DEEQ WAXBARASHO OO LA DEEDAFAY – GOBOLKA GABILY

 

  

 

Waan idin salaamay bahda Timacade News. In kastoo uu kani yahay maqaalkaygii ugu hore eyay een idiin soo gudbiyo oo inta badan aan Gabileynet ku gudbin jiray fikradayda,waxaan aad ugu qushuucay farshaxanka iyo presentation aad u heer sareeyay eed bogiina ku band higteen iyo isagoo waxyaalo badan aad ka fiirsanayso Same cover page.
 
Maqaalkan oon xog-waran ku saabsan arin lama filaan kana hor imanaysa kor u qaadida ta yadda waxbarasho oon kala kulmay Timacade University iyo dhamaan maamulka Gobalka Ga biley, aan jeclaystay in cid kastoo dananysa wabarshada gobolku ay akhrisato
 
Mar labaad waan idin hambalyaynayaa warbaahintiina .............

Intaanan ka dhawaajin ama iftiimin dulucda cinwaankan ,waxa aan shaki inagaga jirin faaíid ooyinka aakhiro iyo aduun ee wax akhrigu leeyahay.Aan soo qaato maqaalkii Akhri oo Qaa dka iyo Qolqolka ku badal Buuggaagta oo 22/8/13 ay ku soo daabacday Gabiley net Aqoon yahan Faruus Maax Xasan (Ottowa) ayaa runtii igaga filan sida wanaagsan eey Farduus u qaada dhigtay mudnaanta wax akhriska iyo saamaynta ay leedahay.

Hadaan wax yar taariikhda dib u eego waxaan ka mid ahaa ardaydii lagu furay ama bilaabay Dugsigii Sare Timacade Gabiley sanadkii 1976 iyadoo si qasaba la nooga soo firxiyay dugsiyadii aadka u mudnaa wakhtigaa ee 1st july secondary & Amoud Secondary oo termkii hore ee Form 1 aanu ku qaadanay. Wakhtigaa dugsigani muu dhamaystirayn dhisma ahaan oo dhinac baa laga dhisayay, library ma jirin waxa qudha een haysanay maclimiin aad u heer saraysa ooy ka mid ahaayeen Alla ha u naxariistee Prof.Maxamoud (Ina Afay), Mohamed M Libaan, Abdi Askar Abokr, Mohd mumin Rijaal, Ali Chemistry , aw nuur Aamin iyo Maamulihii Ali Jamac qalinle iyo ku kale badan.

Marka aanu cabano waxa nala hadli jiray odayaashi waxbarshada jeclaa ooy ka mid ahaaye en Xaaji Barkhad, Xaaji Askar abdillahi, Mohamed Xaaji, aw Adan iyo kuwo badan oona hak an ku koobi karin ilaahay dhamaantood ha janeeyee.

Hadaladoodii aanu ku casho furfuri jiray ama ku qanaci jiray waxa ka mid ahaa « Waxaad tihiin ushii ceelka la iskaga dayayay iyo sahankii ee dusha ku qaata dugsiga qarbaqarbad ah kuwa idinka danbeeyaa u aayiyee »37 sanadood ka dib wakhtigaa waxa jirta baahidii aanu u qabnay buug la akhristo waxaan filayaa in ay maantana taagan tahay. Sidaas darteed waxa loo baahan yahay bulshada Gobolka Gabiley gaar ahaan kuwa qurba jooga ahi inay xooga sa araan siday u kordhin lahaayeen tayada iyo tirada buugta dugsiyada iyo Jamacadda Timac ade. Hadii mar kasta ood dalka timaado aad ku soo fara laabto laba buug (Two books a trip) waxa laga yaabaa sanadkiiba in boqolaal qof ay dalka keenaan books loo baahan yahay.Ha da bal aan u soo dago ujeedadii qoraalkan, waxa aan tagay Gobolka Gabiley anigoo sida Buu ggaag acedamic ah oo tiradoodu ka badan tahay 100 books si aan ugu deeqo Jamacadde Ti macadde Gabily. Buugtan oo kala ahaa badankoodu social sciences(Arts) kuna jireen Econo mics (Micro & macro-economics), Political science, Management, Accountancy, Business ad ministration iyo other various subjects & Novels. Dhamaantood heer jaamacadeed ah iyo office stationaries fara badan.

Sanadkii 2011 ayaan jamacadda Timacade booqday waxaan arkay in Library u baahan yaha y in la tayeeyo lana balaadhiyo sidaas darteed, Waxa ka door biday ama goaansaday inaan kaligay haysto ama akhristo buug tiradaa lehinay ka mudan tahay inaan ugu deeqo ama dhi go Library Timacadde University oo boqolaal arday ay sanad walba ka faaíidaystaan. Maah a markii u horaysay, hore qurba joogtu u keentay buug Jamacadda taasa anigana I dhiiri g alisay inaad Personal library aan lahaa oo dhaaqal badan galiyay aan dhamaantii ku fikiro inaan Timacadde Universty ugu deeqo. Dad badan baa aad ila yaabay in buugta tayadaa leh aan bixiyo oo qaar kamidi yihiin bulshad loo maleeyo inay Gobolka daneeyaan ama aqoonta lagu tuhunsan yahay, laakiin aniga waxa ii muuqatay sidii aan wax ku soo bartay Timacadde secondary school bilawgii iyo siday ay u anfci doonto cid kastoo akhrisata.


Waxa aan war galiyay si la igala wareego cid kastoo aan is idhi way danaynaysaa. Waxaan igu xidhay naanulka jaamacadda Gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka Ali Bayle iyo Gudo omiyaha waxbarashadda ee Deg. Arabsiyo Fadxiya Maax Xasan. Si wanaagsan bay ii qabileen cidii ku sugnayd Xafiisyada Jamacada wakhtigaa waxaanay war galiyeen maamulkii sare Timacadde University. Waxaan ku sugnaa Gobolka Muddo 50 maalmood ah intaasna way suuroobi wayday in ayay gudoomaan, markastan maamulka jaamacadu way ila balamayeen waxbana kamay hirgalin.


Si aan wakhtiga aan haystay oo koobnaa iga dhamaan waxan war galiyay Bashasaabka G. G abiley Mud. Yusuf, Badhasaab Ku-xigeenka Muj. Ali case,Maayarka Mud. Shucaybe, Xoghay aha D. Hoose Abdirahman, xildhibaanda cusub qaar ka mida iyo waxgarad fara badan oo Go bolka ku sugan si jaamacadda arinkan loogu guubaabiyo. Ma Jaamacadda maamulkeedaa ci di wax u sheegi karin ma dadkaan la hadlayaa caqliga dooni laga saaray oon isku dan ahayn !!!!! mooyi????? garan waayay anigu halkay wax si ka yihiin !!!!!!!!
Hadaan jamacaddah kale Somaliland ugu baaqi lahaa waxa hubanti ah gabalku ugama dhace en in si sharaf leh u gudoomaan. Somali horay u tidhi “Doqoni saaftin caro loogu riday galad ma moodo”.

Waxa nasiib daro inteed leeg ah in mudadaa 50 cisho ah ay suuroobi wayday in saacad kali ya laga waayo in deeqdaa buugta aan la danayn xil wayna la iska saarin in la gudoomo halkii na aan kala soo noqo.


Waxa wakhti badan iyo media lagula ordaa khilaafa iyo is cambaarayn lagu saxi karo dhexoo da bulshada Gobolkana ragaadisay oo gaadhayn in ilaa qaar ka mida siyaasintii sare ee gobo lka u dhashay ay saamaysay.

Gabogabadii: Qurba jooge iyo Qol qol joogba waa in loo soo gurmadaa Jamacadda Timacade oo u baahan in la balaadhiyo Library iyo maamulka oo laga gar garo wixii ay u baahan yihiin. Ficiltanka aan salka lahayna laga daayo danta guud gaar ahaan waxbarashada jaamacadda
Baaqaygu waa (Message)


Soo qaad 2 books mar kasta ood imanayso dalka, wakhtigaaga wax ka sii inaad ardayda Jam acadda Timacadde wax barto ama Maamulka la shaqayso intaad ku sugan tahay Gobolka.

 

 

 

 

Ahmed Maax Hassan
Eco-political analyst
Djibouti