Maxaa daran ,Maxaa dan ah
QYT: 2aad

Qormadan waxaan ku furayaa heestan
Hawl kaa dhammaataa, ii dhalatay
caawee,
Dheel ma joogtee, dheel, dheel ma joogtee,
dhab u
fiirso dhab, dhab u fiirso weligaa.
Dhirtu waxay la oydaa, dhuxushaan magaabshoo,
dhulku wuxuu la qayshaa, dhamacdii i dubatee.
******
Dhibtow la isku eegaa, way innaga dhaxaysee,
adiguba dharaaraad ka qosleysey dhooshee,
anba dhamay qadhaadhkee, waa in aad
dhadhamisaa,
soo filan meysid, soo filan meysid, caawa
dhaantiyo
soo
filan meysid, soo filanmeysid, filinmeysid
dheeldheel.
|
Afeef
Mar haddii doorasho lagu kala calaf qaaday, Digasho iyo
bal dayaa wakaa sii dabayshadaye meesha ma taal,
dardaawerina waa ceeb oo weli Kulmiye duubkii ma xidhan,
damaashaadka iyo is hanbalyayntu cid walba way u furan
tahay, maadaama Karintii darayd lagu dhaafay d urdur.
Taxanaha rigliga ah oo hore u bilaabay waxaan maanta
kaga hadli wixii daran ee la arkay
Maxaa daran
o Waxaa daran dadweyne aan
ka waantoobin dawgii la mari jirey ee dhexda derida ku
laha a.
o Waxaa daran Mucaarid
habkii jiq-ku-sii adeegsada iyo muxaafid habkii
guulwadaynta ade egsanaya oo iyaga oo tuur leh
tooxdin iyo qaalo doonaya in ay toosiyaan tu kale.
o Waxaa daran axsaab
astaantoodu kala duwan tahay, laakiin sawraca iyo
tilmaantoodu w axba ku kala duwaneyn oo hadba kii
la doono loo diga roganayo.
o Waxaa daran beelihii oo
noqday balaayo loo baahan yahay, sida dumarka oo kale
(sorry) oo daacada bud dhiga, qayrkii ka reeba, oo
daallinkana baarumo u tola oo lacag la garab ta
agan, si uu uga faa’iideysto xildhibaan iyo madax
dhaqameed jil isla tooxaaya.
o Waxaa daran M/weyne loo
doortay in uu dhabarweyne jilaal beesha u dhaansho oo
isagu dhiisha dhaansada. Halkuu isagu ka adeegi lahaa
keligii loo wada adeegaayo, oo aan waxba ka qabin haddii
beelihii doortay ay u wada adeegaan iyo tuu ka soo
jeedaa oo keliyihi u ade egto.
oWaxaa daran M/weyne la
doortay oo dumarka gaasira (gaada oo sira), xuquuqdooda
duu dsiya iyada oo sinnaan lab iyo dhidig loogu wada
codeeyey. Raggu waxay ololeeyeen iyaga oo mansab iyo
dheef filanaya, dumarku waxay ololeeyeen iyaga oo wanaag
doonaya, oo a an suldaan sheeganeyn, garaad
sheeganeyn, ugaas sheeganeyn oo waa hore dhaqanka ka
deyriyey. Gabadhu beel ma kaxaysan karto oo loogu habran
mayo, inkasta oo ay wax bart aan weli way bahdilan
yihiin.
o Waxaa daran M/weyne la
doortay oo muwaadin aqoon yahan ah ka doorbiday daad
xoor ta qurba joogta. Bal u fiirso magacyaantii
wasiiradii hore, bal u fiirso ibtiladii iyo aylaantii ay
dhigeen, bal u fiirso aqoontooda gaaban waxay ku
andacoodeen, bal u fiirso afkay ku amm aantameen
markay ku aflagaadoonayaan. Ku dasrsoo tallaabadani
waxay dhiirigelisaa in ar day jaamicadaha dalku
tahriibaan , marka shaqooyinkii loo diido ee weliba la
siiyo mid iyaga ka liita oo walaayo ku nool oo dhulkaba
aan wax ka ool.
o Waxaa daran Madaxweyne la
doortay oo dhaarta dabadeed, xisbigiisa kala dira oo
golaha fullinta iyo shaqaalaha qaranka miciin mooda oo
baqamaala.
o Waxaa daran Madaxweyne la
doortay oo golayaashii jirey ee sharci dejinta ee
dadweynu hu cugteen guddiyaal ka doorbida iyo wareegto
sidii oo inqilaab dhacay. Inqilaab markuu d haco
waxaa caado u ah cidda hogaamineysa in la laalo oo la
iska baalmaro xisbiyadii jirey, di stoorkii lagu
dhaqmayey, Golayaasha sharci dejinta iyo dhammaan ururad
bulshada. Waxay ka bilaabaan Guddiga Xisaab Xil ma leh.
Muddo yar kadibna guddigaasi daaqadaa laga tuura a
markay iyagu gacan togaaleeyaan hantidii qaranka. Ku
darsoo doorashada xaqa ah ee xa laasha ah ciddii
ku guuleystaa wixii jirey ayay sii hirgelisaa u
hogaansataa oo wixii curad ah wixii laga yeeli jirey ka
yeelaan, wixii ugub ahna Golayaasha sharci dejinta ayaa
xaq u leh in ay ka doodaan oo ansixiyaan, kuwaas oo
wakiil ka ah dadweynaha.
o Waxaa daran Madaxweyne la
doortay oo beel u xuubsiita, oo shaqaalaha qaranka
(civil se rvants) ku baqamaala waxbaan kaa dhigay, oo
warbaahinta qaranka ee la wada leeyahay keligii
adeegsada.
o Waxaa daran M/weyne
dadkii qaranka waxtari lahaa guulwadayaal ka doorbida
keligii u daacad ah oo durbaan qabiil tuma, kala gura
dadweynaha. Ku darsoo markuu ka degena ha ntida
qaranka la wareega oo mooda in uu isagu lahaa oo uu ka
dhaxal aabihii garashada ee Somaliland.
o Waxaa daran Madaxweyne
hab xisbiyeed lagu doortay, oo hab beeleed hawlihii
qaranka dadweynaha ugu qaybsha oo kala hora beelaha, mid
u sed buriya, mid uu saluugo, mid uu u seetadheereeyo,
mid sandareero hesha, midna sabada daaqdo iyo mid ku
guuleysata in ye elato dhab libaax.
o Waxaa daran M/weyne la
doortay oo distoorka iyo sharciga daba martaynaaya,
danihiisa awgood xeer jajab ka doorbida oo adeegsada
suldaan, garaad, boqor iyo ugaas, xilka guur tida
wiiqa.
o Waxaa daran M/weyne la
doortay oo Golayaasha dustuuriga ee shacbigu soo doortay
iyo axdi qarameedka ka amar weynaada oo dhayalsada. Oo
go’aamada ka soo baxa badh daad ufeeya badhna
fuliya xataa haddii dhiig ku daadanayo
o Waxaa daran M/weyne la
doortay oo Golaha Wakiilada oo ah summadii Qaranka iyo
dimo qraadiyada xeer iyo mooshin aanay ka doodin,
keligii la abraara oo kheyraadka qaranka bad iyo beriba
heshiisyo la gala shirkado shisheeye iyo sokeeyaba leh.
Maanta intaa ha innoo joogto.
  
|