Dekedda
Berbera oo gebi ahaanba albaabada loo laabay kullayl dartii iyo laba
qof oo u geeriyoodey
Berbera-Marsada
magaalada Berbera, ayaa maanta gebi ahaanba albaaba da loo
laabay,lana joojiyey guud ahaan wixii shaqo ahaa ee laga hayey, ka
dib markii kulaylka xad-dhaafka ah ee ka jira magaalada Berbera uu
saamyn laxaadle ku yeeshay hab-sammi u socodkii shaqaalaha dekeda oo
sabbatay in mid ka mid ah shaqaalahu u geeriyoodey markii wadnuhu
istaagay kullay lka awgii.
Masuulliyiinta dekedda Berbera ayaa amray in gebi ahaanba la joojiyo
shaq ada ka socota dekedda aroornimadii maanta, iyadoo la fasaxay
gebi ahaa nba hawl-wadeenada kala duwan ee ka shaqeeqa, ka dib
markii looga baqay in xaalada shaqaaluhu hallis gasho, waxaana la
joojiyey gebi ahaanba shaqadii labada gelin ee dekeda.
Mid ka mid shaqaalaha dekedda Berbera oo aanu khadka telefoonka kula
xi dhiidhney, isagoo ku sugan Berbera, ayaa noo xaqiijiyey sidn; "Abbaaro
tob ankii subaxnimmo ee maanta,ayaa la joojiyey shaqadii
dekeda[shalay] sha qaalihii gelinka danbe geli lahaana waa la
joojiyey markii mid ka mid dadkii ka shaqaynayey sibidh laga rogayey
doon ku xidhneyd dekedda wadnuhu ista agay kullaylka dartii"
sidaas waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha dekeda oo ka gaabsaday in
la magacaabo
Dhinaca kale, mid ka mid kaaryoonayaasha ka xammaasha magaalada
Ber bera, ayaa wadnuhu istaagay isagoo ku gudo jira shaqadiisii
nolol-maalmeedka ahayd, isagoo ku dhacay meel u dhaw bakhaarada
raashinka Oomaar ee xafadda Finland-ta.
Aadan Cabdikariin oo ka tirsan shaqaaaha cisbitaalka Berbera oo
weriye Maxamed Xarrago wax ka weydiiyey ninka kaaryoonaha watay ee
ku dhintay ag-agaarka bakhaarada Oomaar, ayaa ku jawaabay"Nin
kaaryoonle watay ayaa isagoo iska soconaya ku dhacay meel u dhow
bakhaarada Oomaar oo magaciisana la yidhaahdo Ismaaciil Bidaar,
markii dhakhtarka la keenayna naftii wey ka baxday, waanuu dhintey"
ayuu yidhi Aadan Cabdikariin.Sidoo, kale waxa saddex maalmood laga
helay meydka nin maskaxda wax ka qaba meel u dhaw kaantaroolka
magaalada Berbera, kaas oo la sheegay in uu u dhintay kullaylka
xad-dhaafka ah iyo haraad isuugu adrsamay.
Inta laga war-qabo bishan gudaheeda waxa u geeriyoodey kullaylka
magaalaa Berbera lix qof oo shan ka mid ah wadnuhu istaagay, iyagoo
ku jira nolol-maalmeedkoodii caaiga ahaa, halka ka lixaadna yahay
ninka laga helay dulleedka Berbera.
berberanews
|