"Deeq-bixiyayaasha Waxaanu Ka Codsanaynaa In Aanay Nagu Eegin Xukuumaddan Wakhtigeedi Dhamaaday,ee ay Lacagta Siidaayaan. Afhayeenka UCID

 

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Xasan Xuseen Codyare,ayaa sheegay in ay Xisbigooda ka go’an tahay in doorashada Madaxtooyada la qabto wakhtigii hore loogu muddeeyay ee 29-ka March sannadkan 2009-ka.Isla markaana waxa uu intaa ku daray in aanay aqbali doonin wakhti dambe oo loo kordhiyo Xukuumadda wakhtigeedi dhamaaday ee imika talada haysa. Xasan Xuseen waxa uu Xukuumadda ku eedeeyay Masuuliyad-darro, maadaama ay ogaan waday sida loo lunsaday hantidii Shacbiga Somaliland ee dhawaan Shirkad aan magac rasmiya lahayni ku dhacday dadweynaha.

Xasan Xuseen oo maanta ka hadlayay Xaflad Xisbigu ku soo dhaweynayay Ardayda Fooramka Jaamacadaha Hargeysa, oo lagu qabtay Huteel Dalxiis ee Caasimadda Hargeysa. “Budhcad ayaa Bulshadii khiyaamaysay, waxaad moodaa in markii Xaalufkii baduhu dhamaaday, kii Deegaanku dhamaaday, kii Tahriibtu dhamaaday, in wixii yaraa ee dadweynuhu haystay la xaalufiyay, taasoo Xukuumaddu ka indha la’adahay Xaalufka siddeeda sanno lagu waday dadweynaha ee ay ogaan wayday, waa nasiib-darro. Dhaliishaasina maaha kaliya miday Xukuumaddu leedahay, ee waa mid ay dawladda oo dhami wada leedahay, dawlada marka aan leeyahay waxa ka mid ah Golayaasha Sharci-dejinta, Xukuumadda iyo Garsoorka.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Xuseen.

Afhayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen Codyare, waxa uu Bulshada hantideedii la lunsaday illaahay uga baryay in uu Cawil-naq dhaama wixii laga lunsaday ugu bedalo, samir iyo iimaana ka siiyo oo aan yaqiintu ka raacin.

Xasan Xuseen oo ka hadlayay wer-wer uu sheegay in laga qabo dib u dhac ku yimaada wakhtiga doorashada Madaxtooyada, waxa uu yidhi, “Waxa jira wer-wer badan oo la geliyay wakhtigii doorashada Madaxtooyada. Madaxweynaha imika Xilka haya Shantii sanno ee la doortay markii ay dhamaadeen ayaa sannad ku meel-gaadh ah loo kordhiyay, imikana in la kordhiyo ayaa la hadal hayaa, taasina wax suuragal ah maaha, Dimuquraadiyaddu in wax la kordhiyo, oo hadana wakhti kale la kordhiyo, Kordhiyo, kordhiyo….. maaha dhaqanka dimuquraadiyada ee waa dhaqanka Digtaatooriyadda, marka Ninka wakhtigu ka dhamaado wax dambe oo la kordhinayaa ma jiraan, ee wakhtigeedii in doorashada lagu qabto ayaa Xisbiga UCIDD ka go’an.”

Mr. Codyare, waxa uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka baxday qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay, wakhtigii muddada sannadka ah ee Guurtidu kordhisay ay ogolaadeen Axsaabta Mucaaridka ahi ee dabayaaqadii bishii May 2008. Xasan Xuseen waxa uu Deeqbixiyayaasha Somaliland ka taageera kharashaadka doorashooyinka ka codsaday inay soo daayaan lacagta qaybta iyaga laga sugayo, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Deeq-bixiyayaasha waxaanu ka codsanaynaa in aanay nagu eegin Xukuumaddan wakhtigeedi dhamaaday, ee ay lacagta yare ee ay nagu walacsanayso sii daayaan Deeq-bixiyayaashu ayaanu ka codsanaynaa.”

 

 



Hadhwanaagnews