DIB AAN U EEGNO 2009 IYO FALALKII SIILANYO IYO KULMIYE

 

Waxa aynu manta ka maqlaynaa in mudaharad iyo wadatashi xaaran yahay. Waa ayaan darro in maskaxda ummadeena sidan loo galo. Dimuquraadiyaddu waxa sal u ah in dadku wadatashan karo, ururo sameysan karo afkaar wadaagim karo banaanbaxna ay si salmi ah xiligey doonaan u samayn karaan. Waana tii KUlmiye loogu hiiliyey. Madaxweyne din u xusuuso haddaan xusuusto kaa lumin oo balankaad gashay oofi. Ha ku wacad furin intaad ku wacad furtay in ka badan. Waxaad u keentey kii ay eryeen iyo wasiiradii ay kaga hiiliyeen. Mana garanayno waxa ku dhacay caqligii iyo afkaartii aanu kugu naqaanay kuuguna dooranay.
Haddii Xanuun jiro waanu kuu ducaynaa ee Alle ha kaa dul qaado hana ku tuso intan yare e ku afduubtay ee Xirsi hormoodka u yahay, maalin walba koox uu sameystay ayaa Golaha Wasiirada ku biireysa, maantana aqlabiyad Golaha ah ayuu sameystay oon Madaxweyne ada kuu arag Madaxweyne balse uu halkaas xirsi ugu jiro.
Intaas dabadeed aan iddin soo gudbiyo maqaalkan muujinaaya banaanbaxii KULMIYE oo Siilanyo hogaamiye u ahaa ay oogi jiriin iyo waxay ka odhan jireen.


BANAANBAX UU DHIGAY KULMIYE OO KA DHACAY BURCO IYO OOG IYO JAWIGII BANAANBAXA ASI


Bannaanbax uu dhigay Xisbiga Kulmiye oo ka dhacay saaka Burco iyo Oog iyo jawigii Bannaanbaxyadaasi.

Burco: Bannaanbaxyo ay soo qabanqabiyeen xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa saaka ka dhacay Magaalada Burco iyo weliba Degmada Oog, Bannaanbaxan oo ahaa mid silmiya oo aan wax rabashado ah wadan sidii kii hargaysaa ayaa ku koobnaa xarumaha xisbigaasi, iyadoo markii ay masuuliyiinta asxaabta khudabadahooda halkaas ka jeediyeen ay kala tageen dadkii halkaasi isugu soo baxay.

 

 



Bannaabaxan oo ka dhacay xarunta xisbiga Kulmiye ee Gobolka Tog-dheer, ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin fara badan oo ay ka mid yihiin:
Guddomiyaha xisbigaas ee G/togdheer Sahal adan maxamed, waxa hadaladii Guddomiyaha ka mid ahaa “wax caqliga gala ma aha xisbiga kulmiye ayaa ka danbeyay dhacdadii shalay ka dhacday hargaysa Markaa walaalayaal waxaasi ma tahay wax caqliga gala ninkan Wuxuu wada sidii uu dalka u meja habaabinlahaa shacabka nabadooda Jecelna uu khalkhal ugagalinlaha markaa waxaan shacabka u soo jedinlaha inay ka digtoonaadaan wax uu ninkani wado waxaana Uu hadalkiisi ku soo gabagabeyay hadii golaha baraalamanka Faraha lagala bixi waayo waxay gaadhi doontaa gacan kahadal wuuna Dhammaaday af ka hadalki”
Hadalada Guddoomiyaha oo cadho badani ka muuqatay isla markaasna eedayn u badnaa ayaa waxa uu ku soo gabagabeeyey “waxanu shacabka leenahay hadii uu ninkan Riyaale faraha kala bixiwaayo golaha sharci dajinta cidi idin Kama xigto aqalka barlamaanka waana tagi kartaan”ayuu yidhi Guddomiyuhu.



Sidoo kale waxa munasibadda Bannaanbaxan hadalo badan ka jeediyey Guddomiyaha Garabka Dhlinyarada xisbiga kulmiye ee G/Tog-dheer Abdilahi hassan haji diriye, Abdilaahi Hassan aya isaguna ka hadlay sida ay uga xunyihiin dhacdadii foosha xumayd ee hargysa Ka dhacday shalay, Isagoo dhalin yarada Reer somalilandna ugu baaqay inay usoo jeestan badbaadada dalkooda .

 

 


waxaa sidoo kale isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha beesha awal bari Xaaji C/laahi Maxamed C/raxman wuxuun Guddoomiyuhu hadlkiisa kubilaabay “Ninka riyaale Somaliland way sharaftay isagoo meel cidla ah taagan ayey madaxweyne kadhigtay kursigii dalka u sareeyeyna ku fadhiisisay waxaana laga eegayey inuu abaal gud u sameeyo wuxuuna noqday awrkii heeryadiisa cunay oo uu dumarkii iyo caruurtii askartii ku fayliyo balse wax dhacaba waa laga kabtaa waxaan ilaahay ka baryeyaa dhacdadii dadkii ku dhintay inuu janadii geeyo inagana samir iyo iimaan ilaahay inaga siiyo waxaase aanu leenahay waan u aaraynaa waana idiin hiilinaynaa reer hargeysow” Guddomiyaha Beesha Awal Bari oo hadaladiisa cadho badan iyo qiiro ka muuqatay ayaa ugu danbayntii halkaasi uga duceeyey dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay rabshadihii shalay ka dhacay hargaysa.

waxa sidoo kale halkaasi gabay dheer ka jeediyey abwaan cali yusuf maxamed (cali cawar) waxa midhihii gabaygaas ka mid ahaa:

xilku maa ha xamkowsi
xoog iyo awood maaha
masaakiinta xag xago maaha

Munaasibaddan oo ay ka jeediyeen khudbado dhaadheer masuuliyin aad u tiro badani sidoo kalena ay gabayo ka jeediyeen abwaano fara badan aya waxay ku soo gabagabowday jawi degen, waxaana dhamaantood ay muujinayeen inay ka xun yihin dhacdadii foosha xumayd ee shalay ka dhacday caasimada somaliland ee hargaysa.
iyagoo gebi ahaantood ku tilmaamay in bilayska rayaale u shaqeeya waa sida ay hadalka u dhigeene ay geysteen xasuuq aan loo meel dayin.

Dhinaca kalena magaalada Oog ayaa sida ay sheegayan wararka ka imanayaa waxa ka dhacay Banaanbax Culus iyagoo taageerayaasha xisbiga Kuliye ay shiid iyo dhagaxtuur ooda kaga qaadeen Goobo ay joogaan masuuliyin ka tirsan xukuumada, iyadoo sida la sheegay ay dadkaasi dhagax tuurka samaynayay ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin " waa lana sixro waa lana siree siilaanyo mee, waa lana sixroo waanu silicnaye siilaanyo mee"
Ugu danbayntii Bilayska Magaalada Oog ayaa rasaas ku furay shacabkii Gadoodsanaa, lamana oga khasaaro dhab ah oo uu geystay banaanbaxaska dhacay magaalada Oog.
http://togaherer.blogspot.co.uk/2009/09/banaanbax-uu-dhigay-kulmiye-oo-ka.html

 


Abdi Haji Axmed

hargeysawi@ymail.com