DERAJA CIIDANKA QARANKA





Marka hore waxaan salaan aad u qiima badan salaamaya shabakada caalamiga ah ee TNN.Waxaa n maanta halkaan doonayaa inaan fikerkeyga ka dhiibto, arrin aan aad u tabaayo.Arrintaasi oo ah Sharaftii Ciidamada qaranka oo ila hada maqan (DARAJADII CIIDAMDA). Somali land waa qar an 21 jirsaday, mudadaasina waxaa u dhisnaa Ciidan qaran oo ah kan ilaaliya nabad-geliyda aynu ku faano ama aynu hadhsano. Ciidanka qaranku waxa uu inga mudan yahay in xuquuqdiisa aan meel lagaga dhicin. Darajadu waa dhiirgelinta ciidanka, kala dambeynta , asluubta iyo quruxda.

Marka runta laga hadlo waxaynu nahay qaran jira, in kasto oo dhibaato badani xaga dhaqaalaha ka jirto. hadana oodo dhacameed sida u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa arrinta darajadu wa xay aniga ila tahay tan wax welba ka muhiimsan.

Xukuumda Maanta maamulka gacanta ku haysaa waxay sannadkan awalkiisii balan-qaaday in sa ndkan 2012 gudihiisa ay hir-gelin doonto ama dhameystiri doont Darajadii Ciidanka, arrintasi wax ay ahayd balan qaad aad loogu far-xay.Hadaba xukuumada waxaa laga sugayaa inay hirgeliso b alan-qaadkaasi. Waayo sannnadkii hatan waa dabayaaqo.


 

 


Maxamed Yuusuf Buux