“Dawladdu way u Soo Jeedaa Inay Wax-qabato Ee Ha Arkina
Barobagaandada”
Hargeysa (TNN):- Wasiir
ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somalilan d
Shukri Xariir Ismaaciil ayaa ugu baaqday shacabka in aanay dhag u
dhigin dacaayadaha ra qii ska ah ee ay xukuumadda ka fidiyaan
mucaaridku.
Shukri Xariir Ismaaciil ayaa waxa ay sidan ku sheegtay xaflad
shahaado sharaf lagu guddoo n siinayay xildhibaan Nacnac, waxaanay
sheegtay in madaxweyne Siilaanyo ay ka go’an tah ay inuu dalka
waxqabad muuqda ka muujiyo oo uu taariikhda ku galo, waxaanay
tilmaantay in xukuumaddu fulisay waxqabad iyo horumar balaadhan.
Shukri Xariir Ismaaciil oo arrimahaasi ka hadlaysa waxa ay tidhi,
“Dawlada maanta jirta ee ta lada dalka haysa waa dawlad dalka u soo
jeeda inay wax ka qabato, dawladan barobag aan dadeedu way yar tahay,
laakiin waxqabadkeeda ayaa tiro badan markaa dadweynow waxa an idin
leeyahay ha arkin barobagaandada ee waxaad aragtaan waxqabadka iyo
horumarka la taaban karo ee dalku gaadhay, waxa la arkayaa
siyaasadda arrimaha dibada tallaabooyin ka adag ee dawladdu qaaday,
waxa la arkayaa siyaasada arrimaha gudaha talaabooyinka culus ee ay
dawladu qaaday, waxa la arkayaa dhinaca dhiirigelinta bulshada iyo
shaqaalaha dawlada ciidamada, waxay la lahaayeen maalintii
darajooyinka lagu taloyay ciidanka waxay lahaayeen dhab ma noqon
doonto, waa lagu dhiiraday madaxweynaha maanta jiraa waxa uu jabiyay
gidaar adag oo hor yaalay dawladihii hore ee Somaliland soo maray.”
Shukri Xariir Ismaaciil waxay tilmaantay in Madaxweyne Siilaanyo
hamigiisu yahay inuu taa riikhda ku galo waxqabadka uu muujiyay,
waxaanay tidhi, “Madaxweynuhu waa nin mujaahid ah oo garanaya in uu
u mahadceliyo inta hadhay ee SNM. Waa nin garanaya inuu u
mahad celiyo ciidanka qaranka ee difaaca ku jira, ma doonayo
madaxweyne Siilaanyo oo ah guddo omiyihii SNM ugu mudada dheeraa, ma
doonayo in la yidhaahdo madaxweynihii afaraad ee Somaliland ayuu
noqday wuxuu doonayaa in la yidhaahdo waa madaxweynihii ugu
wax qab adka badnaa ugu horumarka badnaa ee ummaddiisa wax u qabtay
taariikhdana way galay saa.”
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|