Daymada
Sharciyeed ee Dib-u-dhaca Doorashada

Garyaqaan Ibraahim Jaamac Cali “Reyte” Mudane Ka Tirsan Golaha
Wakiilada
Md. IbaraahimJaamac Rayte oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada
Somaliland, ayaa si faahfaahsan waxa uu taaasiil sharciyeed uga
bixiyey dib u dhaca doorashada madaxtooyada iyo waxa lsharci haan
laga yeeli karo mudada xilidhamaadka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Sidaana waxa uu xildhibaanku ku sbayaamiyey qoraalsharciyeed oo uu
xalay u qaybiyey qaar kamid ah warbaahinta maxaliga ah ee
dalka,kaasi oo isaga oo faahfaahsan u qornaa sidan “Qoraalkan kooban
waxan ku intiiminayaa muranka distooriha ah ee maanta ka taagan
Somaliland, kaas oo ka dhashay doorashadii Madaxweyneha oo mar
labaad dib-u-dhacday. Doorashadaasi awaxy ahayd inay qabsoonto 15kii
Abriil ee 2008, taas ddib ugu dhacday 29ka March. Taasi oo haddana
dib ugu dhacday 31ka May, inkasta oo aanay taa lafteedu ay weli
tahay wax aan la hubin. Hasayeeshee muddo-kordhintii Madaxwenaha la
sameeyey sannadkii hore ay ku eg 6-da April, taasina waxay
dhalaniaysaa, suaalo la xidhiidha bannaanta xafiiska madaxweynaha
inta u dhexayasa 6da abriil iyo marka ay qabsoonto ama
qabsoomi-doonto doorashada (oo aan run ahaan la agaraynin) arrintaas
sharciyaddeeda ayaan qoraalkan si kooban ugaga hadlayaa.
1. Jamhuuriyadda Somaliland waa dawlad dimuqraaddi ah oo ku dhisan
distoor loo qaaday afti dadweyne. Distoorkaasi wuxu ku salasan yahay
mabda asaasiga ah ee saldhigga u ah nidaam kasta oo dimuqraaddi ah
loona yaqaan taliska ama ku-dhaqanka sharciga (rule of law).
Mabdaasi wuxu mideeyaa iskuna hayaa dhammaan qaybaha iyo qodobada uu
ka kooban yahay distoorku, wuxuna si cad uga muuqdaa qodobbada
distoorka nuxurkooda sharciyeed (Sida qod. 1.aad. faq.2aad, 37aad,
faq.1aad iyo 2aad. Qod.38aad.1, 2, 3., qodobka 39aad. qodobka42aad
58aad.qod. 61aad, qod.83aad, qod.86aadqod.90aad iyo qodobbo badan oo
kale). Mabda’aas isaga ahi wuxu waajibinayaa in cid kasta oo
fulinaysa ama ku adeegadaysa awoodda dowladda ay:
a) Xilka ay awooddaas ku fulinaya ku timaaddo qaab iyo hannaan
sharcigu tilmaamay oo keliya (doorashao, magcaabis, dallacaad,
tartan iwm).
b) Xilka hayn karto oo keliya muddada ama xilliga sharcigu u
qoondeeyey ama u gooyey oo keliya, wixii intaas dhaafsiisanna ay
tahay xaaraan ama sharci darro in ciddaasi xilkaas sii hayso ama
awooddaas sii adeegsato.
c) Xilkaas ku fulinso waajibaadka iyo ujeeddooyinka sharcigu u
qoondeeyey oo keliya isla markaana ay leedahay xuquuqda sharcigu
siiyey ama u qoondeeyey. Haddii xuquuqdaas wax ka badan ay
maroorsato waa sharci darro sida ay shraci darro u tahay haddii
xaquuqdiisa loo diido ama qaarkeed laga qaado.
d) Xuduudaha awooddaas ay leedahay, wixi xuduuddaas dhaafsiisan ay
adeegsiga awooddaasi xaaran tahay
Arrimahaasi oo dhammi waxay ku cad yihiin distoorka Waxana tusaale
ahaan distoorku waajibinayaa jagooyinka Madaxweynaha iyo
Madaxweyne-ku-xigeenka. Xubinnimada goloyaasha sharci-dejinta iyo
golayaasha deegaanka lagu iman karo oo keliya doorasho xor ah oo
xalaal ah iyada oo la raacayo nidaamka xisbiyada badan.( eeg
qodobbada . 4aad oo tilmaamaya xubinnimada golaha Wakiillada, qod.
42aad oo tilmaamaya muddada xilka ee xubinta Golaha wakiillada, qod.
58aad oo tilmaamaya qaabka lagu noqon karo xubin Golaha Guurtida iyo
muddadada xilka ay xubintaasi hayn karto, qodobka qod.83aad iyo qod.
88aad oo muujinaya qaabka loo dooranayo iyo muddada xilka ay
haynnayaan Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku. Kuwaas oo kala
ah sida qoraalka erayada distoorku yihiin “Qaabka doorashada guud oo
toos ah; isla markaana qarsoodi ah “(qod.83.faq.1aad) iyo qod.88aad.
Faqada 1aad oo leh “Muddada xilka ee Madaxweynaha iyo
Madaxweyne-ku-xigeenku waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka
loo dhaariyo.
Haddaba waxa ka mid ah waajibaadka distooriga ah ee Madaxweynaha iyo
xukuumaddiisa inay qabanqaabiso isla markaana xaqiijiso inay
doorashadu ku dhacdo xilligieedii iyo habkii loogu tala galay.
Arrimahaasi waxay ku tilmaaman tahay qod.83aad.faq.2aad ee distoorka
Jamhuuriyadda Somaliland taas waajibinaysa inay doorashadu ku dhacdo
ugu yaraan “Bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore”
4. Haddaba haddii ay muddadaas distoorku tilmaamay ay doorashado ku
qabsoomi weydo ama dib uga dhacdo xilligeedii maxaa dhacaya?
Distoorka JSL laba jeer oo keliya ayuu oggol yahay ama cududaar u
yeelayaa inay guud ahaanba doorashadu dib u dhacdo ama qabsoomi
weydo. Labadaas jeer oo ku kala tilmaaman qodobbo kala duwan oo
distoorka una kala qoran qaabab kala duwan, kuna kala saabasan
doorashooyin kala duwan, haddana nuxur-sharciyeed ahaan waa isku
mid, waxayna tilmaamayaan xaalado ama duruufo adag oo aan suurtagal
ka dhigayn inay doorashadu qabsoonto. Xaaladahaas tan hore waxay ku
tilmaaman tahay qod. 42aad.faq.3aad oo ku saabsan doorashada Golaha
Wakiillada (isla markaana khusayn karta doorasho kasta oo dalka ka
dhacaysa) waxau u qoran tahaya sedan: “Haddii doorashada Golahu
wakiilladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golahii hore ayaa
xilka sii haynaya inta ay dhammaanayso duruuftaasi, lagagana
dooranayo Gole cusub.” Haddaba distoorku isaga oo ka hor tegaya in
duruufahaas loo adeegsado ama loo fasirto si ka baxsan ujeeddadiisa
ama aan loogu murmin, ayuu qeexay waxa uu uga jeedo duruufahaas,
taas oo u qoran sedan: “Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan,
xasilloonin-darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo oculus sida dhul
gariir, cudurrada faafa abaaro culus “Xaalaadda labaad waxay ku
xusan tahay qod.83.aad faq.5aad. waxayna ku saabsan tahay doorashada
madaxweynaha ( isla markaan waxa loo adeegsan karaa doorashooyinka
kale) iyada oo u qoran sida: “Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la
xidhiidha nabadgelyada darted in la qabto doorashada Madaxweynaha
iyo ku-xigeenka –madaxweynaha marka muddada xilkeedu dhammaato waxa
Golaha Guurtida ku waajib ah in ay mudddada xilka u kordhiyaan
adaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya
muddada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi
karto”.
5. Ma jiri kartaa xaalada saddexaad oo aan ahayn kuwaas kor ku
tilmaaman oo keeni karta in doorshooyinku qabsoomi weydo? Suaashaas
in la is weydiiyo waxa muhiim ka dhigay wadciga siyaasadeed ee
maanta Somaliland ka taagan kaas oo ah:
a) Inay baaqadtay ama dib uga dhacday xilligeedii mar labaad
doorashadii madaxweynaha iyaga dhammaantood muddo- xileedkoodii
dhammaaday.
b) in baaqashada ama dib u dhaca doorashadaasi aanay ku iman sababha
uu sharcigu tilmaamay, balse ay tahay xad gudub distoorka ah isla
markaana aan loo adeegsan karin sharci ahaan loo adeegsan karin
distoorka ee 42aad iyo 83aad.
Suaashaas jawaabteeda waxan filayaa inaan sharci ahaan muran badani
ka iman karin. Sababta oo ah waajibka ah in la qabto doorashooyinka
xilligoodii distoorku tilmaamay wuxu saaran yahay xukuumadda JSL oo
madax ka yahay mar kasta madaxweynuhu. Haddii ay doorashadu ay dhici
waydo ama qabsoomi waydo ama ay dib uga dhacdo xilligeediiddii sabab
la’aan waxa keliya oo lagu sifayn karaa ama tilmaami karaa in
xukuumadda oo ka baaqatay waajibkeedii, distooriga ahaa ee shacbigu
u igmadey. Guud ahaan farqi weyni kuma jiro haddii ay arrintaasi ku
timi karti darro ama awood darro xagga xukuumadda ah iyo haddii ay
ku timi kas iyo ula kac kii ay doonto.. Labada jeerba waxa lagu
tilmaami karaa ama sifayn karaa oo keliya “xik gudasho la’aan”,
waxana waajib ah in laga xisaabtamo.
Xisaabtanka arrintaas (masuuliyadda baaqatay) waxay keeneysaa ama
dhalinays in la isweydiiyo, la xaqiijiyo lagana gun gaadh suaaalo
dhawr ah. Suaalahaasi waxay kooban yihiin dhinacyada sharciyeed
arrintani ay leedahay oo keliya, haddiise ay yeelanayaan saamayn ama
natiijooyin waa arrin dabeeci ah oo ku xidhan xidhiidhka ka dhexeeya
sharciga iyo siyaasadda (Siyaasadda sharciga ayaa xadeeya sharcigana
siyaasadda ayaa jahaysa). Dhinacyada siyaasadeed ee arrintani
leedahay meesheeda iyo goorteeda ayaa laga hadlayaa. Imminkase
dhinaca sharciga oo keliyaa ayeynni isku koobaynaa. Suaalahaas waxa
ka mid ah:
Halkee ama kuma ayey ku soo ururaysaa masuuliyadda waajibkaas
distooriga ah ee baaqday oo ahaa ianay doorashadu xilligeedii
qabsoonto? Haddii si kale loo dhigona kuma ama ciddee ayaa lagala
xisaabtamayaa masuuliyadda doorashada baaqatay ama dib u dhacday.
Ma jirtaa dan ama dano gaar ahaaneed ay ugu jrto ama ka faaiidi kara
siyaasi ahaan ama si kaleba dib u dhaca ama baaqashada doorshada
Waa maxay sababaha runta ah ee ay doorashadaasi u baaqatay ama
xilligeedii u qabsoomi weydey? Ma waxay ku timi karti darro iyo
masuuliyad-darro ay leedahay ciddii waajibkaasi saarnaa? Mise waxay
ku timi kas iyo ula kac ay u badheedhay ciddii ay masuuliyaddaasi
saarrnayd, iyaa oo laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah kana
hor imanaya danta guud ee qaranka.
Haadii jawaabtu noqodto tan hore maxaa laga yeelayaa? Waa maxay
tallaabada sharciga ah ee waajibka ah in laga qaado.
Haddii jawaabtu ay noqodto tan dambe (in ay ciddii masuuliyaddu
saarnayd ula kac ah u fulin weydey waajibkeedii) muxuu sharci ahaan
falkaasi (fal’aantaasi) ku sifoobayaa? Maxayse noqonaysaa natiijada
sharci ahaan ka dhalan kartaa?
Waa maxay qaab sharciyeedka ay leedahay ama qaadan kartaa arrintani
(xisaabtanka laga xisaabtamayo baaqashada ama dib udhaca
doorashada).
Waa ayyo cidda awoodda u leh amaa uu saran yahay waajibka la
xisaabtanka cidda masuulka ka ah in doorashadu baaqato ama dib u
dhacdo.
Ugu dambayntii oo aan kama dambays ahayn, waa waxay cawaaqibka iyo
natiijooyinka ka dhalan haddii arrinaas laga xisaabtami waayo ama
ciddii ay waajibka ku ahayd inay ka xisaabtamaan ay ka xisaabtami
weydo.?
Suaalahaas oo dhammi waxay u baahan yihiin in xaqiiqadooda laga gun
gaadho sharciyaddoodna la sugo.
Haseyeeshe, waxa u baahan marka hore in gunteeda la soo xaadho
doodada xukuumadda ama dadka xukuumadda la jira ay ku dooyaan ee aad
mooddo in cajalad laga wada qaybay (maqlay) ee waxna aan lagu darayn
waxna laga dhimayn ee nuxurkeedu yahay “Madaxweyne la doortay
Madaxweyne la doortay ayuun baa beddeli kara.” Arrintaasi waa
muranka keliya xukuumadda iyo xisbiga talada hayaa ay la soo taagan
yihiin. Waxa afkooda laga hayaa Madaxweynaha, afhayeenkiisa, wasiiro
badan xildhibaanno iyo masuuliin kale. Waxa haddaba isweydiin leh
meesha ay ka timi ama ay kaga qoran tahay distoorka iyo shuruucda
kale dalka “madaxweyne madaxweyne la doortay ayuun baa beddeli kara”
Dalku hal distoor keliya ayuu leeyahay, wuxuna ku qoran yahay afka
Soomaaliga (inkasta oo uu af Ingiriisina ku qoran yahay). Meel ay
kaga taal arrintaasi ma jirto. Yeelkeeddii waxay u baahan tahay in
la xaqiijiyo in arrintaasi ay tahay sharci ahaan weedh madhan.
Waxana xaqiijinteeda ku filan afar qodob oo keliya;
a. Ugu harryn, weedhani sideeda ayaanay maangal u hayan haddii aynnu
ka hadlayno sharci. Waxa taas kuu caddaynaya, suaashan oo keliya.
Haddii waajibka ah in Madaxweyne cusub la soo doorto ay tahay xilka
Madaxweynihii hore; haddii marka uu Madaxweynihii hore hawshaas ama
waajibkaas fulin waayo amaba uu isagu ku dedaalo inaanay dhicin
doorasho Madaxweyne cusub la soo doorto, aan wax cawaaqib ahi ka
dhalanayn , isla markaana uu isagu weli Madaxweyne sii ahaan karo,
maxaa ku kallifaya inuu qabto doorasho Madaxweyne cusub lagu soo
doorto, ama u diidaya inuu is hortaago inay dhacdo doorasho
Madaxweyne cusub lagu soo doorto.? Jawaabta muuqadtaa waa waxba.
Arrintaasina waxay ka soo horjeeddaa tilmaanta ama sifaha asaasiga
ah ee qodob sharciyeedka (legal norm). Waxay kale oo ka soo
horjeedda maangalka (illogic) waayo waxay abuuraysaa xaalad ah in
Madaxweynihii hore inuu sii ahaado Madaxweyne ay isaga ku xidhan
tahay, maaddaama in Madaxweyne cusub ay isag ku xidhan tahay.
Waxaynnu tusaale sahlan u soo qaadanaynnaa haddii sharcigu cid (qof)
ku waajibiyo in ay ku kacdo fal (ficil) cayiman , (sida inuu
askarigu maxbuuska ilaaliyo) ama ka mamnuuco in ay cidi ku kacdo fal
cayiman (sida inuu qofku qof kale dilo), haseeyeeshee sharcigu aanu
caddayn ama tilmaamin waxa ku dhici doona ciddaas haddii ay ciddaasi
fulin weydo waajibkeeda sharci (askarigu sii daayao ama ilaalinwaayo
maxbuuskii) ama ciddaasi ku kacdo falkii laga mamnuucay (qofku qof
kale dilo), markaas qodobkaas laguma laguma tilmaami karo inuu yahay
qodob sharciyeed (legal norm), waayo waxa cawaaqib ah oo sharciyeed
kuma keeni karto qofkii. Ciddaas ama qofkaas ayey ku xidhan tahay
damiirkiisa (sida uu u arko waxa xun iyo waxa wanaagsan) inay fuliso
waajibkaas ama ka joogsato falka (ficilka) isaga ah. Intaasina waa
inta ay ku kala duwan yihiin qodobka sharciyeed (legal norm) iyo
qodobka damiireed (moral norm). Sidateedna doodada kore ma aha mid
sharciyeed. Waxa laga yaabaa in arrintan fahamkeedu dadka qaar ku
adkaado, waxase fududayn kara qodobbada soo socda.
b. Had iyo jeer dadka ku doodaya “Madaxweynaha Madaxweyne la doortay
ayuun baa beddeli kara” waxay cuskadaan distoorka qodobkiisa .83aad
Faq.3aad. Haseyeeshee arrintaasi kuma taallo qodobkaas isaga ah,
wuxuna ku saabsan yahay xaalad ka duwan xaaladda hadda taagan ama
laga hadlayo, sidii aynnu horeba u soo sheegnay. Qodobkani ma aha
mid muran mugdi midna ka dhalan karo, wuxuna u qoran yahay sidatan:
“Madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenkii hore ayaa sii wadi doona
hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo
Madaxweyne-ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah
gudaheed”. Si muuqadta, qodobkaasi wuxuna inoo tilmaaamayaa saddex
arrimood oo kala ah:
1. In ay jiraan laba Madaxweyne; Madaxweynihii hore (The outgoing
President) iyo Madax weyne CUSUB (President elect).
2. Taasina waxay muujinaysaa inay dhacday doorashadii
madaxweynennimadu.
3. In Madaxweynihii hore sii wadayo hawlaha xafiiska Madaxweynaha
muddo aan ka badnayn bil , xil-wareejintuna ay bisha gudaheeda ku
dhacayso.
Sidaa darteed, qodobkani waxa nurukiisu yahay, oo keliya muddada ay
xilka la kala wareegayaan labada Madaxweyne, ka dib marka ay dhacdo
doorashsda Madaxweynuhu, ee la soo doorto Madaxweyne cusub. Kama
hadlayo waxna ka odhan mayo waxa dhacaya haddii ay dhici weydo ama
qabsoomi weydo doorashadu. Waxase isweydiin leh oo aan weli kala
caddayn dadka sidaas ku doodaya
(“Madaxweynaha madaxweyne la doortay ayaa beddeli kara”) iyada oo
aan dooroshoba dhcin isla markaana qodobkan u cuskanaya a). Inay ka
tahay aqoonddarro iyo faham la’aan ka haysata distoorka oo daacad ka
yihiin iyo b) inay ka tahay “Nin daad qaaday xumbo cuskey” oo ay
badheedh ka tahay iyaga oo ku xisaabtamaya aqoon darrada shacabka ka
haysata distoorka. Si kasta ha ahaatee, labada jeerba waa
nasiib-darro Madaxweynihii oo ay waajibkiisa ahayd inuu ilaaliyo
distoorka aanu aqoon u asaasi ah u lahayn ama ama aanu fahmi Karin
waxa uu ka hadlayo qodobka uu cuskanayo, ama uu si toos ah ugu
badheedhey inuuu isagu ku tunto.
c. Sideedaba waxa qofka loo doortaa muddo cayiman ama go’an xilka
madaxweynennimada, wuxuna hayn karaa xilkaas muddadaas iyada ah oo
keliya. Haddii ay dhammaato muddo-xileedkiisu micnaheedu waxa weeye,
waxa dhammaaday madaxweynennimadiisii, haddii madaxweyne cusub la
doorto iyo haddii aan dooran. Taasi (doorashadu) waxaba kama beddeli
karto muddo-xileedkiisa. Laba jeer oo keliya ayaa wax iska beddili
karaan muddo-xileedka Madaxweynah: 1) haddii ay sugnaato duruufta ku
xusan qodobka distoorkaa ee 83aad.faq. 5aad, markaas oo ay kordhi
karto muddada uu Madaxweynuhu xilka hayn karo. 2) Haddii ay
sugnaadaan duruufaha ku xusan qod.86aad faq.1aad, 2aad, 3aad
iyo4aad, markaas oo ay soo koobmayso muddo-xileedkii madaxweynuhu.
d. Mar kale distoorku wuxu si cad u beeninayaa in aanay jirirn oo
ahayn dood distoorka waafaqsan muranka ah “Madaxweynaha waxa bedeli
kara Madaxweyne la doortay”. Qod.86aad faq. 1aad, 2aad, 3aad, iyo
4aad waxay tilmaamayaan afar xaaladood oo Madaxwynaha xilkiisa uu la
wareegayo mid aan la dooran, ama si ku-meel gaadh ah ama si rasmi ah
labadaba. Taas micnaheedu waxa weeye xafiiskii (ama xilkii)
Madaxweynennimada ayaa bannaanaatdy iyada oo aan Madaxweyne cusub la
soo la dooran. Taasina waxay keenaysaa in xafiiska ama xilka
Madaxweynaha ay buuxiso ama qabato aan ahayn Madaxweyne la soo
doortay ahayn. Afartaas xaaladoo waxay kala yihii: 1. Haddii
madaxweynaha xilka laga xayuubiyo muddo-xileedkiisii oo aan dhaan,
dembi uu galay awgeed (qod.86aad faq.1aad). 2. Haddii Madaxawynuhu
xilkiisa gudan kari waayo sababo caafimaad darted
(qod.86aad.faq.2aad). 3. Haddii madaxweynuhu geeryoodo iyada oo
aanay dhammaan muddo-xileedkiisii (qod. 86aad. faq. 3aad. 4. Haddii
Madaxweynuhu iskii isaga casili xilka Madaxweynennimada (qod.86.
faq43aad) Afartaa xaaladoodba waxay tilmaamayaan inaan waxba ka
jirin Madaxweyne mid la soo doortay ayuun baa beddeli kara. Sababta
oo ah afrtaa jeerba waxa madaxweynaha beddelaya madaxweyne aan la
soo dooran. Afartaa xaladoodba haddii ay mid ka mid ahi ku timaaddo
Madaxweynaha “Saddexda sano ee u horreeyashanta sano ee xilka loo
doortay, wax mmadaxweyne-ku-xigeenku noqonayaa Madaxweyne
ku-meel-gaadh, waxana Madaxweyne lagu dooranayaa muddo lix bilood
gudahood ah” (qod.89aad. Faq.1aad.) Haddii xaaladahaas mid ka mid
ahi ay madaxweynaha “Ku timaaddo labada sanno ee u dambeeya muddada
shanta sano ee loo doortay, waxa xilka madaxweynnimo la wareegaya
Madaxweyne-ku-xigeenka mudda labada sano ah eeka hadhay”. Sidaas si
le’eg ayay xaaladahaas mid ka mid ahi ula kulmi kartaa
Madaxweyne-ku-xigeenka.sida ku cad isla qodobka 89aad Faq. 3aad.
Markaanadistoorku wuu tilmaamayaa waxa layeelayo (qodobka
89aad.faq.3aad). Sidaas oo kale waxa dhici karta in “Isku hal mar ku
timaaddo xaalad ka mid ah xaaladahaas ku sheegan qod.86aad,”
Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka. Markaa waxa xilka
Madaxweynaha si ku meel gaadh ah u haynaya Guddoomiyaha Golaha
Guurtida. Waxana doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka
Madaxweynaha kagu qaban doonaa muddo lixdan (60) maalmood
gudahood.ah.”
Arrimahaasi mugdi kuma jiro. Waxa dooddu ka taagan tahay maxaa la
yeelayaa haddii ay timaaddo xaalad la mid ah laakiin ka mid ahayn
kuwa distoorku tilmaamay oo keenta wixii dhici lahaa marka ay
xaladahaasi mar ku wada yimaaddaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku
–xigeenka, taas oo ah xafiiskii Madaxweynaha iyo
Madaxweyne-ku-xigeenka oo sharci ahaan isku mar wada bannaanday.
Maxaa markaas la yeelayaa? Waxa ugu horrayn is-weydiin leh maxaa
distoorku uga aammusay xaaladdan haddii ay tahay mid dhici karta.
Jawaabtu waa caddahay waana kooban tahay. Distoorku kuma talo-gelin
ay timaaddo xaaladdani, waxay noqonaysaa ku-xad-gudub distoorka ah
oo lagu magacaabi karo “Xilgudasho la’aan, waayo waxa waajib
distooriya ah in la qabto doorashada Madaxweynaha “Bil ka hor
dhammaadka muddo-xileedka Madaxweynaha hore” arrintaas distoorkuna
kama aammusin waxayna ku caddahay qodobka 96aad. Xarafkiisa t), kaas
oo ah “ku xad gudub distoorka.” Dooddan distooriga ah ee maanta ka
taagan Somaliland, waxay
8 Arrintaasi waxay keentaya ma ka dhalanaya laba suaalodd oo sharci
ah.
a) Maxaa laga yeelayaa cidda distoorka ku xad gudbtey, ee masuulka
ka ah abuuritaanka xaaladdan?
b) Maxaa laga yeelayaa xafiiska Madaxweynaha iyo
Madaxweyne-ku-xigeenka ee isku mar bannaaday?
Nuxurka ku soo ururaysaa labadaa su’aalood
9. Ugu horrayn, an isku dayno in la fahmo waxa loog jeedo ama sifaha
sharciyeed ee ay leedahay “ku xadgudubka distoorka” taas oo ka
kooban;
a) Fal ama ficil ay cidi ku kacday ama ku tallbsatay iyada oo
distoorku xaaraameeyey ama fal (ficil la’aan) iyada oo distoorku
waajibiyey falkaas lafuliyo.
b). Falkaasi oo ah mid distoorka ka soo horjeeda, wuxuna leeyahay
cawaaqib sharciyeed. Cawaaqibka sharciyeed ee falkaasi yeelan karo
wuxu ku tilmaaman yahay distoorka qodobka 96aad. xarafka t, taasin
waxay waajibinaysaa inay timaaddoo xaaladda ku xusan qodobka 86aad
faq.1aad, oo ka mid ah xaaladaha keeni kara inay bannaannato jagada
ama xafiiska mid ka mid ah ama labadaba Madaxweynaha iyo
Madaxweyne–ku-xigeenka.
Suaasha labaad: Maxaa laga yeelayaa haddii xafiiskii ama jagadii
Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee isku mar bannaanaadaan.
Guud ahaan waxa la yeelayaa waxa distoorku waajibiyey in la yeelo
marka ay timaaddo arrinta noocaas ahi, (xafiiska Madaxweynaha iyo
Madaxweyne-ku-xigeenka oo isku mar bannaanaaday) sababaha abuurtay
ama keenay xaaladdaasi si kasta ha u kala duwanaadeene. Taasina
waxay ku caddahay qod.89.aad faq.4aad. Sababta abuurtay xaaladdani,
waxba kama beddelayso natiijada sharciyeed ee ka dhalan karta
xaaladdan. Sideedaba laba arrimood ayuun baa suuragal ah marka ay
timaaddo arrintan oo kale:
a) In muddoxileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka la
kordhiyo
b) In Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ku meel gaadh ahaan uhayxilka
muddo aan ka badnayn lixdan maamood.
Maanta tan hore suuragal ma noqon karto saddex sababood awgeed:
1. Ma jiraan duruufihii suuragal ka dhigi lahaaha in muddo-xileedka
Madaxweyneha ala kordhiyo eek u tilmaaman qodobka 83. faq. 5aad iyo
qodobka 42aad faq. 3aad
2. Iyada oo muddoo kordhin hore oo sanna loo sameeyey Madaxweynaha
iyo Madaxweyne-ku-xigeenku isla markaana ay ka baaqsadeen inay
sannadkaas gudihiisii ku qabtaan doorashadii
3. Iyada oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku laftoodu ay ku
eedaysan yihiin ama lagu tuhunsan yahay inay sabab u yihiin dib u
dhaca doorashada, markii labaad, sida kor ku sifaysan, taas oo ah ku
xad gudub distoorka, sidaa darteedna ay waajib tahay in arrintood
Golayaashu ka goaan qaadtaan.
4. Sidaa darteed, waxa muuqadta inaan dariiq kale sharci ahaan inoo
furani aanu Jirin oo aan ka ahayn in la adeegsado anoolajiga
(anology) qodobka 89aad faq. 4aad.
Taasina waxay u bahan tahay, marka hore in ay labada Gole ee
sharci-dijintu isu yimaaddaan si loo xaqiijiyo ama looga gundhaadho
suaalaha ku taxan kor ku taxan (qod.6aad ee qoraalkan). Waayo marka
ay dhammaato muddo-xileedkii xukuumaddu awooddii dawladnimadu waxay
ku soo urursaa golayaasha sharcidejinta oo iyagu wakiilka ka ah
dadweynaha Somaliland. Doodda ah golayaashu isuma iman karaan waa
mid sharci ahaan madhan, waxana si hawl yar u beeninaya qodobka
38aad oo tilmaamay fadhiyada wada-jirka ah ee labada gole, gaar
ahaan r, taas oo u qoran sidan “Arrimaha kale ee labada Gole la
habboonaata inay fadhi-wadajir ah ka yeeshaan.”
Jamhuuriya Online
|