilligaa aloosmay oo aan dunidu oglayn ahaa), ayaa madaxdeenii iyo siyaasiyiinteenii xilligaasi dawladnimadii Somaliland booraan ku rideen. Hubsiimo la’aan iyo qorshe la’aan ayay nu ula midownay Somalia, oo ahayd amaano Qaramada Midowbay oo ay toban sanadood u wakiilatay (1950-60) inuu Talyaanigu u maamulo.

Sodon sanadood (1960-1990) oo ah maamulxumo, eex, dulmi, dhaxalwareeg, dhac, dil, iyo bu bur ayay Somaliland kala kulantay midnimadii Somalia. Madaxdii iyo siyaasiyiintii Somaliland ee xilligaasi waxay dhashoodi ka dhaxleen hoogaasi aan qiyaasta la hayn. Dareenkii iyo doonistii shan Somaliyeed oo la mideyaana way dhimatay.

Bubur dad iyo duunyoba ka dib, siyaasintaa lixdankii dhashooda dhashoodii ayaa dubudhis iyo dawladnimo dub u yagleelay. Ilaahyna waa ku guulayeeyay. Madaxbanaadii ay odayadu lixdan kii booraanta ku rideen ayaa kala soo baxeen. Maskaxdooda, muruqooda, iyo maalkooda ayay dad iyo dalba ku dhisayaan. Dhaabado badan iyo dhisme balaadhan ayaa hor yaal. Hasa yees hee, waxay goosteen inay dhaabad kasta iyo dhib kasta oo ka hortimaada laabta u dhigaan oo dawladnimadooda iyo dalkooda dhistaan.

Mar kale ayaa se dibin loo qoolayaa. Dawladaha waawayeen ee Ingiiska iyo Maraykanku ka mi dyahay waxay sameeyeen dawlado aan hore u jirin 21 sanadood ee ay Somaliland jirtay. Kuwaas oo ay ka midyihiin “East Timor” oo Indonesia laga gooyay, “Kosovo” oo Serbia laga gooyay, iyo”South Sudan” oo Sudan laga gooyay. Waxa xasuus mudan in “Kosovo” markii ay Serbia ka baxday, aanay wada hadal kaga bixin; sidaana dawladaha reer galbeedku ku aqoon saeen.

Dantooda ayay u arkeen inay dawladahaasi sameeyaan. Hasa yeeshe, dantood uma arkaan inay Somaliland, oo taariikh gaar ah leh, oo xuduud la yaaqaan leh, oo Ingriis 80 sanadood maamulayay, inay aqoonsadaan.

Waa wax dhaqana ah in cid waliba dan gaar ah leedahay. Cid waliba danteed gaarka ah ayay ilaashataa. Danta Ingriiska iyo Maraykanka ay ka leeyihiin Somalia waa sugid nabadgelyadood qaran. Nabadgelyada dalalkood inay sugaana waxay ku xidhantay Somalia oo ay u arkaan me el halis ah oo ay ku dhuuntaan waxay ugu yeedhaan argagixisada caalamiga ah oo ay kula jir aan dagaal ay ula baxeen “War on Terror – ama La Dagaalanka Argagaxa”. Sidaa darted ayay arrin badan, aduun badan, iyo waqti badan u gelinayaan inay Somalia dawlad ka dhisaan; kana tiraan waxay ubixiyeen argagixisada caalimiga ah. Sidaa darteed ayay Somaliland u aqoonsan waayeen. Sidaa darted ayay Somaliland u cadaadinayaan inay dawlad federal ah, ama confederaal ah sida la sheegayo imika, la samaysato Somalia. Sidaasi ayay u arkaan in dantood ku jirto.

Sidaasi se danta Somaliland kuma jirto. Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee haddii uu Ti macade maalin lahaa, “Dawlad baanu ahayne, danteenaa laba diiday.”; maanta waxanu leen ahay, “Dawlad baanu nahoo, danteeenaa laba doontay”. Haddii aad sii durkisona danti shan dal bay ku ekaatay.

Siyaasiyiinta iyo madaxada Somaliland ee maanta xil weyn ayaa saaran. Waa inaanay mar la baad gef sameeya dhasha dhasheeda ka gelin dadkooda. Madaxbaanidii lixdankii diig umayna an daadin oo aduun badani umaynaan hurin. La soo noqoshadii madaxbanaanidaasi se (oo qaadatay 1981-1991) naf iyo maalba waynu u huray. Waa inaydaan mar labaad booraan ku ridin.

Waa inaydaan mar labaad bulshada ka yeedhsiin, “Habeenkii ku dhaafiyo doraad lama helaa yee/ Markay ii haboonayd aanaa u hubsanwaayay.” Waa inaydaan mar labaad bulshada ka yeedhsiin, “Roobka qawqawlow qadhqdhay/Qaawanaantayduu arkaa/ Eee qudhayda xageen dhigaa.” Waa inaydaan mar labaad bulshada ka yeedsiin, “Anigaa isu geystoo galabsaday xu maantee/ Wixii ila garaadow gobanimo ha tuurina.” Waa inaydaan mar labaad ina dagin.