Dharka Dugsiga
Qofka aqoonta
leh,marka uu wax baranaayo iyo marka uu waxbartaba waxa uu le eyahay
ama lagu arkaa astaamo iyo sifooyin caan ah oo lagu garto,kuwaasi oo
d hamaantood waxbarashada iyo tacliinta uu dhexgalay ay
wadato.goobaha tacliin tu taalo sida
dugsiyada,madarisadaha,kuliyadaha gaarka ah,jaamacada ha,masa
ajidada iyo meelaha kale ee lagu dhigto waxbarshada tooska ah ama ta
dadbanba ayaa lagu arkaa marka hore ruuxa aqoonyaanka ah.
sidoo kale xidhashada dharka direyska ah ee balcada loo yaqaano iyo
agabka wa xbarashada sida bugaagta,qalimaanta iwm,ayaa iyaguna
ka qeyb qaata in qofka loo aqoonsado mid waxbarasho u socoto marka
lagu arko .
Markasta oo aan xasuusto noloshii ardaynimo ee aan soo maray
wakhtiyadii dugs iyada iyo jaamacadaha aan ku jiray,waxa
maskaxdayda ku soo dhaca quruxdii ay laheyd ardaynimadu,waxaan
xasuustaa ardaydii,waxaan xasuustaa barayaashi i,w a xaan
xasuustaa dugsiga laftiisii,waxa kale oo aan xasuustaa qalabkii iyo
dire ysyadii kale duwanaa ee aan qaadan jiray.
Waanu kala dheereyn,waanu kala caqli badneyn,waanu kala midab
duwaneyn,wa a nu kala dhaqaale rooneyn,waanu kala agab fiicneyn,hase
ahaate wakhtiga aanu dugsiga joogno hablo iyo inamaba waxaanu ka
sineyn direyska iyo dharka waxba rasho.sanooyin badan oo
decade ku dhaw ayaanad ku sii jeedaysaa dugsiga adiga oo ku lebisan
dhar gaar ah,oo astaan waxbarasho muujinaya.markaad ka soo bax
do taasina waxaad shaqo ka raadsaneysaa xafiisyo iyo xarumo kale oo
runtii iya guna ku lebisan direys gaar ah oo loogu talo galay
shaqada,astaana u ah ururko oda.
Dharka dugsigu waxay sababaan in aan la kala soocin ardayda, oo
runtii dabaqa daha kale duwan ee bulshada ka kala yimi,intooda
lacagta leh iyo inta ardayda ka midka ah ee aan heysan dhaqaale ku
filanba, waxay wada xidhan yihiin balcad isku mid ah,haddii
dharkaasi dugsigu ka baxo meesha, qofkastaaba wuxu soo xidhan
ayaa dhar la jaan qaadaya halka uu nolosha kaga jiro,taasina waxay
keeni kartaa in qaar badan oo ardayda ka mid ah oo danyar ahi ay ka
dhex muuqan karaan.
Habka lebiska direyska dugsiga lagu tago ayaa isna ka qeyb
qaata,ilaalinta akhlaa q da iyo dhawrsanaanta labadaba,waxa
jirtay haddaynu dib u eegno wakhtigii da wladii hore ay jirtay
in dugsiyada lagu dhigan jiray dharka balcada loo yaqaanay oo runtii
qaar ka tirsan ardaydu sida kuwo hoose loo xidhi jiray surwaal
gaaban oo jidhkoodi badh uu ka muuqdo,iyo in sidoo kale hablaha
secondaryguna ay xidh an jireen shaadh iyo surwaal,taasi oo
dhab ahaantii kugu beeraysa fikiro kala duwan.
Warshada dharka oo balcad ku taalay ayaa sameyn jirtay soona saari
jirtay direy ska ardaydu u qaatan dugsiga ,arintana xitaa waa
mida keentay in dharka mag aciisi loo bixiyo balcad.
Somaliland iyo hirgelinta xidhashada direyska
Nabadu horumarka ay keento ayey waxbarashadu ka mid tahay,marka
waxbaras ho ama tacliin la hirgeliyo ayaana agabkii lagu meel marin
lahaa ama lagu qurxin lahaa sida dharkii laga fekiraa,waxbarashadu
waxay ka mid tahay arimihii dadkee nu dib u bilaabeen markii
wadanka dib loogu soo noqday.waxa wakhtigaasi wadan ka gaar
ahaan caasimada laga furay madarisado ay ka mid ahayeen sheikh
baraa we,iyo cumar binu khadaab,xarumuhaasi ayaana ahaa meelihii ugu
horeyey ee dir eys xidhashada lagu arko.direyska wakhtigaasina
wuxu ahaa shaadh cad iyo sur waal madow,oo runtii laba dadka
intooda badani ay heli karaan ah.
Dugsiyada hoose,dhexe ee dawladana sidaan rajeynaayo waxaan aragnay
wakh tigii laga soo noqday dagaalki sokeeye,secondaryga dawladana
waxa lagu bilabay xidhashada direyska sanad dugsiyeedkii 97-98
ardaydii wakhtigaasi ku jirtay san adka labaad ee dugsiga sare.
Direyskaasi la hirgeliyeyna wuxu soo saaray bilicdii
ardaynimo,wuxuna niyada u dhisay arday badan iyo waalidiintoodii oo
runtii dareemay in la helay nabad rasmi ah,oo looga fa,ideysan karo
horumar badan sida waxbarashada.
Wakhtigaasi dugsiyada dawladu gacanta ku heysaa wey
yaraayeen,bulshaduna sida maanta ay tahay umay tiro badneyn,waxaana
jiray dhawr dugsi oo hoose iyo dhexe isugu jiray iyo hal dugsi oo
sare ( faarah oomar).
Fidinta iyo kobcinta tacliintu haddaba wakhtigan waxay wadankeena ka
maraysaa meel aad u heer sareysa,waxanay waxbarashadu ka mid noqotay
meelaha shaca bku wada dareemay waxtarkeeda,arintana waa mida
keentay in tirada dugsiyada hadda wadanka ka furan gaar ahaan
caasimadu ay noqdeen kuwo aad u tiro bad an.kuwaasi oo isugu
jira kuwo dawladeed iyo kuwa dad shicib ahi ay leeyihin oo ay iyagu
maal galiyeen.xarumuhaasi haddaba intooda badani waxay isticmaalaan
oo ardaydoodu qaadataan direys iyo dhar u gaar ah,oo ay kaga soocan
yihiin kuwo kale.
Meel kasta waxa kaga
soo hor baxaya arday isugu jira qeybaha kaleduwan ee bu lshada
oo ku lebisan direyso isku mid ah ama kala midab ah,Gelinka hore
gaar aha an subaxii oo xaafad kasta basasku ay ka guraan
ardayda ayaa waxa wada saran baska arday ku lebisan direyska u
gaarka ah dugsigooda.
Sanad dugsiyeed cusub marka la bilaabayana, waxaa arday kastaaba
diyaarsadaa agabki waxbarashada oo dhar cusubna uu ka mid
yahay.midab kasta oo dharka ka mid ahna wuxu noqday direys goob
waxbarasho ay qaadato.
Direysku wa astaantii iyo quruxdii waxbarashada, direysku waa simaha
ardayda, waa waxa lagu kala garan karo ardayga iyo qofka aan
aheyn,ama qofka dugsiga ku cusub ee aan direys wadan iyo inta
kale.direysku wuxu ka qeyb qaata in arday gu akhlaaqad
yeesho,maamulka iyo macalimiintuna hab fudud ayey hawlahooda u
gutaan marka ardaydu direys isku mid ah ay soo xidhaan.direysku wuxu
ku sheeg ayaa arday kastaa fasalka uu maraayo,iyo xarunta uu
ku socdo ama uu ka soo rawaxay.wuxuuna ardayda ka yareeyaa
mashquulka ah maxaad maanta xidhataa.
Dadka qaar baa sidaan arkay runtii dhib u heysta xidhashada direyska
waxbaras hada ee balcada aan u naqaano,sida tusaale dadka waa weyn
iyo qaar ka tirsan hablaha oo kale kuwaasi oo isu heysta in aaney
islaheyn da,dooda iyo goorta ay waxdhiganayaan ee ay direys xidhan
yihiin,hablaha oo kalena waxay kala kulmaan arimo ay ka mid yihiin
in dharka direysku uu runtii qaabkooda wax ka badalo mark a la
hordhigo wakhtiyada kale ee ay xidhan yihiin dharkooda kale.
Shaadhka cad iyo waxbarashada
Cadaanku waa midab muujiya iftiin iyo nuur,aqoontuna waa iftiin iyo
nuur jahliga iyo mugdiga lagaga baxo,waxaan filayaa in midabka
shaadhka ee cadaanka ahi uu sidaasi ka turjumaayo,waana runtii midab
direys kasta loo xidho ama intooda bad an ku soo bilic
baxa.shaadhkaasi cadna inta badan kama maqnaado direyska dug
siga,xarumo badana way ka siman yihiin.
Ugu danbeyntii akhriste dib u xasuuso direyskaagii dugsiga,kuna
farax cidkasta oo hadda xidhan,kuna hawlan waxbarasho.hadaad imika
dugsiga ku jirto oo aad xidh atana ardaynimo wanaagsan.dhara
dugsiga
Live life
in color
|