Dhimashada Hogaamiyihii Garabka Milatariga ee Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle)

 

SNM Miyay ku Bes-beeshay,!Mise Xaaladu Waxay Isu Bedashay Si Kale?
17-ka October 1984-kii oo haatan laga joogo 24 sanadood wax badan ayaa laga sheekeeyay ama laga waramay Dagaalka Burco Duuray oo aynu soo sheegnay Miisaanka uu labada dhinacba ku lahaa dhinaca Faqashta iyo dhinaca SNM-ta labadaba.

Hadaba kol haddii ay sidaas tahay Dhimashada Hogaamiyihii garabka Milatariga ee Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) SNM miyay ku Bes beeshay? Mise waxay Xaaladu isu bedashay Si kale?
Hadii si fudud loo yidhaahdana waxa ay ujeedadu tahay Dagaalka Burco Duuray saamayn intee leeg ayuu ku yeeshay xaaladii markaa jirtay ee dhaqdhaqaaqa SNM iyo Difaaca Dawladii Siyaad Bare.

Waxa hubaal ah in uu dagaalkani ahaa dhinbiil hurisay dabkii SNM isla markaana uu sabab u noqday in uu wiiqmo difaacii ciidamadii dawladu.

Ciidankii Dawlada Siyaad Bare ee soo weeraray Burco Duuray sida aynu hore u soo sheegnay waxa hogaaminayay Nin Mijir ahaa oo la odhan jiray Jihaa.

Ninkaasi waxa uu dagaalkaa ku mutaystay Dalacaad iyo Billad Geesi uu siiyey Maxamed Siyaad Bare oo Muqdisho loogu geeyay, iyada oo ay ujeeddada ugu weyn ee laga abaal marinayaa ahayd Geeridda Lixle iyo burburinta Ciidankii ugu horeeyay ee SNM u dhisma sida ay iyaga dhinacooda la ahayd.

Iyaga oo keliyana ma'ahe Soomaalida iyo dadka la socday dagaalka u dhaxeeya SNM iyo dawlada Siyaad bare intuba waxay dareesanaayeen inay SNM ku adkaan doonto inay dagaalka sii wado, tusaale ahaan Dagaalka Burco Duuray Maalmo yar ka dib ayay Laanta Afka soomaaliga ee BBC-du waraysi la yeelatay gudoomiyihii ururka SNM ee wakhtigaasi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaana waraysigaas oo la wada xasuusto su'aalihii la waydiinaayay ugu muhiimsnaa sida ay SNM u sii jiri karayso kol haddii uu Lixle dhintay.

Waxaanu guddoomiye Siilaanyo ku jawaabay, halhalys dhaxal gal noqday waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Alle ha u naxariistee Lixle wuu shahiiday, SNM-na waa wada Lixle".

Sarkaalka Billad Geesida qaatay ee lagu dalacsiiyay dagaalka Burco duuray (Jihaad), darajadaa uu qaatay iyo billadaasi midna muu calfan, waxaanay SNM gacanteeda ku khaarajisay 28-maalmood oo keliya ka dib.

=Hadaba Sidee Ayuu U Dhacay Aargoosigaa Deg-Dega Ahi.

Waxa ka waramaya Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen (dhaga wayne) oo ka mid ahaa saraakiishii SNM.

Marka horese waxa uu ibraahim ka sheekaynayaa halka uu ku sugnaa markii uu dhacayay dagaalka Burco Duuray, sababaha keenay iyo waxa ka dhashay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "16-kii October waxa aan joogay meesha la yidhaahdo Sheed Dheer oo uu deganaa ciidan, dabadeeto waxa ila soo hadlay Alle ha u naxariistee Aadan Shiine, oo ahaa Wasiirka Gaashaan dhiga ee SNM, waxaanu ii sheegay in la iga bedelay halkaa oo aan u wareegayo dhinaca barriga gaar ahaan aagga uu joogay Lixle ee Burco Duuray, xilligaana fadhayada Ciidamada SNM waxay u qorshaysnaayeen qaab Deegaamaysan, isla markaana waxa socday oo uu Alle Ha u naxariistee lixle gacanta ku hayay qorshe ballaadhan oo loogu diyaargaroobayay Guddagalka SNM iyada oo aanu isku qancinay in aanay jirin sabab aanu Qaaxo u sii fadhinaa, dabadeetana aanu ku go'aansanay in gudaha la isku shubo shir aanu ku yeelanay Laanqayrta markaa ka hor sidaana waxa soo codsaday alle ha u narariistee Lixle oo yidhi waxa aan u baahanahay in la igu soo xoojiyo waayo aniga iyo Xasan Yoonis waxa aanu xilliga ku qornayn Sheed Dheer.

Daalaco waxa joogay Axmed Mire, maxamed Kaahin-na waxa uu joogay Baal-dhaye, Ibraahim Kood buurna waxa uu ahaa Abaanduulaha Ciidamada xoraynta ee SNM.

Alle ha u naxariistee Lixle oo maalmo yar uun ka hor ka degay Wasiirka Gaashaandhiga ayaa isaguna joogay Burco Duuray.

Isla markii uu Aadan shiine sidaa ii sheegay ayaa warqabadkii isgaadhsiinta waxa aanu ka ogaanay inay faqash diyaarinayso weerar gaadmo ah oo ay ku qaadayso Saldhigyadaa aan soo sheegay, dabadeeto anigu markii aan intaa maqlay ayaan taar u diray Taliska Guud.,

Taarkaas oo aanu ugaga digayo tibaaxdaa aan helay laakiin nasiib darro Ibraahim Kood-buur oo ahaa Abaanduulaha SNM-ta oo uu xilligaa fadhigiisu u badnaa Celiyo oo cabaar u jirta Burco-Duuray wuu ka maqnaa saldhigiisa oo muu helin Taarkaas, hasa yeeshee waxa uu taarkii helay labadii duhurnimo maalintii danbe ee 17-kii October markii uu ku soo noqday Celiyo, dabadeedna inta uu ku naxay ayuu is rogay si uu uga gaadho Burco Duuray oo uu u wargeliyo nasiib darro.

La soco……………………………….

 



Wargeyska Saxansaxo
Cabdillaahi M. Dahir [Cukuse]
Hargeysa/Somaliland