Dhadhaaro is dhaaf-dhaafiyaa Dhawr jeer Dharrigii Bislaan waa!!!!. Faallo:Wariye Mustafe Future


 


Taariikhdu way is qoraysaa, talaabo kasta oo aad qaadaa waxay tusaale utahay Tabaha Hogaamineed ee aad jeexayso,Erey kasta oo aad Tiraabtaa Waxa uu ku tolmaa Maanka Bulshada aad hogaanka u hayso, Siyaasadu maaha wax tirtira Waxa aad tahay, Shaqsi kasta oo Hogaanka Dalka soo maraa, Meel buu Wax soo gaadhsiiyaa, waxaa lagu Xasuustaa Talaabooyinka toolmoon ee uu Bulshada u jideeyay, waxaa kale oo Maanka lagu hayaa hilimada hagardaamada ukeeni kara Bulshada ee uu ka tago.



Tallo Wadaagu Waxa uu Caawiyaa Go,aan qaadashada Hogaanka, Balan Qaadkuna Waa Dayn dusha ka Saaran cidii gashay, Madaxwayne Siilaanyo markii uu Talada Dalka ku guulaystay waxa uu Guddi usaaray Qaab dhismeedka Xukuumadiisu yeelanayso, waxa uu ku Dhawaaqay in uu dhiso Xukuumad Tirro yar oo tayo leh,Waxa uu laba jeer isku Shaandhayn ku Sameeyay golihiisa Wasiirada, Waxa kale oo uu Soo Celiyay Wasiiru Dawlayaal iyo Ku Xigeeno uu hore u Sheegay in aan loo Baahnayn, Waxa uu Soo kordhiyay Wasaaraddo iyo Xilal uu hore u Tirtiray, Waxa uu isku Shaandheeyay Gudoomiyeyaasha Goboladda haddana Wali waxba isma badalin tolow Halkee ayay sartu ka Qudhuntay?



Madaxwaynuhu Dhawr Jeer ayuu Wax isdhaaf-dhaafiyay walina dharigu ma Bisla, Bulshaduna Wax uun bay tabaysaa, in badan oo ka mid ah Dadwaynaha ku dhaqan Somaliland ayaa iswaydiinaya Madaxwaynuhu waxa uu isku dhaafinayo Meelaha isbedelka u baahan, Carrabka bulshadu cid buu ku jeedaa, indhaha dadkuna meelo ayay ishaarayaan, Maskaxda Shacabkuna Waxbay Muhanaysaa, Muhiimad badan ayaa ku jirta in si wax loo wada arko, Faa’iido badan ayaa ku jirta in khaladaadkii hore dib u eegis lagu Sameeyo, Hogaamintaada Dan baa ugu jirta in Isbedelkaagu Wax soo kordhiyo oo la mahadiyo, Hogaamintaada Qayb ayay ka tahay in Aad Xogogaal u noqoto Waxa ka dhacaya Agagaarkaaga, Danbaa kuu jirta in Aad Wacyiga umadaada ku Xidhnaato, Faa’iido ayaa kuu jirta in aad Talladda badsato oo aanay Cid gaar ahi dhagahaaga yeelan.

Dhaliishu waxbay Toosisaa, Masuuliyiin badan oo Hal doorka umadda ubadan ayaa Dhaliilo usoo jeediya Xukuumada, la iskuma dayo in Baadhis lagu Sameeyo halka Tuhunku ka jiro, Jawaab Degdeg ah ayay Xukuumadu ka Bixisaa Dhaliilaha Mucaaridka iyo Siyaasiyiinta, Kaliya maaha in ay ku Damaqdo ereyga Dhaliisha ah ee uu Qof Masuul ahi kuu Soo jeediyo, Dan baa ugu jirta Xukuumadu inay ka Faa,iidaysato Meelaha farta lagu Fiiqo, khibradaad leedahay ma ah in ay kaa noqoto mid Afka laga Sheegto, ku dabaq tabaha aad Qaadayso Khibradaada Siyaasadeed, Cid gaar ah ha ku Casuumin qayb ka mid ah Awoodahaaga, illaahay kaga Baq Masuuliyadda ku Saaran oo Qaraaba kiilka ka Fogow.



Dardaarankagu dan buu kuu yahay ee Daalaco, Degdegu waxa uu ka mid yahay Ficilada Shaydaanka, Deganaanshuhu kama Maarmo ka Fiirsi, Tallo rog-rog, daacadnimo iyo Dulqaad joogto ah, Tallo Xumaantu waxay horseedaa Fashil Siyaasadeed, Bulsho waxa aad Wax usheegi kartaa inta aad Kalsoonidooda haysato, Kursiga aad ku Fadhido karaamadiisa adigaa haya, taariikhduna Waa dhaxal, Dariiq kasta oo aad jeexdaa Saamayn ayuu ku leeyahay Bulshada, Tusaale Wanaagsan waxaa kuugu Filan Talaabooyinka aad qaaday Muddada kooban ee aad tallada haysay, erreyo Xun waxaa kuugu Filan Uftii Saqda dhexe, Ammaanadaada Danbe ina Xaashi Saamayn buu ku leeyahay ee Meel ku gunto, Maskaxda Bulshadana kama maqna Meelaha Isbedelkaagu ubadanyahay, Ceeb aanay lahayn Cidda Aad saarto waa Calaamad ku Sudhan, Bulshadu Wali kumay Qancin Xil ka Qaadistii Jidhif, Wali Waa lagaa Sugayaa in aad Maxkamad Sharci ah Horkeento Masuuliyiintii aad Tuugadda u xidhay?Wali kama ay Suulin Maanka Dadka Maayarkii Gabiley ee Xukuumadu Tuuga ku sheegtay kuna Fashilantay in ay ku Cadayso.

Dhadhaaro is dhaaf-dhaafisaa Dhawr jeer Wali Waa laga Dhursugayaa halkaad wax dhigto?



Wariye: Mustafe Future

mccfuture@hotmail.com

Wargeyska Caalami

Hargeisa Somaliland