WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed
Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/WM/249-3775/012016
uu ku Dha qan-geliyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Xeer
Lr. 69/2015.
12540830_889416217838899_4929401687700023084_n
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-
29/673/2015 ee ku ta ariikhaysan 21/12/2015 ee ay ku ansixiyeen
Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta JSL Xeer Lr. 69/2015
Wuxuu soo saaray
Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo
Duur Joogta ee Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr. 69/2015.
ALLAA MAHAD LEH
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
|