Dhalinyarada Ciyaaraha ee Gobolka Sool Dhaliil ka muujiyay Garoon la,aanta Caasimada Gobolka ee Laascaanood


Laascaanood (Longlivesomaliland News)Guud ahaan Cayaaraha gobolka sool ayaa ah kuwo fadhiid ah oo aan lahayn mustaqbal marka loo eego gobolada kale ee dalka maaha micnaheedu inaysan jirin wax sports ah gobolka sool balse waxaa jirta caqabado waa weyn oo ka horyimid ha ugu badnaato garoon la,aanta baaxada weyn ee haysat sports-ka.

hadii aynu soo qaadano garoonka Stadium Cabdi Bile Cabdi waa garoonka lagu tilmaami karo inuu yahay garoonka kaliya ay leedahay caasimada gobolka sool ee Magaalada laascaanood markaad jeleecdo waad naxaysa maxaa yeelay waa meel gawaan ah oo aad is odhanayso cidiba kuma ciyaarto laakiin waxaad kuu muuqanaya oo kaliya saansaan goroon markaad aragto biraha kubada cagta loogu tala galay Ee goolasha oo wakhtigan ka mudan barta uu garoonku yahay waxaa kale oo garoonka ku hareeraysan ilaa 120 loodh oo dhagax ah oo uu dhigay xiligii maamulka puntlan ka tilin jiray magaalad laascaanood Mayarki wakhtigaas Cabdi rashiid Barkhadle oo kaalin weyn ka qaatay wakhtigaas sidii garoonku u heli lahaa dhisme uu leeyahay dhagaxaas oo lagu guray magaalada dhexdeeda looguna tala galay in lagu kiciyo xitaa dayr yar uu leeyahay garoonku, laakiin taasi ma dhicin sababo badan dartood.

marka aynu u soo noqono wakhtigan xaadirka ah garoonku malaha cid iyo ciirsi toona marka laga reebo dhalinyarada oo aan wali ka niyad jabin sugayana in maruun ay arkaan garoonkaas oo lugihiisa ku qotoma taas oo u noqon lahayd farxad iyo rayrayn,


ugu danbayntii waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa codsiga dhalinyarta ama da,yarta gobolka sool oo idin leh ka qayb qaata sidii dhalinyaradu uga bixi lahayd guri la,aanta haysata oo ah goroonka oo loo dhiso taasna ka sugi maayaan cid kale balse waxay kaliya oo ka sugayaan waa waa dadka deegaanka ama jecel wax ka qabashada dhulkooda.



Longlivesomaliland News Desk
Lascanod Office.