Dhibaatooyinka Tahriibka ee dhalinta Somaliland Maxaa u xal ah?

 

Baahida bani aadanka oo ah mid sal iyo cidhib meel ay ku ha ysaa aanay jirin oo la korta kolba waayaha iyo wakhtiga  cu sub ee soo iftiima ayaa waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin iyo dhiilooyin lama ilaawaan ah oo naburo iyo dhaawacyo waawayn oo aan laga bogsan soo gaadhsiiya umadaha dhibaatooyinkaasi waa dabiici ama dadsamee.


Mid waa dabiici oo waa wax ka yimaada dhinaca deegaan ka rabaaniga ah oo u dhaca farsamooyin ka ALLE (S.W.T) ee faraha badan (Natural disasters) qaarna waxaa sameeya ama keena bani aadamka oo waa dadsamee , (man made  disas ters ) noockasta oo ay yihiinba waxay reebaan saamayn iyo sumado xunxun inta badana markhaati unoqda jiilba jiilka uu ka dabeeyo.

Qormadan ayaa waxaan doonayaa inaan kaga hadlo tahriibka oo ah dhibaatada ugu wayn ee maanta ka jirta guud ahaan geeska afrika si gaar ahna u  saamays ay dalkeena soomaaliland , hadaba tahriibow maxaad tahay ? tahriib luuqad  aha an waa socdaal aan sharci loo haysan oo dhuumasho iyo dhabaraad ku salaysan , qabiil ahaana waxa uu kasoo jeedaa qolada aan u bixinay (man made disasters), taariikh ahaana waa shay soo jireen ah sida laysla qaatayna ka soo bilaabmay qaarada yurub mudo imika laga joogo kumanaan sanadood ayaa dadka reer yurub waxay usoo qulquli jireen dhinaca maraykanka ama America ,taasi waxa kasii danbeeyay oo xoojiyay tahriibkii dib uga bilaabmay qaarada Africa kadib markii dadkii la adoonsan jiray (African slavers)ee qaarada Africa ay markii danbe noqdeen kuwo dega oo hela nolol liitada balse lays lahaa waxay dhaantaa tii markaa ay ku jirtay qaarada Africa oo ahayd mid qoloqolo iyo qabiil qabiil laysku laayo, (African civil crisis) ayaa waxay dadkii qaarada ku sugnaa door iyo dan moodeen inay xamaanta iyo xaabada u gurtaan qaaradaha yurub iyo  amee rica oo markaa , dadku u hayaami jireen iyada oo markii dambe gaadhay ilaa  wa q ooyiga qaarada Aasia oo dadbadani kaga soo furmeen America.

Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin oo aan indhaha laga qabsan karin In dhalinta Somaliland ay yihiin kuwa ugu badan tahriibayaasha maanta, siiba  gobo lada Awdal iyo salal. Dhalintu waa umad maskax ahaan iyo muruq ahaanba aad u nugul oo curdin ka ah, Ilmaha yari marka uu dhasho waxaa ku adkaada oo uu liqi kari waayaa hawada ku xeeran deegaankiisa , waana ooyaa ilmuhu marka uu caloosha hooyadii kasoo baxo , laakiin wakhtiyar ka bacdi waa uu la qabatimaa isaga oo ay hooyadu ka caawiso arimaha deegaanka ,mudo ka bacdi waxa uu raadiyaa sidii uu dadka ufahmi lahaa isla markaana u hadli lahaa sidoo kale taana waxa ka caawiya hooyadiis oo noqota macalimadiisa koowaad ee barta qaabka hadalka , hadaba dhalintu waxay ka soo gudbaan heerar kala duwan oo ubaahan in talo iyo taakulayn laga siiyo ,dhalintu waa dad aan inta badan sugin  mustaq balka fog oo markaaba is waydiiya sidii ay u heli lahaayeen isbadal deg dega oo ay kaga gaashaantaan , duruufaha taagtaagan ee soo wajaha , waxay  ubaahda an dad haga oo tilmaan meel mar ah kasiisa sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen  wa khtiga kolkaa joogaa, su'aashuse waxay tahay. Maxaa keenay tahriibka dhalinta Somaliland? Sababaha ugu badan ee keena tahriibka dhalinteena waxaa ka mid ah:

1) Sabab dhaqaale, waxa iska cad oo muuqata in maanta dalkeenu ku raagay  ho os u dhac dhaqaale oo soo joogtoobay oo maalinba maalinta ka danbaysa sii  xu maanaya, sidaa awgeedna dhalintii jaamacadaha dhamaysatay waxay waayeen wax rajo ah oo ay ka qabaan in ay helaan fursado shaqo oo ku filan Taasina  wax ay dhaxal siisay inay meelkasta oo damiirkoodu siiyo u hayaamaan.

2. sabab siyaasadeed , dhalinta dalkeenu kama qayb galaan siyaadada dalka  da dkeena waawayn oo aan jiilka cusub u ogolayn inay siyaasada wax ku yeeshaan awgeed taasina ay sii xoojiso hayi kaca tahriibka oo aanay jirin xal kale oo ay kaga joogaani.

3. Sabab saboolnimo, dalkeena waxaa ka jira saboolnimo isa soo taraysa taasi oo dhalinta ku abuurta niyad jab iyo rajo la’aan dhinacyo badan leh kuna kalifa inay dalka ka baxsadaan



sababahaasi aan kor ku xusnay waa kuwa ugu badan ee dhalinta ku keena inay tahriibaan iyada oo aanay cidna ka daahnayn in tahriibku yahay dhibaato aad u balaadhan islamarnaa lagala kulmo , dhaca ,boobka , dilka , kufsiga , xadhiga ,silica iyo saxariirkaba intaas oo is xambaarsan ayaa waxay soo food saaraan dhalinta tahriibaysa balse iyagu waxay dareensan yihiin in hadafkoodu ka wayn yahay intaas oo mar uun ujeedadoodu u rumoobi doonto

sawirkan waxaad ka dheehan kartaa rafaadka saxaaraha ee tahriibka hadaba ,Dadka reer Soomaaliland ee wax garad iyo aqoonyahanba leh iyo gaar  ahaa nbaba Dawladu waa inay ogaataa inay maskaxdii curdinka ahayd ee barito  must aqbalka Dalka hanan lahaa ay yihiin kuwo hilibkoodu daadsanyahay Xeebaha ay tahriibka ku maraan ,qaarkood waxay mayd ahaan u yaaliin saxaarayaasha dhaadheer ee marinka u ah dhalinta tahriibayaasha ah , imisaa Hooyo ku  wayd ay wiilkeedii curad imisaase wayday gabadh in badan ay soo koolkoolisay oo  ma anta ay u suurto gali wayday inay aragto maydadkooda ,geeri iyo jacaylba  xasu usbay kugu dilaane waa hubaal hooyadaasi inay maanta ka walwalsantahay oo ay dareensantahay jiidhkeedii oo kumilmay mawjadaha badaha.

Hadaba dhibaatadan waxaa lagu xalin karaa qodobo dhawr ah:

1-Qurbo joogta: oo runtii ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee dadka reer somaliland ay ku tiirsan yihiin, waa in ay sameeyaan maalgelin dhaqaale oo laga hirgaliyo dalka, si dadku uga faa’iideystaan iyagana runtii dan weyn ugu jirto, si looga hortago camal la’aanta ba’an ee dalka ka jirta.

2- Ururada dhalinyarada ee ka hawl gala somaliland ayaa waxa aanu shaki ku jirin isla markaana hubaal ah inay dhalinta ka bad baadin karaan tahriibka waa hadii la xidhiidhaan oo ay wada tashi gacaneed iyo garaba la yeeshaan ururada kale ee wadaniyiinta ah ee qurbaha ka jira una hawl galaan iyaga oo gacan waydiisanaya cidkasta oo ka caawinkarta. Dhalintana waa inay ku baraarujiyaan qiimaha sportiga iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay inay dhalintu noqoto mid jidh ahaan iyo maskax ahaaba ka dhisan.

3-Dawlada oo ah quwada keliya ee ugu muhiimsan xil gaar ahina ka saaranyahay waa inay dhalinyarada u abuurtaa ilo dhaqaale oo ay dhalintu ka hawlgalaan kana helaan shaqooyin iyo fursado ay ka faa’iideeyaan

4-Ganacsatada dalka gudihiisa ku suganina waa inay gartaan halka ay kaga  aad anyihiin iyo kaalinta horumarineed ee ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin

5- dhalintuna waa inay ogaadaan in hantida kaliya ee ay haystaani ay tahay  dal kooda hooyo oo ay dhadhamiyaan qiimaha ay leedahay wadaniyadu isla  markaa na wakhtiga ay ku bixinayaan inay ku tahriibaan iyo maalka galayaaba waa inay ku bixiyaan sidii ay dalkooda wax ugala soo bixi lahaayeen , una noqon  lahaaye en dad istara oo istirsada.

Wali ma is waydiiseen inta saacadood ee intaad isasoo hor fadhiisateen aad ka fikirteen tahriibka iyo dariiqyadiisa sidoo kale ma is waydiiseen lacagta ku  bax day tahriibku inta ay leegtahay ,bal ka warama hadii aad markaad isku  timaada anba ka doodaan “waar sideen wadanka wax ugala soo baxnaa ?” waxa aniga iga talo ah dad ku waxay u rafaadaan ee intaa raadinayaani waa sidii ay u heli lahaayeen magac meel mar ah oo ay dunida kaga tagaan , waase hubaal hadaad bulshadaada ku dhex yeelan waydo meelkale ku yeelan maysid oo soomaalibaa waxa laga hayaa “ libaax dalkiisa ka tagay shanqadh saaruu yeeshaa”.

Aniga oo ka mid ah dhalinta soomaaliland waxaan idin leeyahay gacmaha inta  aa n is qabsano , horumarka dhalkeenu dhalintuu ku jiraaye beesha aan u  bandhig no oo “ wax iiqabo wax ila qabaa dhaantee”dadka aan tusno dadaalkeena si  dad ka inga danbeeyaana ay u hiigsadaan dariiqooyin iyo darajooyin wan wanaagsan oon bulshada dhexdeeda ka abuurno , hadii aabo ama adeero maanta halkaa ina dhigay adigu halkeed dhigi inta kaa danbaysa ?!


Fadlan wixii talo ama tusaale ah ee qoraalkan la xidhiidha adiga oo mahadsan waxaad kusoo hagaajisaa ciwaan ka hoos ku qaran

 

 

Ashraf Max’ud Nuur
Malaysia
ashraaf143@hotmail.com