Dhismaha Biriish isku Xidhaya Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Gacan Libaax oo la Dhagax-dhigay

 

Wasiirrada Hawlaha Guud, Duulista iyo Hawada, Duqa caasimadda Hargeysa, salaadiin, ganacsato, aqoonyahanno iyo marti-sharaf, ayaa ka qaybgalay xaflad shalay xadhigga lagaga dhismaha jarayey waddo cusub, isla markaana lagu dhagax-dhigayey dhismaha biriish cusub oo isku xidhaya degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa.

Dhismaha waddadan cusub oo cabirkeedu dhan yahay 900 mitir, isla markaana ay ku baxday lacag dhan $45,000 dollar, ayaa waxa kharashka ku baxaya 60% bixiyey dadweynaha ku dhaqan Degmada Gacan Libaax, halka 40% kalena ay wadajir u bixiyeen Dawladda Hoose, shirkadaha Telesom, Dahabshiil, Daryeel iyo shirkadda badroolka Parymy Resources, taas oo ay hirgaliyeen guddi iskood isku xilqaantay.

Dhinaca kale waxa isla xafladda shalay lagu dhagax-dhigay dhismaha biriishka cusub oo ah nooca loo yaqaan Irish Brig, kaas cabirkiisu yahay 1km, isla markaana lagu inay ku baxdo lacag dhan $200,000 dollar, waxaanna kharashkan ku baxayi doona loo qoondeeyey inay wadajir u bixiyaan dadweynaha labada xaafadood, ganacsatada, shirkadaha iyo Dawladda Hoose, iyadoo xafladdaas lagaga codsaday in cidkasta oo gacan ka geysan karta u furan tahay, waxaanna isla xafladdaas kaga dhawaaqay inuu bixiyo $20,000 dollar gacansade Maxamed Siciid Ducaale Dahabshiil.

Duqa caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo xafladdaa hadal kooban ka jeediyey ayaa xusay in ka dawlad hoose ahaan ay farax weyn u tahay hirgelinta mashruucan oo uu tilmaamay in iskaashiga dawladda iyo dadweynaha lagaga soo gudbay dhibaato badan oo ka hortimi.

“Maanta dadweynihii aad ayey u fahmeen ka qaybqaadashada horumarkooda, iyagaa bilaaba oo isku xilqaama sidii ay wax uga qaban lahaayeen goldaloolooyinka dhinaca adeegyada bulshada ah. Annaga ka dawlad hoose ahaan arrintani hawl culus ayey naga furtay, waayo hawl annaga markii hore fulinteeda nalooga fadhiyey ayey iyagu wax ka qabtaan.

Qorshahan wax wadaqabsiga dadka iyo dawladda waxa uu qayb ka yahay dadaalkii aannu ku samaynay maamul daadajinta, si dadku u fahmaan wax wadaqabsiga, arrintani way anba qaaday waxaanna laga hirgaliyey degmooyin caasimadda oo dhan,” ayuu yidhi Eng. Jiciir.

Wasiirrada Hawlaha Guud iyo Duulista iyo Hawada Siciid Sulub iyo Cali Maxamed Warancadde oo iyaguna xafladdaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa ku ammaanay guddidan is xilqaantay arrintan ay qabteen, taas oo ay ku tilmaameen mid qayb weyn ka qaadanaysa horumarka adeegyada bulshada iyo bilicda caasimadda, waxaanay ugu baaqeen dadweynaha ku dhaqan deegaannada kale ee magaaladu inay kaga daydaan.

Wasiirradu waxa kale oo ay ballanqaadeen in dawlad ahaan ay diyaar la yihiin qaybta kaga soo hagaagaysa hawlahan horumarineed ee laga hirgalinayo deegaannadaas.

Guddoomiyaha Guddida isu xilqaantay hawshan Mr. Maxamed Cismaan Faxal, oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in guddigoodu ay ka kooban tahay laba degmo ee Gacan Libaax iyo Maxamuud Haybe, iyada oo guddiu jirtay muddo sannad ah waxay hore uga shaqaysay biyo-galinta xaafadda Ganac Libaax, kadib markii ay aragtay baahidii biyo yaraan ee ka jirtay xaafaddaas iyo dhismaha waddada oo gacanta Dawladda Hoose iyo ganacsade Dahabshiil iyo Telesom oo bilowgii howsha qaabishay.

Mr. Faxal waxa kale oo uu sheegay in guddidu sii shaqayn doono, isla markaana ay ka howgali doono horumarinta adeegyada bulshada ee labada degmo.

Sidoo kale, waxa halkaa hadallo koobkooban ka jeediyey masuuliyiin isugu jirta aqoonyahanno, culamaa’udiin, oday-dhaqameedyo iyo dadweyne kale oo dhammaantood sheegay inay diyaar u yihiin gacan-ka-geysashada hawshan.

Dhinaca kale, shakhsiyaad ka tirsan beelayada uu dhexmarayo dhismaha biriishka isku xidhaya xaafadaha Maxamed Mooge iyo Gacan Libaax ayaa xafladdaas kaga dhawaaqay inay bixinayaan dhul loo iibiyo qandaraaska dhismaha biriishkan.

 

 



Jamhuuriya Online