Dhismaha Madaarka
Caalamiga ah ee Berbera oo ku dhow dhammaad

Berbera (TNN) :-Dhismaha madaarka caalamiga ah ee
Berbera ee Somaliland oo ah madaarka labaad ee dal ka oo socday in
muddo ah ayaa waqtigan ku dhow dhammaad, iyada oo hab casri ah loo
dhisay.
Madaarka ayaa loo dhisay hab cusub oo casri ah, kaas oo waafaqsan
nidaamka dulimaadyadda hawada ee qaaradda, sida uu sheegay Diritan
Gajonbalaj oo ah Agaasimaha guud ee Madaarka.
Agaasimaha oo warbixin siiyey warbaahin caalami ah oo kala duwan
ayaa sheegay in ay si dhab ah u maal geliyeen madaarka , isla
markaana loo qalabeeyey , iyada oo la hubinaayo in uu la jaan
qaadaayo madaarku nidaamyadda caalamiga ah ee madaaradda dunnida,
waxaanu Agaasimuhu intaas ku daray in uu gabogabo ku dhawyahay, isla
markaana laga shaqayn doono waxyaalaha lagama maarmaanka ah, ka hor
inta aanay baadhitaan ku samayn nidaamkooda dhisme maamulka Hawada
ee Somaliland.
Sidoo kale, waxa uu sheegay Agaasime Diritan Gajonbalaj in ay waajib
ku tahay dhismaha madaar adag oo laysku halayn karo, isaga oo intaas
ku daray in maamul ahaan iyo nidaam ahaan la aamini karo, wuxuuna
til maamay in ay baadhitaan ku samayn doonaan koox baadheyaal ah oo
caalami ah, isla markaana madax ban aan, kuwaas oo eegi doona in
nidamkooda dhisme uu waafaqsan yahay xeerarka amaanka hawada ee ee
caalamiga ah loona yaqaano (Chicago Convention).
Warbixintan oo lagu daabacay shabakada Construction review , isla
markaana ay wakaaladda wararka Som aliland ee SOLNA ka soo xigatay
warkan ayaa lagu sheegay in dawladda Somaliland ay doonayso in
magaala dda Berbera ay noqoto xarun ganacsi, isla markaana ay u
baahan tahay in la dhiso madaarka oo noqon do ona mid gudaha iyo
dibaddaba u shaqeeya, isla markaana ay isticmaalaan
maalgashadeyaasha gudaha iyo dibadduba, iyada oo ay ka soo degi
doonaan dalxiiseyaasha caalamiga ahi.
Furitaanka madaarka ayaa lagu sheegay warkan in uu kor u qaadi doono
sumcadda Somaliland, iyada oo si doo kalena la wado waddada isku
xidhi doonta xuduudka Itoobiya iyo magaaladda Berbera ee Somaliland.
|