D/Hoose Hargeysa oo fulisay hawl-galkii ugu balaadhnaa ee wax ka qabashada bilicda iyo hal qof oo ku dhintay

 



Hargeysa,29 Feb 2012 (TNN)-Hawl-galkan oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Ma xamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Duqa caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxa ka qeyb qaatay shaqaalaha dawladda Hoose ee Hargeysa iyo ciidanka birmadka ee Booliska, wa xaanay dumiyeen sandaqadihii iyo miisaskii ku teedsanaa wadada D/Hoose illaa Saldhiga dhexe ee Hargeysa, halkaasi oo ay baneeyeen dhammaan wixii meherado yar yar ahaa ee cidhiidhiga ku hayay jidka wadnaha ee magaaladda Hargeysa.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay hawl-galkaasi wux uu yidhi “Dalkeenii imika waxa la doonayaa in caasimada ay u ekaato magaallo madax oo ictiraa fkii ayaa inagu soo dhow. Marka ma doonayno in billic xumadda iyo dadkan is-dhexyaala oo wad dooyinka la baneeyo oo dadka xuquuqda lihii waa dadka dhismayaasha leh oo cid hortagi karta laba rabo.”Sidaa ayuu yidhi Maayarka caasimada hargeysa oo ka hadlayey dawladda hoose ee hargeysa oo biloowday hawlgalo ay ku bananaysay jidadka caasimada.”


Maayarka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Dadku marka bakhaaro wada banaanbaa jira oo cidii kiraysan kartaa ha kiraysato intii kalena waxaanu ugu talo-galay meelo magaalada dabade eda ah. Ilaa saddex iyo toban sareebadood oo cusub ayaanu samaynay oo dadka danyarta ahi magaalada dibada hawga baxaan.”

Hawl-galkan waxa ka horyimid dhalinyaro ka mid ahaa dadka ku ganacsada meheradaha hortoo da oo ciidammadda booliska ku soo weeraray mindiyo ilsa markaana taayiro ku gubay wadada, kuwaasi oo aakhirkiina la sheegay inay Booliska ku rideen rasaas.

Intaasi ka dib rasaas ay boolisku doonayeen inay ku kala kaxeeyaan dhalinyaradii rabashadaha sameynayay waxa la sheegay inay ku dhaawacmeen sadex qof oo midi ku dhaawac dhintay cisb itaalka guud.

Waxa ciidanka Boolisku rasaas ay rideen ku dhintay Cabdi Axmed Aadan oo 40 jir ah sida shaba kadda Somaliland.Org ay galabta u xaqiijiyeen maamulka cisbitaalka guud ee magaaladda Harge ysa.

Sidoo kale, waxay maamulka cisbitaalka guud sheegeen inay la tacaalayaan C/Raxmaan Maxam uud Maxamed oo ku dhaawacmay hawl-galkaasi.

Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa ayaa maanta soo dhaweeyay wad ada la baneeyay, waxaanay xuseen in cidhiidhigii laga qaaday wadada badhtamaha magaaladda Hargeysa.


source:so