Dhagaysiga Dacwada Masuuliyiinta Musuqa Raashinka Mucaawanada ah u
Xidhan oo Maanta la bilaabay iyo Tuhunka ku Xeeran Markhaatiyaasha
Dacwada.
Dhagaysiga DacwaddaMasuuliyiintan oo ahayd mid aad u Xasaasiya oo
aan Warbaahinta loo Ogolayn ...
Hargeisa (TNN)- Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa Maanta si Rasmi ah
ubilawday Dhagaysi ga Dacwadii Lunsiga Raashinkii Mucawaanada ee
Somaliland lagu Caawiyay.
Xeer illaalinta Guud ee Qaranka ayaa Saaka ku oogtay Dacwada loo
lagu soo Eedeeyay Masu uliyiinta Xidhan oo kala ahaa Guddoomiyihii
Gobolka Hargeysa Axmed C/laahi Xamarji, Agaas imihii Wasaaradda
Dibu-dajinta iyo La-taliyaha Madaxweynaha oo ay la xidhan yihii
Gudoomi yaha Hay’adda SIWO (Somaliland welfare Association), iyo
Ganacsade la yidhaahdo C/shaku ur oo ah mulkiilaha Bakhaar Hargeysa
ku yaala.
Dhagaysiga Dacwadda Masuuliyiintan oo ahayd mid aad u Xasaasiya oo
aan Warbaahinta loo Ogolayn ayaa Waxaa si Toos ah Maxkamada horteeda
looga Dhagaystay laba Markhaati oo midi ahaa Sarkaal Boolis ah iyo
mid ka mid ah Shaqaalaha Dekada Berbera ee raashinka laga Soo raray
Mid ka mid ah Markhaatiyaasha Saaka la Dhagaystay ayaa Sheegay in
Raashinkaasi bilowg iisii hore masuuliyadiisa ay qaateen oo ay
Dawladda ku wareejisay Hay’adda la yidhaahdo siwo, taasoo iyana
Qaybta Hargeysa u wakiilatay Hay’ad kale oo la yidhaahdo Billan,
iyadoo labada Hay’adood ee Boolisku sheegeenba ay ka soo jeedaan
Bariga Burco. Booliisku waxa kale oo ay soo bandhigeen in Raashinak
La Leexsaday ee Hargeysa ee ay u xidhan yihiin koo xdani in uu ahaa
20 gaadhi, iyagoo sheegay 13 ka mid ah in dadkii loogu talogalay loo
qay biyay, hase yeeshee 7 ka mid ah inta la Leexsaday la dhigay
bakhaaro iyo Guryo shacbi, ka dibna Xamarji soo sheegay Bilayskuna
sidaa ku qabteen. Raashinkaasi markii la qabtay ka dib waxa ay
sheegeen Madaxweyne kuxigeenku inuu u saaray Guddi ka koobnaa
sadexda Ma suul ee xidhan iyo Taliye-kuxigeenka , iyadoo Booliisku
ay ku doodeen in mar labaad la Leexs aday Raashinkii laba gaadhi oo
ka mid ah kadibna ay soo qabteen, iyagoo markii danbena ay sadexda
masuul ka dalbadeen Booliiska in la sii daayo Raashinkaasi markay u
sheegeen in sifo sharci ah uu ku socdo balse ay ka diideen oo ay
geeyeen wasaaraddii dibudajinta kadib markii la isku qabsaday.
Garyaqaanadda u doodaya masuuliyiinta xidhan ayaa ku dooday in
Caddeeyo meesha ay dan biga ka galeen haddiiba uu Axmed C/laahi
xamarji ahaa ninkii toddobada gaadhi soo qabtay isla markaan aaanay
rajin masuuliyad rasmi ah oo qoraal ah oo uu lagu magacaabay
masuuliyada raashinkaasi.
Dacwada Masuuliyiinta oo Muddo kooban socotay ayaa la Filayaa in ay
dhawr maalmood qaa dan doonto, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo
BBC-dan la hadlayaa sheegay in Saxaafada aan loo ogolayn Dhagaysiga
Dacwada iyada oo uu Sheegay in ay Qabaan Amar uu Bixiyay Taliyaha
booliska Somaliland C/laahi Axmed Fadal.
Timacade News Desk
Hargeisa, Somaliland
|