Dawladda Somaliland Oo Canaanatay Axmedu Weld Cabdalla

 

Xukuumadda Somaliland ayaa canaanatay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Md. Axmedu Weld Cabdallah, oo ay ku canaanatay inaanu ilaa hadda ka soo ag wareegin Somaliland, tan iyo markii ay qaraxyadu ka dhaceen Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed, oo shalay hadal ka jeediyay kulan ay xubno wasiiro ahi la yeesheen ururada samofalka wadaniga ah, waxa uu sheegay inaanay Somaliland ilaa hadda garanayn sababta uu ugu iman waayay ee u soo tacsiyadayn waayay, “Waa taasi oo cid walba way inoo timid, EU-baa inoo timid, Hay’adihii oo dhan baa inoo yimid, laakiin Anigu cida qudha ee aan tabayaa waa wakiilkii xoghayaha Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaliya Mr Axmedou Weld Cabdalla, waxa uu ku maqan yahayna ma garanayo.” Ayuu yidhi Cabdillaahi Maxamed Ducaale, waxaanu intaas raaciyay, “Duqaasi waxa uu ku maqan yahay Wasaarad khaaraji ahaan waanu is waydiinay, waxaanan ku rajo waynahay inuu yimaado.”

Wasiirku, waxa uu sheegay inay Somaliland dalbanayso in laga bedelo ergaygaas, waxaanu yidhi “Anaguna waxaanu u haysanay inuu Somaliland iyo Soomaliyaba Wakiil u yahaye, haddii kale waxa lagama maarmaan noqonaysa in Somaliland cid gaara loo soo magacaabo, wakhtigan oo kalana waa wakhtiyada la is tabo, dal uu cadow ku soo duulay oo qaramadii midoobay ninki Wakiilka uga ahaa ee khaaska ahaaa inuu maanta ilaa xiligaa naga maqnaado waa arin aanan garawsan”.

 

 


 


Source:Wargeyska Geeska Afrika