Dawladnimo waa intaas oo loogala sii dhawaado iyo shirarka caa lamka iyo gobolka oo laga qaybgalo oo codka dadweynaha la gaadhsiiyo

 

 


Qaybta 1aad waa baadhahayg, qaybta 2aad wagarteyda,
Hamud Duale



"Madaxweyne la doortay Geeska Afrika Siilaanyaa u da'weyn oo u waayo aragsan.

Xil ummadeed oo xarago iyo xasilooni loola kala wareego, doorasho iyo tartan xor ah oo aan la is xaman Somaliland baa leh, marka la barbardhigo Afrikada kale iyo meelo kalaba.

Sidaa daraadeed waxaa haboon in madax iyo mijaba, muxaafid iyo mucaaridba halkaa hore looga sii duulo oo aan dib loo noqon".



Misaaniyada saboolka ee Maxamed Xaashi Cilmi iyo M/weynaha Fuliye.

Dawladu way qumantahay, ma qodbana oo way durdirineysa, mana qaadireysna.



Dawaladda xun ee ree Somaliland waxaa lagu gartaa, col hortiiba waxay saluugtaa Injineer Maxamed Xa shi Cilmi oo ah ninkii u horeeyey ee dejiya misaaniyad u dan ah dadweynaha saboolka.

Dawladda wanaagsanina qaar isaga la aragti oo la mid ah ayay ku soo kordhisaa Golaha fulinta. Golaha f ulinta ee Mudane Axmed Maxamud Siilaanyo soo dhisay gudaheeda Maxamed Xaashi Cilmi maanta madi ma ah, tukihii beelka caddaa ee keligii tukayaasha baalka madaw la daaqay jirey ma ah. Maanta ma ah geedkii keligii ka baxay bankii giriyaad ee wuu lamaanaan yahay oo waxaan la difiri Karin hab dhaqanka heer qarameed, daacadnimo, aqoon yahanimo iyo hawlkarnim Dr. Sacad Cali shire oo ku foogan sidii u de jin lahaa ee uu u sugi qorshe hawleed muddo dheer iyo mudo gaaban ba leh. Golaha fulintu intooda bada ni waa heersare haddii kale Maxamed Xaashi isgumay raageenba.



Waa ta labaade Maxamed Xaashi Cilmi iyo Axmed Maxamud Siilaanyo iskuma cusba oo tartan hogaamine ed iyo wada shaqaynba way soo wada galeen, jidbay soo wada mareen, jidiin bay soo wada cunneen, w aa rag is yaqaan. Mar walba waxay labadoodu muujiyeen in aan xafiiltan dan guud loogu kala tageyn.

Ururka SNM waxay isku ahaayeen Guddoomiye iyo xoghayaha Maaliyada. Magacaabista uu maanta maali yada u magacaabay waxay marag u tahay in ay dhab tahay xantii ahayd in aanu Madaxweynuhu sedbu rsiga iyo gacan togoolaynta xatooyada xoolaha dadweynaha weligiiba u jajabsanayn ee daawade ka ah aa muddooyinkii uu xilka soo hayey noloshiisa . Sidaasooy tahay oo ay cadahay hab maamulkii dawladee d in lagu sii dhawaade, adeeg waxbarasho oo lacag la’aan ah la hayo, musharkii la sugay, cagtana la saa ray tubtii musuqmaasuq lagaga gudbi lahaahaddana way sagaaloodey mooyee way tobnoode lama odh an karo



Intaasi duul aan u bogey iyo doog wararacdaydii dheh, immikana ku soo durug wagarteeda oo ay isku k ay qaban la’dahay waxbaa la yamxeerinayaa oo dawlada tira yar oo taya leh ayaa la dhisayaa hadana waxaa la barbar wadayaa lux lux saran aakhirka leeleel, jinni jinni saaran, jinni kale saaran. Guddi gudi saaran, guddi kale saaran, Gole gole saaran, gole kale saaran, la taliyayaal saaran guddi la taiyayaal oo sii gaar ah iyo wareegtooyin isdaba joog ah, sidii oo inqilaab dhacay oo aan doorasho wax lagu kala hel in.



Halkaa ha inoo joogto
qaybta 1aad
 

 

 

 

 

Hamud Duale