Dhoolatuskii Musharaxiinta Xisbiga kulmiye ee magaalada wajaale iyo wacdarahii Macalin Shirwac iyo Musharxiinta kale ku soo Bandhigeen halkaasi
 

 


Musharaxiinta xisbiga kulmiye oo khudbado miisan leh ka jeediyey fagaarahaasi ayaa dadweyn aha usoo bandhigay...................


Gabiley (TNN)-musharaxiinta xisbiga kulmiye ayaa dhoolatus layaab leh ka sameeyey magaalad a wajaale.taageerayaasha xisbiga kulmiye oo ku labisan astaanta bilicda dheer ee uu ka koo ban yahay iyo dharka hidaha iyo dhaqanka, waxay taageerayaal tiro badan iskugu soo biyo shubteen garoonka kubada cagta ee magaaladaasi iyagaoo ku dhawaaqaya halku dhigyo ay ku taageerayaan musharaxiintooda.

Musharaxiinta xisbiga kulmiye oo khudbado miisan leh ka jeediyey fagaarahaasi ayaa dadwey naha usoo bandhigay habka ay bulshada ugu shaqayn doonaan iyo barnaajimkooda siyaas adeed

Ugu horeyn waxaa halkaasi khudbada dheer ka jeediyey musharaxa dr axmed maxamed cali (sangub)oo wacdaro ka muujiyey magaalada wajaale waxaanu faafin ka bixiyey qorshihiis w axqabad ee ku wajahan magaalada wajaale waxaanu yidhi “waxaan wax ka qabandoonaa 1-caafimaadka wajaale waa bilaa MCH maha meel hooyada u muleysa xabad kiniin laga siiyo 2-biyaha wajaale ma laha biyo caafimaadka u wanaagsan,waxaan awooda saarin doonaa wax abarshada sidii korloogu qaadi lahaa 3- kobcinta dhaqaalaha iyo maaul wanaag 4-dib u dhiska wadooyinka”

Waxa kale oo halkaasi khudbad ka jeedieyey musharaxa macalin axmed maxamed maxamuud shirwac oo ka mid ah xubnaha ugu miisaanka culus isla markaana ahaa macalin 22sano soo s aareyey ardey tiro badan oo tayo leh, waxaan hadaladiisii kamid ahaa ‘’taageerayaash kulmiy e ee qaaliga ah aadbaad u mahadsan tihiin anigu waxaan waxka baqanayaa tagu horeysa wa xbarashada waayo macalinbaan ahay waan ogahay dhibaatada haysata ardeyda iyo macalimii nta A-kobcinta waxbarashada b- kobcinta dhaqaalaha c-kobcinta waxsoo sarka gobolka d-k ob cinta adeegyada bulshada’’

Waxa kale oo halkaas ka hadley musharaxa c/samad ciidle cali oo ku dheeraadey waxqabad la,aanta ragaadiyey magaalada wajaale iyo xashiishka buux dhaafiyey iyo wadooyin xumada ku habsatey


Waxa kale oo halkaasi ka hadley musharaxa muj cali yoonis habane oo ku dheeraadey sida ay ugu heelanyihiin inay bulshada u horumariyaan isla markaan waxqabad muuqda oo tayo leh ay usameeyaan musharax eng mukhtaar xirsi xasan oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediy ay oo hadii loo codeeyo in Wax ka qaban doono baahiyaha jira waxaanu aad ugu dheearaadey khayraadka ku duugan gobolka iyo sida loo horumarinkaro magaalada gabiley

Waxa kale oo halkaas ka hadley musharaxa c/salaan Cumar warsame oo khudbada qiimo bad an ka jeediyey madaashi waxaanu faahfaahin ka bixiyey habka ugu haboon ee bulshada wax qabad muuqda loogu samaynayo isla markaan dhaqaalahood loogu maamulayo iyada oo aan meelkale waxlaga kale




c/raxmaan xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland