Dhanbaal Ku Socda Cid
kasta Oo Wadaninimo Leh Somaliland

Ku: Dhanbaal ku Socda:
1) MR. WADANI EE OGAAL HARGEYSA.
2) AW DHANXIIR EE JAMHUURIYA HARGEYSA
3) CID KASTA OO ARAGTI WADANINIMO LEH-SOMALILAND
Dawladihii hore ee Dalkii la odhan jiray
Somaliya, waxa sida la ogyahay burburiyey fusuq, maamul xumo
iyo amar-ku-taagleyn siyaasadeed, waxaana markii laga yaabay
ficilkoodii sharci ku tumashada ahayd ee ku saleysnayd qaatayey
qaado, loogu magac bixiyey naaneysahan hoosku sheegan (laga soo
bilaabo maamuladii rayidka ahaa ilaa iyo kacaan ku sheegii Siyaad
Bare):-
1) Cawaro
2) Hawaara
3) Hurudo
4) Baryootama
5) Baadi-gooba
6) Faqash
7) Qaraaba-kiila
8) Eexo-badan
9) Hoos-ka-madhan
10) Takooran
11) Huuro
12) Waqooyi liqa.
Sidoo kale, Raggii xilka sare ka hayey ee aan loo bogin
hoggaamintoodii, waxaa iyana loo bixiyey naaneyso aad moodo in
kitaab looga dayey, sida:-
1) Naaleeye
2) Habacsane
3) Doobi-xoorle
4) Looma-aaye
5) Gudhane
6) Booyad-taanke moode
7) Afar-jeeble (Hargeysa)
8) Huuraale
9) Abaar
ü Hadda Dawladan Somaliland ee
Waddaniga ah, halkii laga filaayey inay doojiso oo daryeesho
Dadkeeda, kana saarto dar-xumadii, duligii iyo dayacaaddii ka soo
gaadhay xaqiraadii nidaamkii nacabka ahaa ee Somaliya, wuxuu iyana
ficilkoodu noqday, ka dar oo dibi dhal, iyadoo sida la wada ogsoon
yahay dib-u-raacay dhabihii nidaamyadii hore (Ninkii
Raggi wuu ka rayn jiraye, sow kuwaas dib-u-raacay raadkii gumeystaha),
kuna kacay inay sida ayaxa u fuuqsadaan, u diirtaan, una muudsadaan,
dhammaan khayraadkii iyo dheeftii Dalka, taasoo Miyi iyo Magaalaba
laga dareemay, kuna beertay taah iyo tiiraanyo, waxaana tusaale ku
filan, sida loo maareeyey, loona meeleystey:-
1) Adhigii
2) Ganacsigii
3) Kalluunkii
4) Maraakiibtii
5) Baddii
6) Macdantii
7) Haamihii
8) Shidaalkii
9) Dekedihii
10) Maaliyaddii Dalka.
11) Waxaa iyana xusid mudan, sida loogu tuntey:-
1) Xoriyatal-qawlkii
2) Xuquuqal-iinsaankii
3) Dimuqraadiyaddii iyo Doorashooyinkii.
4) Iyo sida loo lunsaday hantidii
Qaranka ee ma guurtada ahayd.
12) Waxa kale, oo murugo leh
curyaaminta iyo adeeg la’aanta ka taagan, xaaladaha:-
1)
Biyaha (Harraadka iyo oonka Xaafadaha)
2) Nalka (Mugdiga iyo gudcurka
Magaalooyinka)
3) Waddooyinka
4) Caafimaadka
5) Waxbarashada
6) Caddaaladda
7) Xabsiyada
8) Xarumaha Xafiisyada
9) Dam-damis la’aanta
10) Shaqo la’aanta baahdey
11) Boosteejo (Gaadiid) la’aan
12) Fagaarayaal la’aan
Abwaaniinta dahsoon ee far-ku-fiiqa, turxaan bixinta iyo wax
tusaaleynta, buxuurka ku ah, waxaa looga fadhiyaa inay magac ku
munaasib ah u soo bixiyaan Xukuumaddan Dadkeedii iyo Dalkeediiba
gabtey, ee aan heli hayn waxqabad iyo horumar ay ku faanto, lana
hortimaado Bulsho weynta, si mar kale loo doorto, taasoo ka mudan
Mr. Wadani iyo aw Dhanxiir inay magac mahadho ah u soo bixiyaan,
hadday hore ugu waayaana Sheekh KADARE ba wuu u soo magac bixin!
Ugu dambeyntii, waxaa wax lagu qoslo ah Goleyaashan sharci-dejinta
ee ku muransan faham la’aanta Distoorka, siiba qodobada 38 (r), 83
(1-5) iyo 89, ( 4), bal idinkaa sharci-yaqaan iyo dhaqan yaqaan ba
ahi, kala saara odayaasha Guurtida. Haddii uu professor C/laahi
dheere u fasiri waayey, idinkaa aqoon iyo maskax lehe kala furta
Ummadda, oo u micneeya Distoorka, xataa haddii aad la kaashaneysaan
Sheekh Dirir, maadaama Garyaqaanadii Dalku ka gaabsadeen ka hadalka
Qodobada Distoorka ee Qof kastaaba siduu doono u fasirto. Hase
yeeshee, waxa Saaxadda ka maqan oo la tebeyaa kaalintii Akadamiyadda
Nabadu ka ciyaari jirtey markan oo kale ee ay isa soo hor-fadhiisin
lahayd qaybaha murmaya, si looga doodo, xalna looga gaadho,
arrimahan socda baryahan ee lagu jaha-wareeray, xukuumadduna ka
dhiganeyso cimri-dherer.
Mr. Wadani, Aw
Dhanxiir, iyo Looyarada Suuqow (Coffee
– shop Lawyers) Sharciyadda Dalka (point
of Law) ee la majaro habaabiyey soo dhex-gala oo farta ku
fiiqa oo wax sax ah Bulshada u bayaansha, idinkaa la idin
dhegeystaaye.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Cali (Goodir)
Xubin Hore Oo Komiishankii Hore Ah
Hargeysa , Somaliland |
|