Dawladnimo waa intaas oo loogala sii dhawaado.


 



"Madaxweyne la doortay Geeska Afrika Siilaanyaa u da'weyn oo u waayo aragsan in uu ka dhax muuqdaa gobolkana waxay ku xidhan tahay hadba shacabigiisu u taageero iyo guulaha uu soo hooyo.

Xil ummadeed oo xarago iyo xasilooni loola kala wareego, doorasho iyo tartan xor ah oo aan la is xaman Somaliland baa leh, marka la barbardhigo Afrikada kale iyo meelo kalaba. Sidaa daraadeed waxaa haboon in madax iyo mijaba, muxaafid iyo mucaaridba halkaa hore looga sii duulo mooyee waa in aan dib loo noqon".



Misaaniyada saboolka ee Maxamed Xaashi Cilmi ee M/weynahu Fuliye.




Dawaladda xun ee ree Somaliland waxaa lagu gartaa, col hortiiba waxay ka saluugtaa Injineer Max amed Xashi Cilmi oo ah ninkii u horeeyey ee dejiya misaaniyad danaynaysa saboolka.

Dawladda wanaagsanina qaar isaga la aragti oo la mid ah ayay ku soo kordhisaa Golaha fulinta. Golaha fulinta ee Mudane Axmed Maxamud Siilaanyo soo dhisay gudaheeda Maxamed Xaashi Cilmi maanta madi ma ah, tukihii beelka caddaa ee keligii tukayaasha baalka madaw la daaqay jirey ma ah. Maanta ma ah geedkii keligii ka baxay bankii giriyaad ee wuu lamaanaan yahay oo waxaan la difiri Karin hab dhaqanka heer qarameed, daacadnimo, aqoon yahanimo iyo hawlkarnim Dr. Sacad Cali shire oo ku foogan sidii u dejin lahaa ee uu u sugi qorshe hawleed muddo dheer iyo mudo gaa ban ba leh.

Waa ta labaade Maxamed Xaashi Cilmi iyo Axmed Maxamud Siilaanyo iskuma cusba oo tartan hoga amineed iyo wada shaqaynba way soo wada galeen, jidbay soo wada mareen, jidiin bay soo wada cunneen, waa rag is yaqaan. Mar walba waxay labadoodu muujiyeen in aan xafiiltan dan guud loo gu kala tageyn. Sidaasooy tahay oo ay cadahay hab maamulkii dawladeed in lagu sii dhawaade, a deeg waxbarasho oo lacag la’aan ah la hayo, musharkii la sugay, cagtana la saaray tubtii musuq maasuq lagaga gudbi lahaahaddana way sagaaloodey mooyee way tobnoode lama odhan karo



Ururka SNM waxay isku ahaayeen Guddoomiye iyo xoghayaha Maaliyada. Magacaabista uu maanta maaliyada u magacaabay waxay marag u tahay in ay dhab tahay xantii ahayd in aanu Madaxwey nuhu sedbursiga iyo gacan togoolaynta xatooyada xoolaha dadweynaha weligiiba u jajabsanayn ee daawade ka ahaa muddooyinkii uu xilka soo hayey noloshiisa .

Miisaniyada saboolka taabtay itaalkay doonto ha lahaatee saboolka beel walba iyo gobol walba. Waxaa lahayaa adeeg waxbarasho oo lacag la’aan ah, musharkii oo la sugay, cagtana la saaray tubtii musuqmaasuq lagaga gudbi lahaa.

Haddaba dawladnimadu waa intaa oo loogala sii dhawaado iyo shirarka caalamka iyo gobolka oo l aga qaybgalo, oo bal lagaa gaadhsiiyo go’aanka bulshada bulshada Somaliland, si looga gun gaadh o ictiraaf raadinta.

Haddii M/weynaha iyo golihiisu fulintu ka qaybgeli waayaan shirarka caalamka, waxaa hubaal in ci d kale oo iskeed isku xilqaamaysaa ay ka qaybgasho. Waxaa hubaal ah haddaad shirarka tagi wey do oo hadlan weydo in lagu qadin.

Kooxaha ogol in dawladu qod banaato oo aanay caalamka la macaamilini, waxay raali ku yihiin in Sh eekh Shariif ku wakiil uga noqdo meel kasta la iskugu yimaado, islamarkaana waxay diidan yihiin M adaxweynihii dadweynuhu codka siiyey ee loo doortay iyo golihiisu in ay gudo iyo debadba iyagu m atalaan.

Inkasta oo haddaba miisaaniyadii saboolka, dardarta darta wasaaraduhu soo miicaadayaan, hadd ana waxa heer gaadhey hugunka qabyaalada tan iyo markii uu KULMIYE ku guuleystey. Maxaa wacay?



Ururka KULMIYE iyo Ururkii SNM maxay iska shaabahaan?




Hugunka beelaha ee dami waayey markii uu KULMIYE ku guuleystey hogaamintii wuxuu la mid yah ay hugunkii dami waayey markkii SNM ka raysay maamulkii Siyaad Barre.

Ururka SNM, tan iyo markii ay duurka joogey muran iyo loolan ayaa ka dhexeeyey. Qayb laga tiro badan yahay oo amminsaneed urunimada, xeerkii iyo distoorkii ay dhigteen. Taageerayaasha iyo in badan oo ka mid ah hogaanka ururka waxay ku dhaqmayeen aabahay goblanta ( Dhegeyso hor dhicii uu akhriyey Gaariye maalintuu maansadii Ergo tirinaayey, waxaa kale oo aad akhrida, Ururku  muu faramadhnayne, Xeerkii Ururka ee Maaliyada oo haatan ku daabacan dharaaro.com).



Duurjoogtii SNM sedex distoor oo isbarbar cararaya ayay lahayd.




1. Distoor qoran oo heer qaran aha oo gobalaysi ku jirin inta fahamsan. Waxuu ku salaysanaa hab dhaqan dhaqaale iyo bulsho. Inta ku dhaqanta ee aaminsaneyd tayo mooyee tiro ma lahayn dhaq aalana aragtidaasi may soo hoyneyn. Hab maamul ayuu la dagaalamayey oo hab maamul oo dhaa ma ayuu hiigsanayey. Tabihii Siyaad Bare ayaa isaguna sii laciifiyey. Bad baa heshay haddana ninman hawl yar ma ahayn, waayo kuwa kuwa kale ilaa heer jilib ayay soconayeen.

2. Diistoor aan qornay oo afka ah oo Afweynoo laga reeyo ujeeda uga danbayn, kuna salaysnaa Abahay goblin iyo in reer hebel la iska dhiciyo. Tirada ugu badan ayaa kaa aaminsaneyd oo hadda an dhiig la tusin qaadhaanka bixineyn. Waxay ahaayeen laf dhabarta tirade ururka iyo dhaqaalaha ururka.

3. Distuur maansa ah oo hormoodadeeda Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye iyo Maxamed Ibrahim Warsame ka duulayeyn distuurka qoran iyo boqolaal kale oo ka duulayey distuurka aan qornayn ee beelnimo. Hadraawi iyo Gaariye markay maanso tiriyaan Somali oo dhan ayaa oofineysey waxa y ku tiraabaan, gaar ahaan indheer garatada. Waxay ururka u soo hoyn jireen taageerayaal cid walba leh iyo dhallin yar qoriga qaada oo ku soo biirta kuna tasbiixsada maansooyinkooda. Laakiin dhaqaale ma soo hoyn jirin. Waxaa dhaqaale soo hoyn jirey maansooyinka ay ka midka ahaayeen “Habar Yoonis soo dagaalka soo kuma damaashaado” iyo “gujis baan uga dhignahay Gebiga daar ood” kuwaas oo lahaa jaawaab celin.

Haddaba maxaa dhcay markii la soo galay ee ummada inteedii badnayd ururkii dhex yimi. Waxaa dhacday in kooxdii aan aaminsaneyn urunimada ay is kaashadeen kuwii aan ururka ka mid ahayn, iyo kuwii aaminsanaa beeshay goblanatay iyo jilibkee goblin.

Kooxahaas oo aan tiro iyo cadad lahayn ayaa cuskaday distuurkii aan qornayn ee abnimadii oo waxay ka carayaan in la yidhaa ururka maad ahayn amma waad ka soo horjeed. Waxaa markaa khasab noqotay in sidii loo badnaa wax loo yabyabo.

Mahadi ha ka gaadhee Odayaal dhaqameedkii reer waqooyiga oo dhan iyo golihii dhexe ee SNM ga ar ahaan intii miyirka qabtay oo wadajir ayaa shir beeleedyo qabto lagu sugayo nabada oo lagaga badbaado kala aargoosi. Waxaa lagu dhawaaqay wax heerkii beelnimo ka sareeya oo dadku oo ka dhexeeya oo ay hiigsadaan. Waxaa la ansaxiyey qaranimada Somaliland oo dhammaan dadka intoo dii badnayd midaysay, sidii baa lagaga gudbey in dagaal oogayaal ku abuurmaan.

Kooxaha haddaba doonayey in ururnimada lagu bedelo beelnimo tiro iyo cadadba way badnaayee n. Qaar baa aad ugu sii talax tegey oo Faysal Cali Waraabe wuxuu qoray buug la yidhaa Isaaq.

Waxaan xusuustaa mar aanu London ku kulanay isag oo sita oo la wareegaya buug uu ugu magac daray Isaaq .Wuu ii soo taagey. Markaan ku idhi ma doonayo wuxuu igu yidhi Isaaqaad neceb tah ay, isaaqaad ka soo horjeedaa. Waxaan ku idhi anigu reerkaa aad sheegeyso ma necebi, laakiin denbi aan ka galay oo aan iska maydhayaa ma jiro iyaga iyo kuwa kala toona.

Ururka Kulmiye intaa uu ururka SNM lahaaba wuu lahaa marka laga reebo maansadii distuuriga ah ayd oo ay ku bedeleen hawraarta warbaahinta oo uu kow ka ahaa Idaacadii Kulmiye ee aan wax ba iskula hadhi jirini. Haddaba markuu kulmiye ku guuleystey tartankii iyo doorashadii waxaa bilaa bantay in xidhigii qabyaalada ee waagaa dib loo garaaco.

Haddaad u dhabasho gasho, kuwa garaacaya waxaad ogaaneysaa in ay yihiin kuwii aan ka mid ah ayn ururka Kulmiye oo badanaa xildoon ah. Haddaad u fiirsato beesha Madaxweynuhu ka soo jee do carooga beelnimada kuwa afuufayaa waa kuwii aan Kulmiye weligood ka mid noqon, qaadhaa nka bixin jirin, waa kuwii wasiirada ka ahaa dawladihii UDUB, waa kuwii iyaga iyo Madaxweynihii ho re barkintu u dhaxayn jirtey, ee Xasan Gane sheegay.

Waxaa kaaga sii daran beeshii kii sidaa ah ayaabaa noqonaya geesi beeleed reerka difaacaya , ma xaayeelay mid isaga la mid ah oo la garaad ah ayaa beelihii kala ka buuxa oo M/weynaha iyo bees huu isaga oo aan kala reebin soo tumaatiyaya.



La soco todobaadka danbe

 

 

 

 

 

Hamud Duale