1. Dawo aan dhamaan iyo
dugsi weeyi nololee allahayow ha naga dumin adaa noogu
deeqee.
2. Dacar baan u soo
liqay iyo dulmi aan kexeeyee allahayow ha naga dumin
adaa noogu deeqee.
3. Damac aan hadhayn
iyo dirqi bay wadaan abid ee allahayow ha naga dumin
adaa noogu deeqee.
4. Waxan diin aqoon
iyo damqanmaayo nacaskuye allahayow ha naga dumin adaa
noogu deeqee.
5. Dayrkaan dhisniyo
dariiqaa xaqa ah allahayow ha naga dumin adaa noogu
deeqee.
6. Daruur roob soo
di'iyo waa deeq allee allahayow ha naga dumin adaa noogu
deeqee.
7. Dalkayga Somaliland dadkayga Somaliland aday dumadaa yihiin aday daa'imadaa
yihiin ee allahayow ha naga dumin adaa noogu deeq.
8. Diinteenna kuma
taal dambiyaday maleegaan allahayow ha naga dumin adaa
noogu deeqee.
9. Dabar gu'ii
doraatiyo ha iloobin dugaagii hana daalin abidkaa ,allahayow
ha naga dumin adaa noogu deeqee.
10. Dirqi maaha
noloshye waa deeq ilaaheed dayday yuhow xaraameed.
11. Daaquudkii
adduunyada ugu dibiro weynaa ayaan duhur ka caydhshee
muxuu diig filaayaa docohayga soo galay.
|