Dawladda Somaliya Oo Ka Baxday Heshiiskii Turkiga Ee Dh igayay In Hawada Somaliland Iyo Somaliya Laga Maamulo Hargeysa


 



Hargeysa (TNN):-Dawladda Somaliya ayaa si cad u sheegtay inaan xarunta hawada laga rari doonin caasimadda Somaliya ee Muqdisho, waxaanu dhawaaqani si cad uga hor imanayaa heshiiskii ay Somaliland iyo Somaliya ku kala saxeexdeen Turkiga ee dhigayay in la sameeyo guddi farsamo oo wada jir u maamula hawada, xaruntooduna ay noqoto Hargeysa oo ah caasimadda dalka Somaliland.

Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliya Cabdillaahi Ciilmooge Xirsi, oo Salaasadii hortagay golaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa mudanayaasha u sheegay inay iska iloobaan hadalada sheegaya in hawada laga rari doono Muqdisho. “Beryahan waan ogahay in laga hadlayay hawadii ayaad bixiseen iyo hawadii aad soo celiseen ayaa dib loo qaatay. Horta xeerka hawada Somaliya, qodobkiisa labaad waxa u horaysa xarunta hay’adu waa Muqdisho, inaan hawada laga rari Karin caasimadda.” Ayuu yidhi Wasiirka Somaliya u qaabilsan hawada iyo isgaadhsiintu, waxaanu intaas raaciyay oo uu soo daliishaday cahdiga Chicago, “Tan labaad oo ah Chicago convention [cahdiga Chicago] dawlad xor ah ayaa xubno ka ah, markaas dawladda federaalka maamulada kale ee hoos yimaada waxay leeyihin in la gaadhsiiyo adeega oo dhan oo adeegu xamar kuma eeka, laakiin xaruntu waa Xamar.”

Wasiirka Somaliya, waxa kale oo uu sheegay inay dawladiisu dhammaadka sannadkan la soo wareegayso hawada Somaliland iyo Somaliya, islamarkaana ay horaanta sannadka 2014 si rasmi ah u bilaabi doonto maamulista hawada Somaliland iyo Somaliya.

Xukuumadda Somaliland ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ka noqotay go’aankii ay hay’adaha Qaramada Midoobay kaga mamnuucday inay diyaaradaheedu ka soo degaan madaarka Somaliland, ka dib markii ay Qaramada Midoobay u gacan gelisay Somaliya hawada labada dal. Sababata ay xukuumaddu uga noqotay xayiraadaas ayaa la xidhiidhay heshiiska ay labada dal kala saxeexdeen ee dhinaca hawada, laakiin dad badan ayaa aaminsan inay xukuumadu ku deg degtay go’aankaas ay burisay.

Hadalkan ka soo yeedhay dawladda Somaliya, ayaa cadaynaya sida ay dawladdaas Muqdisho aanay marna diyaarka ugu ahayn inay fuliso qodobada ay labada dal ku heshiiyaan.
 

Source:Geeska